|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2542 |
December 23, 2010 Muharam 17,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Madaxtooyada Oo Beenisay War Laga Qoray kharashkii Ku Baxay Safaradii Madaxwayne Siilaanyo Dhawaan Ugu Ambabaxay Dibada Hargeysa, December 23, 2010 (Haatuf) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse) ayaa lagu beeniyey war ku saabsan kharashaadkii ku baxay safaradii madaxwayne Axmed Siilaanyo ugu kicitimay dhawaan dalalka dibada, kaas oo lagu sheegay in uu isticmaalay lacag aad u tiro badan oo gaadhaysa $500,000, warkaas ay madaxtooyadu aadka uga hortimid ayaa waxa qoray wargeyska madaxa banaan ee Hargeisa Star, warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay afhayeenku, isaga oo dhamaystiran, waxa uu dhignaa sidan:- “Beenin Warka kusoo baxay Wargeyska Hargeisa Star, Waxa maanta oo taariikhdu tahay 22 December 2010 boga hore ee Wargeyska Hargeisa Star ku soo baxay wax lagu sheegay in uu war yahay balse ah fadeexad qaawan oo uu ula badheedhay in uu wax ku yeelo sharafta iyo karaamada Masuul’yiin Qaranka xilal ka haya oo uu ka mid yahay Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu ku eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan $ 500,000 (Nus Malyuun Dollar). Lacagtaas oo sida wargeysku sheegay laga soo qaaday Dekedda Berbera, isla markaana. Loogu talo galay safarkii Madaxweynaha Qaranku dhawaan dalka dibediisa ugu baxay. Ugu horeyn, waxa aan halkan ku cadaynaynaa in warkaas wargeysku qoray yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Mana ahaa markii ugu horeysay ee uu wargeyskani (Hargeysa Star) eedaymo aan jirin, af lagaado iyo been abuur ah kula kaco Masuuliyiinta Qaranka. Sida sharciga iyo nidaamka dawligu qorayo, Kharashaadki lagu maamulayay safarka Madaxweynaha waxa sifo sharci ah ku bixisay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Isla markaana, ma jirto haba yaraatee lacagtaas Wargeysku qoray ee laga soo qaaday dekedda Berbera. Taasina waa mid cadaynteeda xukuumadda iyo maamulka dekedda labadaba laga heli karo. Haddaba, iyadoo loo marayo sifo shuruucda Qarankeena waafaqsan, Madaxtooyada Somaliland iyo mas’uuliinta ay khusaysaaba waxa ay u gudbin doonaan hayadaha garsoorka dacwad ka dhan ah wargeyskaas (Hargeysa Star). Sidaa darteed, maamulka iyo tafatiraha Wargesyka waxa looga baahan yahay ina ay la yimaadaan cadaymaha ee ay u hayaan af lagaadoyinka iyo eedaha ay ku soo bandhigeen Wargeyska”. |