Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2422

August 05,2010                                                                                Sha'ban 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Waa Sidee Xaalada Nololeed Ee Hyderabad & Marxaladaha Waxbarasho Ee Ardayda Reer Somaliland

Qalinkii : Maxamed Mawliid Xirsi

Hargeysa, July 28, 2010 (Haatuf) – Gobolka Andhra Pradesh Magaalo Madaxdiisa Hyderabad ayaa waxay ka mid tahay  magalooyinka sida wayn u soo koraya ee dalka Hindia haday tahay dhaqaale iyo horumarba lana odhan karo xaga Technology waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu horeeya  waa magaalo balaadhan, bilic iyo qurux ahaanse lama odhan karo aad Ayay u qurux Badan Tahay laakiin Waa Magaalo Ilaa xad weyn 0o Waa Magaalada 5-naad Ee Ugu Weyn dalka India, Hyderabad Waxay Ku Taal Koonfurta India   ( South eastern coast of India), waa magaalo aad u balaadhan oo lagu qiyaaso 217 sq km xaga cimilada waa wet and dry. summer time ka oo kale max 40 C and min 22 C roob ka ay heshaa waa  89 cm(june to sept) best season waxaan odhan karaa  june ilaa  February,  xaga luuqadaha waxa lagaga hadlaa luuqadaha  Urdu, Hindi, Telugu Iyo English.  Xaga diinta 50% waa Muslim, waxa kale oo jira Hindus Iyo Sikhs.   Dadka magaalada Hyderabad ku nool hada waxa Lagu Qiyaasaa Inay Gaadhaan approximately 3,233,660. (11 Milyan), dadkaas  9 Malyan oo ka mid ahi waxay Dagan Yihiin Caasimada Andhra pradesh Ee Hyderabad 3 Milyan ee Kalle Waxay Degan Yihiin Tuulooyinka Oo Ay ka soo Shaqo Tagaan oo ay habeenkii guryahoodii magaalada ka baxsanaa ku noqdaan, magaalada Hyderabad waxa ku xeeran tuulooyin aad u badan oo ay sadexdaa malyan ee qof aroortii ka soo shaqo tagaan.

dhinaca kale magaalada Hyderabad ee India ayaa lagu tilmaamaa inay tahay magaalada ugu fiican ee ay ku noolaan karaan dadka somalida ah, waana taas sababta dhabta ah ee keentey in ay waxbarasho u tagaan arday badan oo reer Somaliland ahi, waana magaalo ardayda reer Somaliland iyo somalida kaleba u Lehna Tayo Nololeed & mid Waxbarasho labada, Nolosha  qofka  hada waxa qof kasta ku noolan kara Lacag dhan 200$ ilaa 250 $ Dadka inta u badana waxay qaataan lacagtaas intaa leeg oo ay ku jirto Noloshiisii iyo Kharashaadka Nolosha la soo darso xaga caafimaad iyo xaga daryeelba, Nolosha Magaalada Hyderabad Waa Mid wanaagsan oo Nabad leh Dadkuna aanay arkayn wax badan oo dhib ku ah oo waxa la odhan karaaba somalida ku dhaqan magaaladaasi waxay heleen magaalo aad ugu dhaw kuwii ay ka yimaadeen xaga nolosha iyo dhaqankaba.

Ardayda Somaliland ee ku nool magaalada Hyderabad Waxay u wada Dagan Yihiin 4 qof oo Sharing Ah oo guri qudha ayey Wada Galaan dhamaantood Kolba Sida Ay u wada Noolaan Karaan Halkaasna Ay kaga Wadaaan Qaybaha Nolosha Iyo Waxbarashada ee ay u yimaadeen magaaladaas..

Sidoo Kale cuntada Waxa Laga Hello Uguna Badan Waa waa bariis, digaag  & caano lo’aad oo  kuwaynu naqaanay ka duwan oo la yidhaa Buufalo, Magaaladan Cuntadeeda Inta Badan Somalidu wa Iskala Qabsataa Inkastoo Badanaaba Somalidu Ay Guryaha Ku samaysato Cuntada oo Ay Suuqa ALaabta Cuntada uun u doontaan.

Dhinaca kale magaalada Hyderabad waxa ku yaala jaamacado badan, laakin somalida wax ka barata magaaladaasi badankoodu waxay dhigtaan jaamacada la yidhaa Osmania University, waxaana la odhan karaa waa meesha ay somalida Jaamacadaha Hyderabad wax ka barta ay 80% dhigtaan.  Sababta  kale ee muhiimka ah ee keentey in ardayda reer Somaliland ee wax ka barata Hindia ay u doortaan Jaamacada Osmani University  waxa weeye jaamacadani ardayda soo codsata wax barashada ee somalida ah kuma dhibto aqbalida documents  (Acceptance Documentry). Osmania University  guud ahaan wa jamacada 1-aad Ee State Kaas Hyderabad India Ugu Horeysa Jaamacadaha, ardayda reer Somaliland ee waxa ka barataa jaamacada Osmania University  Inta Badan Waxay dhigtaan Period ka COMMERCE  89%, inta Kalle ee Soo hadha AYaa Barata

Technolog, Social Work, & Enginering.

 Inta Badan Waxa Meesha Wax ka Bartaa Waxay u badan Yihiin Ajanib (foreigner) oo aduunka oo dhan ka kala yimid, Sida Somaliland, Somalia , Puntland, Sudan, Eleteria, Ethiopia, Kenya, Palasten, Ivery Cost , Chana, Uk. USA, Swiss, Afganistan, Iran, Tanzania & Ajanib Badan oo Kalle.

Magaaladan oo ah magaalada koowaad ee la odhan Karo Waa Magaalada ugu Tayada Fiican xaga Waxbarshada Uguna Jaban dhinaca Nolosha & waxbarashaba  Marka Loo Eego Magaalooyinka Kalle oo Iyagu Ka Qaalisan xaga Nolosha.

Sidan Hore U Soo Sheegnay Waxa Jirta Jaamacado badan ( More University), Kuwaas oo Bixiya Course-yo Kalla Duwan.

Sidan Hore U soo Sheegnay Waxa Ka Jira Magaaladan Hyderabad India In Ka Badan 20 jaamacadood, laakiin ardayda reer Somaliland ayaa waxay u kala qaybsameen 5 jaamacadood, ha ugu badnaadaan Jaamacada Osmania University-ye, waxaanay kala yihiin jaamacadahaasi sidan:-

1. Osmania University (0U)

2. Jawaharlal Nehru Technological University (JNTU)

3. University of Hyderabad (UH)

4. N.T.R. University of Health Sciences.

5. Sakkim Manipal University.

Maxamed Mawliid Xirsi

Bachelor of E-Commerce  With Computer.

 Hindia:  Hyderabad