|
Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo
Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga
Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday
Inay Joojiyaan
Wasiirka Maaliyada Oo
Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii
Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig
Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay
Shirgudoonka Guurtida Oo
Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad
Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable
Xukuumada Oo Maxjar Labaad
Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman
Maanta, Shalay dhaantey!
Raysal Wasaaraha Dawladda
Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way
Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo
Faallo: 29-October Xasuusta
Maalin Xanuun Badan Lahayed
Wasiirka Maaliyada Oo Maanta
Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha,
Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga
Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda
Luqunta Iskaga Duubi Doonaan
Tartan Adag Oo Ganacsatada
Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!
Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay
Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
|
Daafaha Dunida: Wax ka Baro Dalka
Tajikistan
Dalka
jamhuuriyada Tajikistan waxa uu ku yaalaa qaarada Eshiya waxana uu xada
la wadaagaa dalalka China, Afghanstan, Bakistan, Uzbekistan iyo
Kygryztan. Caasimada Tajikistana waxa la yidhaa
Dushanbe waxa ay dalka kaga taalada jidada Galbeed. Dhulka uu ku fadhiyo
dalka Tajikistan waxa lagu qiyaasaa
55,251.22 oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta
143,100.00 (kiloomitir laba jibaaran) dalka ayaa waxa lagu qiyaasaa in
uu waxoogaa ka yaryahay gobolka
(Wisconsin) ee dalka maraykanka. Dadka ku dhaqan dalka Tajikistan ayaa
waxa ay kor udhaafaan
6-milyan oo ruux waana tirakoobkii la sameeyay bishii July ee 2001
Rajada korodhka dadka reer Tajikistan ee sanadka 2050 ayaa lagu qadaraa
in ay gaadhi doonto in kabdan 16milyan oo ruux.
Luuqadaha lagaga hadlo dalka Tajikistana waxa ugu horeysa luuqada
maxaliga ah ee Tajik oo ah luuqada qaran ee dalka lagaga hadlo si doo
kale luuqda Ruushka ayaa ah luuqad xaga shaqooyinka dowolada loo
adeegsado oo badanaa lagaga hadlo goobaha shaqda.
Dadka aqoonta leh ee u dhashay dlka Tajikistan ayaa waxa lagu qadraa in
ay gaadhayaan boqolkiiba 98.0% ruux.
Diimaha lagaga dhaqmo dalka waxa ugu horeysa diinta Islaamka oo ay ku
dhaqmaan dad gadhaya boqolkiiba 85% tiradan ayaa usii kala baxada
madaahiibta Shiicada iyo Sunaha, oo ay kala haystaan Sunaha waxa
aaminsan 80%, halka Shiicada ay ka haystaan boqolkiiba 5% .Cimriga ragga
reer Tajikistan ayaa gaadha celcelis ahaan 61-sano halka dumarkana lagu
qadaro 67-sano.Qaab dhismeedka dowlada ka talisa dalka Tajikistan ayaa u
shaqaysa nimaadka jamhuuriga ah
(Government Type republic) Lacagta laga qaato dalka waxa la yidhaa
somoni
Warshadada ka dhisan Tajikistan waxa lagu farsameeyaa alaabo ay kamid
yihiin: macdanaha aluminum, zinc, lead, kiimikada bacriminta, Sibidhka,
khudrada saliida laga tuujo, birta, Mashiinada iyo qalab kale oo aad u
badan. Beeraha dalka waxa ka baxa dalagyo ay ugu muhiimsanyihin geedka
Cudbiga, midhaha iyo khurada waxa sidoo kale dalka si wayn looga
isticmaalaa dhaqashada xoolaha ay kamid yihin: Lo’da, Adhiga iyo Riyaha.
Dhulka la isticmaalo ee dalka Tajikistan ayaa ah boqolkiiba 6%
Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa ugu muhiimsan awooda tamata biyaha
ee (hydropower) Baatroolka, yuuraaniyamka, dhuxusha cawlan iyo macdanaha
ay kamid yihiin
lead, zinc, antimony, tungsten, qalinka iyo dahabka.
|