Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2553

January 05, 2010                                                                          Muharam 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

“Madaxweyne Siillaanyo Wali Ma Dhufayskii SNM-buu Ku Jiraa, Muxuu Ciidamada Noogu Soo Daad Guraynayaa, Cornayl Dayr Iska Toos-na Waa Nin Dhul Bahante Ah”

“Nuux Taani-Na Colaad Buu Wadaa, Hadii Ay Ka Bixiwaayana Wixii Rag Yeeli Jiray Ayaanu Ku Dhaqaaqi Doonaa, Hadii 60-Kii La Eegayana Anigu Gaatama Ayaan Leeyahay” Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale

Hargeysa, January 5, 2011(Haatuf) - Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale oo ka mid ah garaadada Dhulbahante ee Buuhoodle, isla markaana ka mid ah hogaanka sare ee nabad diidka Buhoodle ayaa walaac ka muujiyay kormeerka Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani uu ku marayo ciidamada qaranka Somaliland ee saldhigyadoodu yihiin jiidaha hore ee xuduuda iyo deegaanada gobolada Sool iyo Buuhoodle, isagoo intaa ku daray in ciidamada qaranka Somaliland ay ka baxaan deegaanadaasi, kuna hana jabay in Maleeshiyadooda nabad diidka ahi ay dagaal kala hor tagi doonaan ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanada Maygaagle, Kal-shaale iyo Widh-widh oo uu tilmaamay in ujeedada loo keenay ay tahay sidii ganacanta loogu dhigi lahaa Buuhoodle.

Garaad Guutaale waxa kale oo uu difaacay ciidamada Puntland ka yimid ee uu hogaaminaayo Col. Dayr Iska-Toos ee dhawaan soo gaadhay Buuhoodle.

Sidoo kale Garaad Ibraahi waxa uu madaxweyne Siillaanyo ugu baaqay ilaa inta ciidamadu ka baxayaan deeganadaasi in aanay aqbalaynin baaqii nabadaynta ee Isimadooda Dhulbahante ugu jeediyay gogol nabadeed.

Garaad Guutaale oo isagu sheegay inuu ka mid yahay hogaanka Maleeshiyada nabad diidka oo xalay wargeyska Haatuf xoog waran khaas ah ku siiyay khadka Telefoonka isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa sidoo kale ka war wareegay inuu faah faahin ka bixiyo shir maal mahan u danbeeyay ay ku lahaayeen magaalada Buuhoodle oo la sheegay inay ku qorshaynayeen sidii ay weerar ugu soo qaadi lahaayeen ciidmada qaranka Somaliland ee ku sugan jidaasi.

Garaad Guutaale oo arrimahasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu Garaad SSC ah iyo Garaadada beesha Dhulbahante ee beesha Cayn ayaan ahay labada beelood ee Colaadu ku dhex martay Kal-shaalen waxaan ugu baaqayaa inay nabada ka wada shaqeeyaan, ciidamada qaranka ee ku sugan Kal-shaale, Maygaagle iyo Widh-widh iyo Laascaanood waxaan ugu baaqayaa inay dhulkayagaasi nooga baxaan”

Mar aanu weydiinay ciidama gurmadka ah ee Puntland uga yimid ee Col. Dayr-Iska Toos wato, sababta ay  ugu yeedheen inay tahay mid ay carqaladaynayaan xaalada amaanka ee jiida Buuhoodle waxa uu yidhi “Dayar Iska Toos waa nin Dhulbahante ah ciidan aan Puntland uga yeedhanayna ma jirto, waxa se faro galinta wada ciidamada qaranka Somaliland waana ta maanta keentay in Nuux Taani ka khudbadeeyo Maygaale iyo Widh-Widh, ciidmada xooga ku haysta dhulkaasina waxaanu leenahay wixii ka dhaca haday bixi waayaan iyagaa ka masuul noqon doonaa”

Mar aanu weydiinay in hadaladiisu ay u muuqdaan hanjabaad la mid ah hogaamiye kooxeed dagaal oge ah iyo in ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin xuduudoodii Buuhoodle-na ka mid tahay gobolka Togdheer waxa u yidhi “Nin

 ka yidhaahda gurigayga ha la iga baxo miyuu hanjabayaa, hadii aan galo gurigaaga Hargeysa ku yaala oo aad tidhaahdo iga soo bax oo aan ku diido in aan kaga soo baxo soo inaad igula dagaalanto maaha, anaga iyo reer sheekh isaxaaq xuduud baanu kala leenahay, hadii xuduudii 6o-kii lagu xisaabtamayna anigu gaatama ayaan leehay ee ha la iga kaco”

mar aanu weydiinay madaama madaxweynaha Somaliland gogol nabadeed ugu baaqay in Garaadadooda ay ka soo hor jeedaan nabad ka dhaqan gasha Somaliland waxa uu yidh “Horta Siillaanyo SNM buu ahaa ciidamada ma waxa uu noogu soo daad guraynayaa inuu nagu qabsado, waxaan moodaynay nin Soomaalinimada jecel waxaana noo muuuqata in uu yahay nin wali dhufayskii SNM ku jira, muddo dheer ayuu doonaayay inuu madaxweyne noqdo ma wuxu u qaatay inuu madaxweynenimada dagaal ku huriyi marku ciidamada naga saaro ayaanu gogol nabadeed iskugu imanaynaa”

mar aanu weydiiinay weerarka la sheegay in ciidamada qaranka ay ku soo qadayaan iyo shirarka uga socda Buuhoodle waxa uu ku saabsan yahy waxa uu yidhi “Anigu ku odhan maayo wakhtigaasi ayaanu weeraraynaa, balse sida Jananka ciidmada qaranka iyo waxa ciidanka loo keenay in nalagu soo weeraro, waxaanu se shirkayagaasi kaga wada hadlaynay danaha beeshayada, waxan se kuu sheegay inaan ciidamada Somaliland sii joogi doonin deeganadaasi”.

Mar aanu weydiinay isagoo madax dhaqameed ah inuu yidhaahdo Maleeshiyada SSC baan ka tirsanahay waxa uu yidhi “Anigu kaligay ma ihi SSC-ye Adhigayga, Geelayaga, Dhirtayada iyo Dhulbahantoo dhan baa ah SSC, xitaa kuwa Hargeysa u shaqo tagay”.