Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2553

January 05, 2010                                                                          Muharam 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Cumar Al Bashiir Oo Booqday Koonfurta, Sheegayna Inay Xaq U Leeyihiin Gooni Isku Taag

“Waqooyigu Waxa Ay Door Bidayaan Midnimo, Balse Waanu Xushmaynaynaa Doonistiinu Haddii Ay Tahay In Aad Godaan” Cumar Al Bashiir

Juba, January 5, 2011 (W.Wararka) - Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Al-bashiir ayaa sheegay in dawladdiisu ay qadarin doonto, isla markaana ay taageeri doonto go’aanka Koonfurta Sudan ay ugu codeeyaan Aftida loo balansan yahay inay halkaasi ka dhacdo maalinta Axada ee todobaadka soo socda.

Sidaasi waxa uu Madaxweyne Cumar Al-bashiir ku sheegay mar uu la hadlayey saraakiil ka tirsan Koonfurta Sudan oo uu kula hadlayey caasimada Koonfurta Suean ee Juba maalintii shalay, waxaanu intaasi ku daray in waqooyigu ay danaynayaan midnimo, balse dadka Koonfurta Sudan ay xaq u leeyihiin haddii ay doonayaan inay ka gogaan.

Isagoo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi Cumar Al-Bashiir "Xidhiidhka ka dhexeeya Waqooyiga iyo Koonfurtu waa mid aad u xoogan, waanu ka taageeri doonaa walaaladayo siddii ay u ilalain lahaayeen xidhiidhkaasi, xataa haddii aanu kala noqono laba Wadan”

Cumar Xasan Al-bashiir Madaxweynaha dalka Sudan ayaa ku qeexay heshiiskii nabada ee ay kala saxeexdeen 2005-tii inuu ahaa mid guul keenay “Inkastoo ay jireen caqabado iyo xaqiiqooyin, wali lama gaadhin ujeedooyinkii aynu lahayn oo dhan” waxa uu Cumar Al-bashiir intaasi ku daray "Ku muqiinin mayno awood”.

Sida ay sheegayaan saadaasha Aftida loo qaadi doonto in Koonfurta Sudan ay ka godo Waqooyiga ayaa muujinaya in reer Koonfureedku ay aad u danaynayaan inay ka go’aan Koonfurta, hadalka maalintii shalay ee madaxweyne Bashiir ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey ee uu kula hadlo dadka Koonfurta inay ku sii jiraan Waqooyiga.

Si kastaba ha ahaatee labada dhinac ayaa u muuqda kuwii dareen saaxibtimo isku muujinayaa, madaxweynaha ayaa dhawaan waxa uu sheegay inuu ugu hambalyeyn doono Koonfurta madaxbanaani ay qaadato hadii ay go’aansadaan.