Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2559 |
January 12, 2010 Safar 08,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Taariikhda Xidiga Aduunka Ee Lionel Messi Oo Mar Labaaad Ku Guulaystay Abaalmarinta FIFA Ballon d’Or Messi markii ugu horeysay ee uu kubad laago waxa uu ahaa afar jir, waxana xiligaas lagu daray koox ay laheyd iskuulkii uu dhigan jiray, lakiin Messi ayeudii ayaa diidi jirtay in uu kubad ciyaaro madaama uu aad uga yaraa wiilashii kale ee kooxda u ciyaari jiray. Lakiin kooxda ayaa ku guuleysatay inay ka dhaadhiciyaan Messi ayeydii in ay u fasaxdo in uu ciyaaro kubada cagta. Lopez oo ka mid ahaa dhalintii waagaa la ciyaari jirtay Messi oo ka sheekeynaya ayaa yidhi “ Markii ugu horeysay ee aan soo kaxeynay Messi si fiican umuu ciyaarin wuxu iska fadhiistay meel gees ah isagoo ku ciyaarayay dhagxaan, lakiin mar baa kubadu ay agtiisa timid inta uu istaagay ayuu kubad si wacan u qaatay islamarkaana bilaabay in uu xariiftamo taas oo nagu nooqtay mucjiso”. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Lopez yidhi “ Mau dhalin maalintaas wax gool ah lakiin ciyartii labaad ayuu gool noo dhaliyay wixii intaasi ka danbeeyayna qofna hor itaagi karayn. Qof walba wuxu isku dayi jiray in uu Messi ka horyimaado si uu u difaaco. Messi wuxu u muuqday qof sawir maskaxda ku heysta islamarkaan raba in uu ku dabaqo sawirkaasi garoonka dhexdiisa oo uu run u bedelo. Wuu ku dhashay xariifnimadaasi ee maaha wax qof la bari karo” Macalimiintiisa iskuulka oo ka sheekeynayay Messi ayaa sheegay in ay arki jireen maalin kasta xilliga nasashada (break time) isagoo kubad ku ciyaaraya caagadaha shaarbka laga cabo. waxana markaa uu xaafadooda tago uu raadsan jiray kubada halka walaalhihii ay kaga ciyaari jireen wax yaalo kale. Macalinkiisa xisaabta Andrea Sosa oo ka sheekeynayay Messi ayaa Yidhi “ Xisaabta kumuu fiicneen inkasta oo uu sameyn jiray shaqada loo diro lakiin xusuusta hadii aan dib ugu laabto waxan arki jiray isagoo caagada kokokoolaha laagaya inta uu dhex socdo Class-yada, xisadiisa PE ee ciyaartana waaba uu ku fiicnaa wuxu heli jiray 10/10”. Dadka yaqaana Messi waxa ay inta badan sheegaan in uu yahay mid aad u xishood badan oo mar mar iyo dhif hadalku kasoo baxo, waxana uu ahaa mid aad u gaaban kana gaaban dhalinta ay isku da’da ahaayeen, lakiin waxa ay macalimiintiisu ku amaaneen sida uu daacada u ahaa iyo sida uu u tixgelin jiray dad ka kale. Macalinka Ciyaarta PE-da u dhigi jiray Lionel Messi ayaa ka sheekeynaya ciyaar uu Messi kula yaabay “ mar ayaa waxan xusuustaa Messi oo kubad ka soo dhex qaatay badhtamaha oo lasoo dhex maray difaacyada waxana ka soo hor baxay gool hayaha deedna way isku dhaceen inkastoo Messi uu kubada sii qaatay, lakiin muudhalin goolkaa”. Messi hooyadii iyo aabihii may aheyn kuwa ladan, waxa ay hooyadii aheyd mid guryaha maydha halka aabihii uu ka shaqeyn jiray warshad soo saarta birta, lakiin waxa Messi soo gacan qabtay ayeydii iyo habar yartii kuwaas oo ku dhiiri geliyay in uu kubada cagta sii wato. Maamulaha Iskuulkii uu dhigan jiray Messi oo ka sheekeynaya xilli uu dhowaan soo booqday Messi Iskuulkiisii hore ayaa yidhii “ Habar yartiis oo wiilkeedu uu Iskuulka haatan dhigto ayaa ilasoo hadashay waxa ay ii sheegtay in uu Messi na soo booqnayo, markii uu u yimid ciyaalkii oo dhan waxa ay ku oriyeen buuq iyo sawaxan ayaa dhashay iyagoo ku qeylinayay magaca Messi, wuxu sawiro la galay dhamaan caruurtii iskuulka wuuna la hadlay, weliba waxa ka muuqday xishoodkii oo waxad moodaa Messigii hore ee iskuulka dhigan jiray inta badan kama ag dheereyn garabka habar yartiis waxana iskuulka uu ka tagay xilli danbe” Isagoo Maamulahu hadalkiisa sii wata wuxu yidhi “ Maalintii danbe ayaa waxa ila soo hadashay habar yartii waxay ii sheegtay in uu Messi doonayo in uu lacag ugu deeqo Iskuulka, waxan islahaa wuxu idiin siin doonaa 500 pesos oo u dhiganta 200 doolarka mareykanka ah, lakiin waxa uu Messi na siiyay 7500 Euro waxana ku qalabeynay iskuulka”. Messi waxa uu kooxdiisa u dhalinayay 100 gool xilli ciyaareed kasta sida ay sheegeen ragii la soo ciyaaray iyo macalimiintiisuba, lakiin markuu 9 jir ahaa waxa soo foodsaaray caqabad oo waxa la ogaaday in uu hayo cudurka gaabnidu isaga oo ay ku yaraadeen hormonenada korista keenaa taas oo ka digtay in uu noqdo qof aad u gaaban. Dhakhtarkii xiligaasi daawanayay oo la yidhaahdo Dr Diego Schwarzstein ayaa ka sheekeynaya “ baadhitaankii ugu horeeyay ee uu messi ku sameeyay waxana uu yidhi “waxan ogaaday in hormone-ka koristu uu ku yar yahay islamarkaana loo baahan yahay in hormon kaasi lagu mudo si uu koriimo u sameeyo, dabcan may aheyn wax hal sano lagu qaban karayay lakiin waxan bilownay in aan ku mudno rbado”. “bilowgii anigaa ku mudi jiray, ka dibna hooyadiis ayaa mudi jirtay maalin kasta, waqtigii danbana isagaa is mudi jiray, waxan cabiri jiray dherarkiisa markasta, da’daas uu jiray waxa ka filaan karta in dhererkiisu uu sanad kasta ku darsano 4cm lakiin isagu intaas wuu ka yaraa koriinkiisu, inkastoo wakhtigii danbe dhibaato ay timid sababtoo ah irbad kastaa waxa ay qiimaheedu ahaa 500 doolar waxana ka bixin jirtay dowlada Argentina, xiligaas waxa dhacay dhaqaale xumo lacagtiina Messi waa laga goostay”. Messi markii uu waayay dawadii uu qaadan jiray, ayaa waxa qoyskiisa la soo xidhiidhay kooxda Barcelona oo sheegtay in ay rabto in ay tijaabiso si ay ugu darsato akademigeeda ay ku soo saaraan ciyaartoyda, qoyskiisa ayaa ka fadhiistay waxayna go’aan sadeen inay Barcelona ay u guuraan si Messi looga caawiyo koriinka looguna dhameystiro irbadaha uu u baahnaa.Barcelona ayaa ka caawisay Messi in uu koriinshiiisa uu wax ku darsamo waxana laga bixiyay wixii irbado ahaa intuu uu ku jiray akademiga Barcelona, lakiin dhaqaalihii ay Messi galiyeen way ku faa’ideen. Lionel Messi oo habeen hore markii labaad loo caleemo saaray xidiga aduunka ugu mudan xaga kubada cagta, walina wax uu la jogaa kooxdii noloshiisa kasoo qayb qaadatay ee Barcelona. Si kataba ha ahaatee waxa ilaa hada laga fur furi kari laayahay Messi xidigniamda aduunka oo markii labaad uu hantay. |