Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2562

January 16, 2010                                                                               Safar 12,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Diiwaankii Dacwadaha Maxkamada Gabiley Oo Ay Soo Xadeen Hawlwadeeno Ka Tirsan Cadaalada, Maaliyada Iyo Fadeexadaha Ka Soo Ifbaxay Go’aankii Guddiga Cadaalada 

“Waxay I Joogtaa Inaan Is Casilo Iyo Inaan Dulmiga Alle Ugu Samro, Maayarka-Na Waxa Lagu Hayaa Musuqmaasuq” Guddomiyihii Maxkamada Gabiley  Sh. Ismaaciil M Ibraahim

Hargeysa, January 16, 2011 (Haatuf) - Guddoomiyihii Maxkamada gobolka Gabiley Sheekh Ismaaciil Muxumed Ibraahim  ayaa shaaca ka qaaday, in isagoo ka maqan xafiiskiisa ay si  tuugo ah ay Maxkamada uga soo uga soo qaateen Diiwaankii dacwadaha, Agaasimihii hore ee cashuuraha bariga Cilmi Cabdi Abokor iyo Agaasimaha Nootaayooyinka Wasaarada Cadaalada Wali Ismaaciil Bade, isla markaana ay muddo shan maalmood ah ay ku haysteen caasimada Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay fal qayrul shacri ah iyo tuugo badheedha ah, isagoo intaa ku daray in qorshahaasi ay ka danbeeyeen Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Bade oo uu sheegay inuu ka mid yahay masuuliyiinta falalka Musqmaasuq lagu hayo iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada Maxamuud Raage oo isagana uu ku eedeeyay inuu mu’amaradaasi   door ku lahaa.

Guddoomiyihii Maxkamada Gabiley Sheekh Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in lacago uu Musumaasuqay ay wakiilkii cashuuraha bariga ugu qaabilsanaa lacagaha ganaaxa Maxkamada Cabdi Iimaan Taani oo uu sheegay inuu ka mid ahaa  shakhsiyaadka Hanti-dhawrka guud ku helay Musuqmaasuqa ay guddida cadaaladu ku soo badashay, kuna tilmaamay arin cadaalad daro iyo dulmi badheedha ah oo lagula kacay.

Guddoomiyihii Maxkamada gobolka Gabiley Sheekh Ismaaciil oo waraysi khaas ah wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in wakhtigan xaadirka ah ay u taagan tahay inuu iska casilo jagada Garsooraha Maxkamada degmeda Hargeysa ee loo soo badalay iyo inuu Ilaahay dartii ummada ugu shaqeeyo oo uu samir ka qaato dulmiga iyo cadaalad darada lagu , isagoo guddida cadaalada-na ku dhaliilay cadayn la’aanta asbaabta ay u cuskatay badalaadiisa.

Guddoomiyihii Maxkamada gobalka Gabiley isagoo ka hadlaya mu’amarada iyo falalka tuugada ah ee lagu la kacay xarunta Maxkamada, waxa uu yidhi “Beri dhawayd wax dhacday in qolooyin ka mid ah cashuuraha bariga ay is yidhaahdeen lacago cashuuro ah ayaa ka maqan Maxkamada, hadii arinkaasi jiro-na waxay ahayd in wakiilkii cashuurha bariga u joogay Maxkamada ee lacgaha ganaxa ah iyo cashuurta Kiisaka ka qaadi jiray la weydiiyo oo Hanti-dhawrku baadhis ku sameeyo, nasiib daro se waxa laga igu yidhi guddida cadaaladaa u fadhiisatay xoolahaa maqan, iyadoo la i sheegin cida lacagtaasi ku maqan tahay ayaa la isoo badalay in aan noqdo  Garsoore Maxkamada degmada Hargeysa ka hawl gala, iyadoo hore-na Maxkamadan muddo dheer ka soo ahaa guddoomiye. Sidaa darteed laba arimood ayay midkood i taagan tahay inaan istiqaalad dhiibo oo aan iskaga tago iyo inaan Ilaahay dartii u samro dulmiga igu dhacay oo aan bulshada u shaqeeyo, Diiwaanka dacwadaha Maxkamada waxa soo qaatay Agaasimihii hore ee cashuuraha bariga Cilmi Cabdi Abokor iyo Agaasimaha xafiiska Nootayooyninka ee Wasaarada cadaalada Wali Ismaaciil Bade oo isagoo ku maqan meel baadiye ah oo khadka Telefoonku-na aanu baxayn ayaa inta ay u yimaadeen Kaaliyihii  ayay ku yidhaahdeen noo yara dhiib Diiwaanka dacwadaha halkan ayaanu ku yara eegaynaaye ka dib-na Hargeysa ayay ula soo kicitimeen, muddo shan maalimood ah Diiwaankaa dacwadaha-na waxa ku yaala Kiisaskii Maxkamada hor yaalay iyo dadkii is haystay, fal tuugo ah oo cadaan ah ayay ahayd, cida soo qaadatay-na Hanti-dhawr may ahayn, cida Maxmakada u baahanina waxay ahayd in Maxkamada Racfaanka na loo soo maro, balse waxa war ah kamay hayn, lacagtaa la yidhi wey maqan tahay-na Hanti-dhawrka guud ayaa ku helay wakiilkii cashuuraha bariga u joogay Maxkamada Cabdi Iimaan Taani oo ka mid ah shakhsiyaadka Hanti-dhawrku amray in la soo xidho, talabadaa la igu soo badalayna waxaan u arkaa in cudurkii fardaha galay laga gubayo dameeraha.”

Sheekh Ismaaciil isagoo badalkiisa sii wata , waxa uu yidhi  “4-tii November 2010-kii ayay guddida cadaaladu soo saareen badalkayga, laakiin se warqadaydii badalka Salaasadii todobaadkii hore ayay isoo gaadhsiiyeen”.

Sheekh Ismaaciil mar aanu weydiinay, in Maayarka Gabiley iyo Agaasimaha guud ee cadaaladu ay ku lug lahaayeen mu’aamarada lagu sameeyay, waxa uu yidhi “Maayarku door buu ku lahaa, guddida cadaalada ayaanu waraqad u qoray uu ku leeyahay Xoolo ayaa la lunsaday iyo Maxaabiis bay sii daayeen, hadii dhaqaale la lun saday-na Hanti-dhawr baa iska leh, hadii Maxaabiis la sii daayan Xeer-ilaalinta guud ayaa ku shaqo leh, waxa se nasiib daro ah in guddidii cadaalada nin shicib ahi wax u laqimo, Agaasimaha guud ee cadaaladuna isagaa masuul ka ahaa mu’aamarad iyo cadaalad darada igu dhacday, Wasiirku-na xiligaasi dalka dibadiisa ayuu ku maqnaa waxana ka muu ogayn.”

Mar aanu weydiinay in Maaraka Gabiley ka mid yahay masuuliyiinta Hanti-dhawrku ku helay Musuqmaasuqa oo Maxkamada loo soo gudbiyay, waxa uu yidhi “Maayarku wuu ku jiraa, isaguna dadka Musuqmaasuqu gondohooda galay, marka la soo qabto kuwa maqan ayaa isagana Xabsiga loo taxaabaya oo isaga ayaa ugu daran oo lacago badani ku maqan yihiin”.