Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2562 |
January 16, 2010 Safar 12,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Daafaha Dunida:Wax Ka Baro Dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe Dalka jamhuuriyda afrikada dhexe (Centroafricana) (Central African Rep). waxa uu ku yaalaa sida laga akhriyi karo magciisa badhtamaha qaarada Madow ee Afrika. Waxana uu xad la wadaaga dalalka Chad, Sudan, Congo, DR,Congo iyo Cameroon. Caasimada dalka Jamhuuriyda Afrikada dhexe waxa la yidhaa Bangui waxna ay ku talaa dhinaca koonfureed ee u dhow dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo. Bedka Dhulka uu ku fadhiyo dalku waxa lagu qiyaasaa 240.535 oo (mayl oo laba jibaaran) una dhiganta 622.984 (kiiloomitir laba jibaaran) Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Afrikada dhexe waxa ay kor u dhaafaan 3-milya oo ruux waana tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2001-dii bishii July Tirada lasaadaaliyay ee dadka u dhashay dalka Afrikada dhexe ayaa sheegaya in sanadka 2050 ay tiradoodu kor u dhaafi doont 6-milyan oo ruux. Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah luuqada Faransiiska oo laga dhaxlay gumaystihii Faransiiska oo dalka haysan jiray waana luuqada 1aad ee lagaga hadlo dalka, luuqadaha kale ee ay ku hadlaan dadka dalkan ku dhaqani waxa kamid ah luuqadaha Sangho Carabiga, xawsaha iyo Swahili. Dadka aqoonta leh ee u dhashay dalka Afrikada dhexe waxa lagu qiyaasaa boqolkiisa 60,0% Diimaha ay aaminsanyihiin muwaadiniinta Afrikada dhexena waxa kamid ah Diimaha la xidhiidha dhaqamada oo ay haystaan dad gaadhaya boqolkiiba 24%, Diinta Protestants-ka waxa aaminsan boqolkiiba 25%, kaatoligana 25%, Diinta Islaamka waxa haysta dad gaadhaya boqolkiiba 15%, boqolkiiba 11%-ka soo hadhayna waxa ay haystaan diimo kale. Celceliska da’da ragga reer Centeral Africa ayaa gaadha 42-sano halka dumarkuna ay ka gaadhaan 45-sano. Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Afrikada dhexe ayaa ah nidaamka jamhuuriga ah (Govermental type Republican) Lacagta laga isticmaalo dalkana waxa layidhaa Franco CFA (CFAF) Waxyabaha lagu farsameeyo warashadaha dalka waxa kamid ah macdanta Dhaymanta Beeraha dalkana waxa ka baxa dalagyo ay kamid yihiin Tobaakada, kaafeega,baradhada iyo noocyo badan oo kale dhulka la isticmaalo ee dalka jamhuuriyada afrikada dhexe waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 3% khayraadka dabiiciga ah ee dalkku hodanka ku yahay wasx kamid ah macdanaha dhaymanta, awooda tamarta lagaga dhaliyo biyaha ,yuuraanimayka iyo baatroolka. |