Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2633

April 08, 2011                                                                   Jamaal Al-Awal 05,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

“Dadka Dibada Jira Ee Reer Buhoodle Waxaan Leeyahay Waxaaad Isa Saarteen Hub & Gaadhi, Illaahay Ka Baqa Oo Dadkiina Waxa Aad U Soo Dirtaan Wax Uu Ku Noolaado”

Nabadoon Maxamuud X Axmed Aadan

Hargeysa, April 8, 2011 (Haatuf) – Nabadoon Maxamuud X Axmed Aadan oo ka tirsan Madaxdhaqameedyada Buhoodle ayaa sheegay in isaga iyo beeshiisu ay qaateen gogoshii nabada ee Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey, kaas oo tilmaamay in lixdameeyo ka mid ah Maleeshiyadii Nabaddiidka ee beeshiiska ka soo jeeday ay hadda Nabada Qaateen, isla markaana ay imika ku sugan yihiin deegaanka Yeyle oo ka tirsan Laascaanood.

Nabadoon Maxamuud X Axmed Aadan ayaa sidoo kale u soo jeediyey dadka qurba jooga ah ee ka soo jeeda deegaanada Buhoodle in aanay deegaanadaasi u soo dirin wax kasta oo lagu taageerayo hurin dagaal iyo colaad, balse ay dadkooda abaaruhu saameeyeen ay u soo diraan wax ay biyo iyo raashin siistaan.

Nabadoonka ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu Wargeyska Haatuf khadka telefoonka kula yeeshay maalintii shalay isaga oo ku sugan deegaanka Yeyle. Waxaanu intaasi ku daray in kooxo kale oo ka soo jeeda beeshiisu ay hadda wadahadal la leeyihiin oo uu dhawaan soo xero galin doono isla markaana ay qaateen nabad ku wada noolaanshaha dadka walaalaha ah ee wada dega deegaamadaasi.

Nabadoon Maxamuud Xaaji Axmed Aadan oo ugu horayn arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Markii hore wadanka dhibaa ka dhacday, dhibtii ka dhacdayna waxa lagu heshiiyey in nabad la qaato, dhibtu horta waxa ay ka dhacday Kalshaale, waxa lagu guulaystay in la aaso, waxaana ka dambaysay in maxaabiistii la soo daayo, dhamaan beelaha waa laga wada qaatay in nabada laga wada shaqeeyo oo nabada si fiican loo wada qaato.

Markaa sidii nabada loo qaadan lahaa iyo sidii ciidamadii meesha dhibtu ka dhacday looga fogayn lahaa ayaa la isla garan waayey, dabadeedna waxaan go’aan ka qaatay in cida aan u taliyaa in meelihii ay dhibtu ka dhacday maleeshiyadooda ka fogaystaan nabadana si wacan looga shaqeeyo, Labada dhinacna loo gurmado sidii colaada loogu gurmaday, nabadana loogu gurmado. Markaa waxa la isla garan waayey aniga oo cabsi ka qaba dhinaca Puntland dad siyaasiyiin ah oo soo galay inay ugu talo galeen in colaadu ay sii jiitanto sidaa darted ayaan ciidamada aan halkan keenay oo aan uga soo fogaynay. Ciddii talo iga qaadanaysana insha allaahu waxaan leeyahay siddii colaada loogu gurmanayey nabada ha loogu gurmado.

S: Nabadoon ma Maleeshiyadii beeshaada ahayd ayaa inta ay nabadii qaadatay aad soo xero galisay?

J: Haa ciidamadii dhinaca beeshayda weeyi, kuwa kale oo dhinaca kale ah wixii aan talo siiyey waa ay iga talo qaateen oo inay Asbuucan yimaadaan baa laga yaabaa oo iyaguna ka soo baxaan.

S: Intee Weeyi tirada maleeshiyadan beeshaada ka tirsan ee ka soo goostay Nabaddiidka ee Nabada Qaatay?

J: Hada Kooxda Beeshayda ka tirsan ee nabada qaatay waa lixdameeye, kuwa kalena todobaadkan ayaa laga yaabaa inay yimaadaan oo inaan anigu noqdo ayay sugayeen qoladan ayuunbaan rabay in aan rug u sameeyo, cida kale ee iga talo qaadata oo isla beelaha reer Buhoodlena ka mid ah waxaanu ku heshiinay inay nabada ka shaqeeyaan, dhawaana waan kula soo xidhiidhin doonaa.

S: Halkee ayaad hadda Idinku joogtaan?

J: Hadda waxa uu ciidanku degan yahay Yeyle oo ka tirsan Soonka Laascaanood, dhinicii dhibtu ka dhacdayna mar hore ayaa laga soo raray oo halkan ayay yimaadeen markaa iyaganaan booqasho ugu imid, Insha Allaah haddii aan dhinaca Buhoodle ku noqdana waxaan leeyahay cid kasta waa in ay qaadataa nabada oo ay si wacan uga shaqeeyaan, cidii colaad ku jirtana faraha ha kala baxdo, oo waad ogtihiin maanta Abaar ayaa Alle nagu kiciyey, haddii wanaaga laga shaqeeyana waxa aanu illaahay ka rajaynaynaa inuu naga soo furan doono, cidkasta oo dadkaa Somaliland degana waxaanu leenahay si wacan nabada ha looga shaqeeyo.

Anagu waxa aanu ka mid nahay beelaha Somaliland, dadna dhalasho ayaa naga dhaxaysa dadna dhulbaa naga dhexeeya anagu Somaliland ayaanu nahay fakir khaldana in dadka la siiyo maaha oo la marin habaabiyo, markaa goboladani waa Somaliland weeyi, markaa siyaasad ahaan baa Puntland loogu kaxeeyey dadkana meelo badan baa laga qaldayaa, waad ogtihiin xataa dadka Kililka Itoobiya degan oo inaga Somaliland iyo Puntland-ba ka baxsan baa jira oo hadana dhalasho ahaan aanu wadaagna, Masalan imika degmada la yimaado Gaashaamo Somaliland ayay u yaqaanaan, dadka ka tirsana Danood iyo Degmada Bookh wali waxa ay isku yaqaanaan inay yihiin Puntland markaa waa siyaasad la sameeyey dadkani waa Somaliland.

S: Deegaanadaasi waxa ka jiray Abaar Baahsan oo saamaysay dadka iyo duunyadaba, hadda xaalada dadku waa sidee oo ma la filayaa in dhulkaasi uu roob ka da’o?

J: Dadka iyo duunyaduba aad ayay u julicsan yihiin inkasta oo daruuri muuqato hadana wax roob ah oo da’ay ma jiro dadkuna aad ayay u jilicsan yihiin inkasta oo meelaha waxoogaa biyo ah la geeyey oo dadka jaaliyada iyo hay’addo dhinaca Somaliland ka yimidiyo hadana dadku aad ayay u julicsan yihiin oo cid wax gaadhsiin kartaa ma jirto alle mooyee, ilaahayna waxaanu ka rajaynaynaa in daruurtaasi cirka saaran uu noo di’iyo markaa dadku aad ayuu u jilicsan yahay.

S: Ugu dambayntii nabadoon maxaad ugu baaqaysaa dadka Jaaliyada ah ee ku dhaqan wadamada Qurbaha?

J: Dadkaa Dibada jira waxaan ugu baaqayaa oo aan leeyahay Dadka waxa aad u soo dirteen wax lagu dhinto, waayo waxa aad isa saarteen Hub iyo Gaadhi, wax dadka lagu laayo ayaad u soo dirteen, waxaan leeyahay illaahay ka baqa oo dadkiina waxa aad u soo dirtaan wax uu ku noolaado abaar baa haysa. Xukuumaddana waxaan leeyahay cidii tirsanaysa dadkan oo ka naxaysaa ha u gurmadeen dhinac Biyood iyo dhinac Raashineedba ha noqotee. Masuuliyiintana waxaan leeyahay illaahay ka baqa oo dadka dhibta ka daaya oo haloo gurmado abaar iyo colaad ayaa iskugu darsamee.