Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2705

July 01,2011                                                                                        Rajab 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Gudd.Garabka Haweenka Kulmiye Ee Sool Oo Xalay Koox Hubaysan Oo Aan La Aqoonsani Ay Ku Toogteen Badhtamaha Laascaanood Iyo Taliyaha Q/Bilayska Oo Ka Hadlay

Laascaanood, July 1, 2011 (Haatuf) - Gudoomiyihii garabka haweenka Xisbiga Kulmiye Nadiifo Maxamed Colujoog, isla markaana ah Xaaska Taliyihii hore ee Sirdoonka Sool Marxuum Maxamuud Maxamed Asad ayaa xalay abaara 7:30-kii fiidnimo ay koox dablay ah oo ka kooban saddex nin ku toogteen badhtamaha magaalada Laascaanood, halkaas oo la sheegay in xilligaasi ay hor fadhiday Dukaan ay ku leedahay badhtamaha magaalada Laascaanood.

Sida uu Haatuf u xaqiijiyey taliyaha qaybta bilayska gobolka Sool Cali Ismaaciil Faarax (Qase), oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isaga oo jooga Laascaanood, halkaas oo uu noo sheegay in laba nin oo ku hubaysan Baastoolado ay haweenaydaasi toogteen, isla markaana ay baxsadeen, isaga oo intaa ku daray, in haweenaydaasi iyada oo dhaawac ah loo soo qaaday xalay dhaawaceeda magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isaga oo dhacdadan ka hadlayana, waxa uu yidhi “Gabadhaasi waxa naloo sheegay in laba nin oo Baastoolado ku hubaysan ay ku toogteen Caawa (Xalay) badhtamaha magaalada, kuwii falkaasi gaystayna way baxsadeen, baadhis baana hada socota, waana masiibo dhacday”

Taliye Qase isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey “Taladeedii waanu u fadhinaa, baadhitaan ayaana socda arrinkaa ku saabsan, iyadoo nool oo dhaawac ah ayaana loo soo qaaday Burco”

Dhinaca kale haweenaydan garabka haweenka ee Kulmiye ee Sool Nadiifo Maxamed Colujoog ayaa ah xaaska taliyihii hore e Sirdoonka gobolka Sool ee marxuum Maxamuud Maxamed Asad oo horaantii sanadkan 2011-ka dablay hubaysani ay ku khaarajiyeen badhtamaha Laascaanood, iyadoo magaalada Laascaanood ilaa hada lagu dilay saraakiil gadhaysa dhawr iyo toban laguna dhaawacay in ku dhaw dhawr iyolabaatan qof, oo iskugu jira masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, saraakiisha ciidamada iyo dad shacbi ah,ayaan ilaa hada xukuumadda Somaliland ku guulaysanin kooxaha argagixisada ah ee dilalka qorshaysan ka wada magaalada Laascaanood.