Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2706

July 03,2011                                                                                    Shabcaan 02,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Daraasad: 10-Ka Shaqo Ee Ugu Daalka Iyo Niyad Jabka Badan Shaqooyinka

8. Shaqaalaha dayactirka iyo dhulka hoostiisa:

Shaqaalaha ka hawl gala dayac tirka agabka sida gaaadiidka, makiinadaha kala duwan iwm iyo kuwa iyagu dhulka hoostiisa ka shaqeeya sida macdan qodista. Sidee baad noqon lahayd haddi shaqadaadu tahay in marka wax xumaadaan oo keliya laguu yeedho?  Tani waa waxa ay dadka dayactirka qaabilsani sameeyaan. Waxay ku khasban yihiin inay saacado dheeraada oo aan caadi ahayn shaqeeyaan sida waqtiyo aad u kulul ama u qabow, ama dadka kale nasanayaan ama hurdaan, waxa la siiyaa lacag yar oo ay ka qaataan dayactirka wax dadkale soo xumeeyeen oo kharaabiyeen. Badanka waa ku keli shaqada oo cid isma arkaan, waxana dhacda in shirkadda keliya shaqaale badani ka tago mar kasta iyaga oo ka cabanaya dhibaatada shaqadan culus ee niyad jabka , madax xanuunka iyo daalka keenaysa.

9. Xisaabiyayaasha iyo La taliyayaasha dhanka maaliyadda:

Masuuliyad wayn ayay shaqadani u baahan tahay oo la xidhiidha kharashka iyo faaidooyinka dadka ama shirkadaha , waqtiyada dhibaatada maaliyadeed dhacdo sida hoos u dhaca dhaqaalaha caalamka waxa dadka hawshan haya lasoo dersa madax xanuun badan iyo niyada jab. Sidoo kale waxay aad uga werweraan sidi iwaxan ay hayaan si saxa ugu hirgeli lahaayeen oo ay isu keeni lahaayen. Kol haddii dhaqaaluhu yahay mishiinka kala wada waxqabadka dadka ama shirkadaha waad garan kartaa qofka u xilsaaran arrinkaas sida aanu uga gam’i karin lacag la waayo meelay martay, ama la jabsaday ama dhibaato kale soo gaadhay. waana qofka lagala xisaabtamayo wax kasta oo maaliyadda ah sidaas darteed waxa iska cad in dadka noocaas ahi ay madax xanuun iyo wareer badan ku jiraan in badan taas oo niyad jab wayn ku keenta hawsha ay hayaan.

10. Dadka wax iibiya:

Daraasadduu waxay kaalinta tobnaad gelisay dadka jooga albaabka wax laga iibsanayo, ee iyagu u adeegaya qofka macmiilka ah. Dadkaasi ma ogaan karaan inta ay leekanayan dakhligoodu waayo waa mid ku xidhan macaamiisha wax iibsanaysa iyo xaddiga uu leegyahay dakhliga meeshu, marar badanna waxa dhacda in meheredaha dharka lagu iibiyo oo kale qofka wax iibsanayaa ku khasbo in dhar badan la tuso oo lasoo rogo , iyada oo ay dhici karto in uu marka danbe iskaga baxo waana qaabka ay somalidu wax ukala iibsato, taasina madax xanuun ayay ku keenaysaa qofkii hawshas hayay oo haddana alaabtii dib u habaynteedu dusha ka saaran tahay. Caalamka kale waxa dhacda iyadana in inbadani shaqeeyaan saacado badan, sidoo kale mushaharkoodu ku xidhan yahay kolba inta shay ee ay iibiyaan, markaa hadii loosoo xaadiri waayo waxa ku dhacaysa mushahar yaraan. Sidoo kale waxa dhacaysa bay daraasadu leedahay inay ka fogaadaan ehelkooda iyo qoysaskooda oo ay meel cidla ku noqdaan. Dadka noocan ah marka loo eego kuwa aynu hore usoo sheegnay lama kulmaan niyad jab ama madax xanuun saa  u daran.