Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2711 |
July 08,2011 Shabcaan 07,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daafaha Dunida: Wax Ka Baro Dalalka New Zealand iyo Palau Dalka New Zealand waxa uu kamid yahay wadamda Oceana waxana uu dhinaca koonfur galbeed kaga beeganyahay dalka Australia. Dalka New Zealand waxa uu ka koobanyahay laba jasiiradood oo waaweyn. Caasimada dalka New Zealand waxa layidhaa Wellington. Bedka uu ku fadhiyo dalka New Zealand waxa lagu qiyaasaa 103,737.93, oo (mayl laba jibaaran una dhiganta 268,680.00, oo (mayl laba jibaaran). Dalka New Zealand waxa uu dhul ahaan le’eg yahay bedka uu ku fadhiyo gobolka (Colorado) ee dalka Maraykanka. Dadka reer New Zealand waxa ay kor u dhaafaan (227,436) ruux, waana tirakoobkii dadka ku dhaqan jasiiradaha New Zealand laga qaaday sanadkii 2010-kii. Dadka reer New Zealand ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa in ay noqon doonaan 4.8 milyan oo ruux. Luuqadaha lagaga hadlo jamhuuriyadaha New Zealand waxa kamid ah luuqada Ingiriisiga (English) oo ah luuqada koowaad ee dalka iyo luuqada Maori. Dadka aqoota leh ee dalka New Zealand waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 99%. Diimaha ay kala haystaan dadka reer New Zealand waxa kamid ah diinta Anglican oo ay haystaan boqolkiiba 24%, diinta Presbyterian-ka waxa hasyta boqolkiiba 18%, diinta Roman Catholic waxa haysta boqolkiiba 15%, diinta Methodist boqolkiiba 5%, Baptist boqolkiiba 2%, Protestant boqolkiiba 3%, dadka aan diimahooda la garanayn iyo dadka bilaa diinta ah waxa iyagan tiradoodu gaadhaa boqolkiiba 33%. Ragga reer New Zealand waxa cimrigoodu gaadhaa 75-sano, halka dumarka reer New Zealand ka gaadhaan 81-sano. Qaab dhismeedka dowlada New Zealand ama habka ay u shaqaysaa waa nidaamka Barlamaaniga ah (Government Type parliamentary democracy). Lacagta laga isticmaalo dalka New Zealand waxa layidhaa New Zealand dollar (NZ$). Warshadaha dalka waxa lagu farsameeyaa: cuntooyinka, looxa, waraaqaha, dunta, mashiinada, qalabka isgaadhsiinta, baanaka iyo insurance, macadam qodashada iyo dalxiiska. Beeraha dalkana wax laga beeraa dalayo ay kamid yihiin Qamadiga, Heeda, Baradhada iyo khudaarta; waxa kale oo dalka ka jirta dhaqasahda xoolaha oo uu ugu horeeyo Adhigu. dunta dhogorta Adhiga laga sameeyo iyo Lo’da oo caanaheeda laga ganacsado. Kaluunkuna waa mid kamid ah waxsoo saarka dalka New Zealand. Dhulka la isticmaalo ee Dalka New Zealand waxa lagu qiyaaasaa boqolkiiba 9%. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka New Zealand waxa kamid ah gaaska dabiiciga ah (natural gas), iron ore, caro furfuran, dhuxul dhagaxda, geedka timber-ka, awooda biyaha laga dhaliyo ee (hydropower), dahabka iyo macdano kale. Palau Dalka jamhuuriyada Palau (Republic of Palau). Dalka Palau waxa uu kamid yahay wadamada ku yaal koonfurta bada Pasifica, waana mid kamid ah dalalka ku yaal gobolka Ocean-na. dalka Palau waxa uu ka kooban yahay jasiirado dhowr ah oo ku dhex yaal bada Pacifica. Caasimada dalka Palau waxa la yidhaa Koror waxana ay ku taal mid kamid ah jasiiradaha ugu yar yar ee dalka. dalka Palau waxa loo dhisayaa casimada cusub oo caasimaha hada u jirta 20 km, oo xaga waqooyi ah. Jasiiraha dalka Palau waxa ay laba jeer ka wayn yihiin baaxada ay ku fadhido caasimada dalka Maraykanka ee (Washington, DC). Dadka ku dhaqan dalka Palau waxa ay kor u dhaafaan (20,796), oo ruux. Saadaasha dadka dalka Palau ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa in ay gaadhaan (26,300) oo ruux. Luuqadaha lagaga hadlo jasiiradaha Palau waxa kamid ah luuqada Ingiriisiga (English) iyo luuqada maxaliga ah ee Palauan-ka oo ah luuqad lagaga hadlo dhamaan gobolada uu ka kooban yahay dalka Palau marka laga reebo gobolka Sonsoral oo si buuxda loogaga hadlo luuqada Ingiriisiga iyo gobolka Angaur, oo lagaga hadlo luuqadaha Japanese-ka iyo Ingiriisiga. Dadka aqoonta leh ee dalka Palau waxa ay gaadhaan boqolkiiba 92.0%. diimaha ay kala haystaan dadka reer Palau waxa kamid ah dinta Christian-ka oo usii kala baxda madaahiibta kala ah (Catholics, Seventh-Day Adventists, Jehovah's Witnesses, the Assembly of God, the Liebenzell Mission iyo Latter-Day Saints), waxa kale oo dalka ka jirta diinta layidhaa Modekngei, oo sadex dalool hal day ku haystaan dadka reer Palau. Ragga u dhashay dalka Palau waxa cimrigooda lagu qiyaasaa 65-sano, dumarkana waxa lagu qiyaasaa 72-sano.qaab dhismeedka dowlada dalka Palau waxa ay u shaqaysaa nidaamka dastuuriga ah (Government Type constitutional government). Lacagta laga isticmaalo dalka Palau waa lacagta dalka Maraykanka (United States dollar) Warshadaha dalka Palau waxa lagu farsameeyaa: farsamada gacanta, looxa, qalabka dhismaha iyo dharka. Waxa kale oo dalka Palau uu aad ugu horeeyaa Dalxiiska. Beeraha dalka Palau waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin Qumbaha, copra, cassava iyo Baradhada macaan (sweet potatoes) dhulka la isticmaalo ee dalka Palau lagama hayo cabari dhab ah. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Palau waxa kamid ah dhirta, macaadiinta: sida Dahabka, kharaadka bada, iyo macaadiint qaaliga ah ee bada hoosteeda laga soo saaro. |