Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2715 |
July 13,2011 Shabcaan 12,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Baasaaboorka Sheekh Shariif Oo La Sheegay In Xafiis Looga Furay Caasimada Hargeysa Iyo Taliyaha Socdaalka S/land Oo Ka Hadlay “Socdaalkaa Ogolaaday, Markaad I Waydiinayso Ma Dawlad Baa Dawlad Kale Laga Hoos Dhisayaa”Taliyaha Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin Hargeysa, July 13, 2011 (Haatuf) - Baasaboorka Dawlada TFG-ga ee Somalia ayaa la sheegay in xafiis lagu iibiyo looga furay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kaas oo la sheegay in labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay dadku Kuyuu ugu jireen xafiiskaasi ku hawlan iibinta Baasaboorka Sheekh Shariif. Xafiiskaasi la sheegay in lagu iibinayo Baasaboorkii Casaa ee dawladii C/llaahi Yuusuf ay soo samaysatay badhtamihii 2007-dii ayaa la sheegay in wasaarada arrimaha dibada Somaliland ay ogolaansho siisay, xubnaha xafiiskaasi dalka ka furtay. Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, isla markaana wax ka weydiinay waxyaalaha ay ka ogyihiin xafiiska Baasaboorada Sheekh Shariif lagu bixinayo ayaa isagu Haatuf u sheegay in aanay wax war ah oo sugan ka haynin xafiiskaasi, isla markaana deedafeeyay, in maamulkoodu ogolaansho siiyay, isaga oo arrimhaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Kama war hayno warbaahinta joornaalka oo aan ku arkay mooyee wax kale kama hayno” Taliyaha socdaalku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Su’aalaha qaarkood la isma waydiiyo, markaad leedahay socdaalkaa ogolaaday ma dawlad baa dawlad kale laga hoos dhisaa” ayuu yidhi taliyaha Socdaalka Somaliland. Mar aanu waydiinay taliyaha laanta Socdaalka Somaliland, waxa uga qorshaysan in baadhis ay ku sameeyaan maamul ahaan xafiiskaasi, wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo. Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed C/llaahi Cumar oo wasaaradiisu u xilsaaran tahay siyaasada khaarajiga xukuumadda Somaliland ayaa isagu wakhtigan xaadirka ah safar ugu maqan dalka Kenya Caasimadiisa Nairobi, iyadoo ay dhinaca kalena safaro kaga maqan yihiin dalka wasiiru dawlahii wasaaradaasi Maxamed Rashiid Sheekh Xasan iyo wasiir ku xigeenkii Maxamed Yoonis Cawaale. |