|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2642 |
April 19, 2011 Jamaal Al-Awal 16,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Ee Ka Soo Jeeda Saaxil Oo Deedefeeyey Warshadda Labaad Ee Sibidhka Ee Berbera Anagoo ah ardayda jaamacadaha ee ka soo jeeda gobolka saaxil waxaanu halkan ku bayaaminaynaa mawqifka aanu ka taaganahay arimo baryahan dambaba kusoo baxayay warbaahinta maxaliga ah oo ah wareegto uu madaxweynaha jamhuurayada somaliland ugu ogalaaday in labada shirkadood ee dahabshiil iyo telesom ay ku maalgashadaan warshad sibidh oo labaad oo laga hirgaliyo magalada berbera , inkastoo warbahinta qaarkood ay ku soo baxday in shirkada Telesom ay ka noqotay mashruucaas iyo arinkale oo ah in shirkada dahabshiil la siiyay goob ku taal badhtamaha dakada berbera oo lagu sheegay in shirkadu ka dhigan doonto xarun lagu sarifo lacagaha qalaad. Runtii haddii aanu nahay ardayda jaamacadaha ee ka soo jeeda gobolka Saaxil , si cad ayaanu uga soo herjeednaa labadaa arimoodba. waxa aynu la wada soconaa haddii aynu nahay dadka reer somaliland in madaxweynihii hore ee jamhuuriyada somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin uu qandaraaska dhismaha warshadii hore ee sibidhka siiyay muwaadiniin saamilay ah oo reer Saamaliland ah , kuwaas oo ilaa hada ku guda jira dhamaystirka dhismaheeda , waxaynu ognahay in madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ee hada talada dalka haya mudane Ahmed Mahamed Mahamoud ( Siilaanyo), isagoo tixraacaya go,aankii madaxweynihii hore in uu ayiday maalgashiga ganacsataas ee warshada sibidhka . Waxa aynu ognahay in maalgashiga warshadaasi ku kacayo hanti aad u farabadan oo runtii ah maalgashi adag ,sida ay sheegaan ganacstadaasina warshadu waa warshad dabooli doonta baahida dalka soona saari doonta xadi sibidha oo u baahan doona suuq dabadeed. haddii arintu sidaa tahay , su,aasha is waydiinta mudani waxay tahay “ Ma loo baahanyahay warshad labaad oo sibidh”? runtii markaynu caqli saxa oo aqoon ku dhisan aynu ku hadlayno jawaabtu waa mid waadixa oo micnaheedu Yahay in aanay wakhtigan haboonayn in la dhiso warshad labaad oo sibidh, haddii ay dhacdana in la hirgaliyo warshad labaad taasi waxay keeni doontaa khasaare dhaqaale oo ku habsada maalgashadayaasha muwaadiniinta ah ee hore loo siiyay warshada. sidoo kale waxay sababi kartaa in muwaadininta kale ku dhiiran waayaan maalgashiga dalkooda hooyo, arintaasina waxay caqabad ku tahay horumarka dhaqaalaha dalka. Sidaa daraadeed waa in fursad la siiyaa muwaadiniinta maalgashiga culus ku samaynaysa musharaaca warshadii sibidhka ee hore . ka aqoonyahan ahaan ma lihin ganacsiga cid gaara ah haloo xidho ( monopoly), laakiin wa in marwalba laga fikiro baahida suuq ee jirta iyo danta guud ee dalka ,markaa waxa aanu madaxweynaha ugu baaqayna isaga oo ka talinaya ayaaha dhaqaale ee dalka in uu ka noqdo digreetada uu ku fasaxay warshad labaad oo sibidh. Arinta labaad ee ah in Dahabshiil laga siiyay xarun sarifka lacagaha qalaada badhtamaha dekeda Berbera , iyana waa mid aanaan raali ka ahayn , sababtoo ah shirkada dahabshiil waa shirkad weyn oo heer caalamiya oo ku jirta ganacsi kala duwan oo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ah. Waxay ka mid tahay shirkadaha ugu hantida badan Somaliland. Markaa in ay cunaqabatayso ganacsatada dhaqalahoodu hooseeyo iyo qoysas badan oo ku nool sarifka lacagta dekeda ka soo baxda ee magaalda gasha , waa arin runtii shirkadana ceeb ku ah, dad badana dhibaato dhaqaale u gaysanaysa. markaa shirkada dahabshiil iyo cida kale ee ku lugta lihiba waxa u soo jeedinaynaa inay ka faraha kala baxaan arintaas . Guntii iyo gabagabadii, intii ay arimahan kor ku xusani soo shaac baxeen, waxa ay dad weynaha magaalada Berbera iyo guud ahaan gobolka saaxil ka bixiyeen dareen xooggan oo arrimahaas ay ku diidanyihiin, taas oo keeni karta isku dhac iyo amni darro ka dhacda deegaankaas. Sidaas darteed waxa aanu shirkadda Dahabshiil u soo jeedinaynaa in ay arimahaas faraha kala baxdo , haddii kale wixii dhib ah ee halkaas ka yimaada ay masuuliyaddeda qaadi doonto. sidoo kale waxaanu madaxweynahana usoo jeedinaynaa in uu arimahaas si degdega oo aqoon iyo masuuliyadi ku dhisantahay u waajaho. Qaar ka mid ah Xubnaha baaqa soo saaaray 1- Mubaarik cabdilaahi ibraahin 2- ismaciil cabdi ibraahin 3- ibraahin faarax guleed 4- xuseen cabdilaahi saleeban 5- calibashii cabdi ibraahin 6- ismaciil saleeban bulaale 7- aadan guuleed axmed 8- ibraahin cali yaasin 9- cabdixakiin maxamed faarax 10- maxamuud siciid xasan 11- axmed yuusuf ceeryaan 12- cabdikariin cabdilaahi muuse 13- axmed cali maxamed 14- axmed maxamed yuusuf 15- maxamed maxmuud odawaa 16- cali cismaan gaash 17- subeer ciiise maxamed 18- maxamed maxamuud cawil 19- faysal maxamuud xasan 20- jimcaale biix mire 21- caydaruus haybe cabdi 22- xasan ducaale maxamed 23- khaddar maxamed cabdilaahi 24- cabdiraxmaan cali axmed 25- xasan ismaciil faarax 26- 26- Mustafe Ismaciil Cali 27- 27- C/raxiim Maxamed Faarax 28- 28- Maxamed Maxamuud Yuusuf 29- 29- C/raxmaan Maxamed Axmed 30- 30- Xasan Cabdi Liibaan 31- 31- C/rashiid Maxamed Xuseen 32- 32- C/laahi Cismaan Ibraahim 33- 33- Saleebaan C/aahi Axmed 34- 34- Ismaciil Xuseen Cumar 35- 35-Mukhtaar Cismaan Yuusuf 36- 36-Maxamed Cabdi Geedi 37- 37-Barre Xaamud Axmed 38- 38- C/rashiid Maxamed Cali”. |