Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2665

May 16, 2011                                                                   Jamaal Al-Thani 13,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Waa Tuma Raaliyo Haween?

Markaad waydiiso rag badan oo guurdoon ah  gabadhii uu la wadaagi lahaa Guurka marka uu doonayo in gabadha uu rabo in uu guursado kuu sharaxo waxa uu kuugu sheegayaa sifooyinkeeda, waxan rabaa gabadh raaliyo ah! Markaad sii su’aasho raaliyo waxay tahay sharaxeeda, qaarbadani waxay ku jawaabaan raaliyo waa raaliyo, qaarbadanna way ku kala fikir duwanaadeen gabadha raaliyada ah sifadeeda. Hadaba raaliyooy yaad tahay.

1.Gabadha aan guursanayaa waa inay ahaataa mid aan hadalkayga hadal ka daba keenin. Markaan hadlayo waa inay iyadoo khushuucsan i hor timaadaa iyadoo hoos eegaysa. Xaraf kasta oo aan farana waa inay isla markiiba ku dhaqaaqdaa iyadoon hadal kasoo celin. Raaliyadaydu waa taas.

2.         Gabadha aan guursanayaa marka ay ila hadlayso waa inay hadalkeeda hoos u dhigto, maadaama oo ay naagtaydii tahayna waa inayna ila doodin, ila murmin, igu qaylinin, i karaahiyeysanin, cadhadeedana waa inayna itusin marnna. Raaliyadaydu waa taas.

3.Gabadha aan guursanayo waa inay ogaataa inaan anigu iska leeyahay inta Ilaahay ka sokaysa, sidaa darteed si kasta oo aan ka yeelo waa inay iigu dul qaadato hadal la’aan. Raaliyadaydu waa taas.

4.         Maadaama oo ay diintu ii ogolaatay inaan maamulo iyada, hadaan i dhaahdo albaabka ha gaadhin waa inayna gaadhin, hadaan i dhaahdo maanta oo dhan idul taagnow waa inay samaysaa, hooyadeed oo sakaraada hadaan idhaahdo ha u tagin waa inay hadal la’aan i maqashaa. Gidaarka madaxa u sii jeedi 24/7 hadaan i dhaahdo waa inay samaysaa. Aniga Raaliyadaydu waa taas.

4.         Raaliyadaydu aniga waa sidan, sida wax loo qoro waa inayna aqoon, wixii aan anigu cilmi u baro mooyaane cilmiga kale oo dhan waa inay ka dhago la’aataa, afcarabi hadaan kula hadlo waa inay moodaa inaan aayad quraana u akhrinayo, Raaliyadaydu waa taas mida jaahilada ah ee aan anigu sidaan rabo wax u baro.

5.         Gabadha aan guursanayaa habeenka u horeeya waa inay i dareensiisaa inaan ahay sayidkeedii, sidaa darteed waa inay gacanteeda kusoo qaadato ushii aan ku edbin lahaa. Raaliyadaydu waa taas.

6.         Raaliyadaydu aniga waa mida iyadu gacanteeda iigu soo xusha gabadhii aan la guursan lahaa. Taas weeye Raaliyadaydu.

7.         Aniga raaliyadaydu waa inay ahaata mida markasta ka fikirta sidii ay ii raali galin lahayd aniga bas, waa inay ahaataa mid aad ii kool koolisa, markastoon guriga soo galo waa inay ii diyaarisaa musqushaan ku qubaysan lahaa waa inay diyaar sii ahaataa, cunto midii ugu macaanayd waa inay iisii diyaarisaa, ubadka buuqooda waa inay iga ilaalisaa, guriga iyo nafteedana waa inay sii giijisaa. Raaliyadaydu waa taas.

8.         Raaliyadaydu aniga waa inay noqotaa mid dadka kala hadasha bas inta aan anigu u ogolahay bas, waalidkeed hadaan necbahay xataa waa inayna la xidhiidhin maadaama oo aan anigu qawaam u ahay. Raaliyadaydu waa taas.

9.Raaliyadaydu aniga waa mida lacagta aniga iga sugta, maalkeeda iyo nafteedaba waa mida ii hibaysa. Hadii ay lacag leedahayna waa inay iga idin qaadato waxay ku samaynayso lacagteeda. Raaliyadaydu waa taas.

Hadaladaas aan soo sheegay oo dhan iyo kuwo kasii badan oo aan soo koobi karin, waa hadalo ay ku riyoodaan in badan oo kamida nimanka guurdoonka ah. Hadaba Raaliyooy maxaad tahay, ma sida kor ku xusan mise si kale oo aan la aqoon, akhristahaan jawaabta u daayey.