Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2668

May 19, 2011                                                                   Jamaal Al-Thani 16,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Xukuumadda Oo Kaadhadhkii Marti-Qaadka Xafladii Xalay Ee Madaxtooyadda Ku Qaybisay Qaab Beel Beel Ah

Wariyaha VOA-Da Ee Hargeysa Oo Ciidamada Amaanku Garaaceen Iyo Wariyaha BBC-Da Oo Isagana Laga Horjoogsaday Inuu Waajibadkiisa Saxafinimo Guto

Hargeysa, May 19, 2011 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay kaadhadhkii martiqaadka ee xafladii xuska 18-ka May ee xalay ka qabsoontay xarunta Madaxtooyadda in lagu qaybiyey qaab beel-beel ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka hawl gala Madaxtooyada ayaa Haatuf u sheegay in kaadhadhka marti-qaadka ahaa ee loogu talo galay ka soo qayb galayaasha in lagu qaybiyey qaab beeleed, waxaanu ilo-wareedyadu intaa ku dareen in ay hawshaa ay ka danbeeyeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan madaxtooyada.

 Ilahaas xogogaal ah ee ka hawl gala madaxtooyadda ayaa intaa waxay ku dareen in aan saxaafada madaxa-banaan ee Somaliland aanay xafladan ka qayb galin, isla markaana aan loogu talo galin inay ka qayb galaan saxaafada madaxa-banaan.

Wararkan laga helayo madaxtooyada ayaa waxa ay ku soo beegmeen xili ay maalintii  shalay markii la xusayey 18-ka May ay ciidamada amaanku tacadi iyo hagar-daamo u gaysteen qaar ka mid ah wariyaasha ka hawl gala saxaafada madaxa-banaan, kuwaas oo uu ka mid yahay wariyaha VOA-da uga hawl gala magaalada Hargeysa  Ismaaciil Farjar oo isaga nabaro la gaadhsiiyey, waxa sidoo kale laga horjoogsaday oo loo diiday inuu waajibaadkiisa shaqo ee saxaafadeed guto wariyaha BBC-da ee magaalada Hargeysa Axmed Siciid Cige, waxa iyaguna jiray wariyayaal caalami ah oo ka kala socda wakaaladdo, Tilifiishano iyo hay’addo warbaahineed oo caalami ah oo laga horjoogsaday inay waajibaadkooda shaqo gutaan, kuwaas oo iskugu jira wariyayaal Maraykan, Carab iyo Norwagian, taas oo loo diiday inay wararka ka duubaan wakhtigii dabaal daga subaxnimadii ay ciidamada iyo ururada bulshadu ay socodka ku soo mareen wadada madaxtooyada horteeda, isla markaana uu madaxwaynuhu salaanta ka qaadanayey ciidamada qalabka sida.

Talaabadan ayaa ka cadhaysiisay dadwaynihii iyagu jibaysnaa ee xusayey sanad guurada 18-ka May, isla markaana u arkayey talaabo aan loo baah-nayn in warbaahinta caalamiga ah ee baahinaysay xuskan in laga horjoogsado inay baahiyaan, kuwaas oo qadiyada Somaliland iyo ictiraafka ay beesha caalamku kala masuugtay 20-ka sanadood Somaliland gaadhsiinayey daafaha dunida.

Dhinaca kale xukuumadda ayaa is hortaagtay in nuquladda wargeysyada dalka oo Haatuf ka mid tahay in la gaadhsiiyo goboladda iyo degmooyinka dalka iyo caasimadda dhexdeeda-ba, ka dib markii ay xukuumadu horjoogsatay waraaqihii dhaq-dhaqaaqa ee gaadiidka warbaahinta madaxa-banaan ay ku hawl gali jireen.

Si kastaba ha ahaatee talaabooyinkan ugubka ah ee ay xukuumadda madaxwayne Axmed Siilaanyo la soo baxday maalintii shalay ee  xuska 18-ka May ayaa waxa la sheegay inay daaha-dabadiisa ka hagayaan xubno sar-sare oo ka tirsan madaxtooyada Somaliland.