Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2669 |
May 20,2011 Jamaal Al-Thani 17,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Xukuumadda Oo Casuumad Qado Sharaf Ah ArabsiyoUgu Sameysay Waftigii Djibouti Iyo Siyaasiyiin Isku Arkay Madashaas Hargaysa, May 20, 2011 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa shalay Casuumad qado sharaf ah u samaysay degmadda Arabsiyo ee gobolka Gabilay weftigii reer Djibouti ee dalka booqashada ku joogay, kuwaas oo u yimid ka qayb galka xuska 18-ka May ee maalintii doraad ka qabsoontay gobolada iyo degmooyinka dalka. Waftiga waxa Casuumadan qado shaafta ah loogu sameeyay Hotelka Dalxiis ee magaalada Arabsiyo, halkaas oo ay ku marti qaadeen Madax sar sare oo ka tirsan Dawlada Somaliland oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda C/casiis Maxamed Samaale, wasiiradda Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed C/lahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Ciyaaraha, Dhaqanka iyo dhalinyarada Maxamed Ibraahin Madar, Wasiir ku xigeeno, Chief of Cabinet-ka maadaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Agaasimayaal, Shirgudoonka golaha wakiilada, xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamanka Somaliland, Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil Yare), Ganacsato iyo Salaadiin. Dhinaca weftiga ka socday Jamhuuriyada Jabuuti ee casuumada loo sameeyay waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee Gaashaan dhiga dalka Jabuuti Mudane Aougure Kifle Axmed oo isagu weftigan hogaaminayay,Guddoomiyaha Baanka dalka Djibouti Jaamac Maxamuud Xayd, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Jabuuti, Maalqabeenka Maxamed Aw Siciid Geedi iyo ganacsade Axmed Cismaan (Geelle Arab). Wasiirka Arimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo munaasibadani qado Sharafta loogu sameeyay Waftiga jabuuti, ka dib Saxaafadda la hadlay ayaa ka waramay cida ay casuumaddan u sameeyeen iyo madaxda kala qayb gashay Xukuumadda, waxaa uu yidhi “Xukuumada Somaliland waxaa ay maanta halkan ku marti qaaday wefti ka socda dalka jamhuuriyada Jabuuti oo xuskii 18-kii may ee labaatan guurada ka soo waareegtay madaxbanaanida Somaliland nagala qayb galay,waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan qaranka Somaliland oo isugu jira wasiiro iyo chief of cabinet-ka madaxtooyada,shirgudoonka golaha wakiilada,xildhibaano,ganacsato reer Somaliland ah,salaadiin,cuqaal,waxgarad, iyo marti sharaf kale”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Wasiirku “Waxaanay xukuumada Somaliland marti qaadkan ugu samaysay weftiga ka socda dalka jamhuuriyada Jabuuti iyada oo uga mahad celinaysa dalka aynu walaalaha nahay ee jabuuti weftigii balaadhnaa ee ay noo soo dirtay ee nagala qayb galay xuskii 18-ka may, aad iyo aad ayaanu uga mahad celinaynaa dawlada jabuuti gaar ahaana madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele”. Waftiga Reer Jabuuti ee Dawlada Somaliland iyo Shacbigeeda kala qayb galay Xuska 18 May oo doraad dalka iyo dibadaba laga xusay, waxa lagu wadaa inay maanta dib ugu noqdaan dalkooda Djibouti. |