Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2673 |
May 25,2011 Jamaal Al-Thani 22,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
India Oo Kordhinaysa Danaha Dhaqaale Ee Ay Ka Leedahay Afrika Addis Ababa, May 25, 2011 (Haatuf) - Raysal Wasaaraha dalka India Manmohan Singh's ayaa socdaal muddo lix cisho qaadanayaa ku gaalaa bixinaya Qaarada Afrika, kaas oo ujeedadiisu ay tahay sidii dalka India uu u kordhin lahaa danaha dhaqaale ee uu ka leeyahay Afrika, isla markaana uu qaarada uga fulin lahaa mashaariic Maalgalineed oo Malaayiin dollar ku kacaysa sanadada soo socda. Safarka uu Raysal Wasaaraha Dalka India ku yimid Afrika oo bilaabmay 23-kii bishan May ayuu kaga qayb galayaa shirka labaad ee Africa-India Forum Summit, kaas oo lagu qabanayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxa ku soo qulqulaya dalka Itoobiya Wufuud meeqaam sare leh oo ay ka mid yihiin Wasiiro, iyadoo dalka India uu yahay wadamada awooda iyo hogaamintaba ku leh shirkaasi, isla markaana uu safarka Raysal Wasaaraha India Manmohan Singh ee qaarada Afrika uu noqonayo safarkii labaad. Maaha wax cusub in dalka India uu ka muuqdo qaarada Africa, isla markaana socdaalkan hadu waxa uu yahay calaamad furaysa albaab cusub iyo xidhiidh cusub oo dhex maraya India iyo Afrika, xidhiidh adag oo wada shaqayneed oo dhex mara India iyo Afrika sida uu ku dhawaaqay Raysal Wasaaraha India. Africa iyo India ayaa ah laba si Buuran uu dhaqaalahoodu u kordhayo marka loo eego aduunka, celcelis ahaan waxa lagu sheegaa koboca dhaqaalaha ee qaarada Afrika boqolkiiba 5% tobobaankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo sidoo kalena ay korayaan suuqyada ganacsiga iyo Maaliyada, kuwaas oo yeelanayo awoodo ay kula tartamaan, isla markaana ay xidhiidh kula yeeshaan suuqyada iyo sayladaha caalamka. Sidoo kale Koboca dhaqaalaha ee dalka India ayaa isaga lagu sheegaa inuu celcelis ahaan dhan yahay 9%, New Delhi ayaa fidinaysa doorka ay ku leeyihiin aduunka, gaar ahaana qaarada Afrika. Si kastaba ha ahaatee Ganacsiga laba Geesoodka ah ee u dhexeeya India iyo Afrika ayaa mudooyinkii u dambeeyey si xaami ah u kordhayey, kuwaas oo leh xidhiidh ganasi isla makraana is waydaarsada ganacsiga Dawooyinka, Dahabka, Dheemanta iyo Information Technology-ga. Wadanka India ayaa hadda noqonaya wadanka labaad ee xidhiidhka Ganacsiga ee ugu wayn la leh Afrika marka laga yimaado dalka China, kuwaas oo hadda waa India’e u xamaasadaysan, isla markaana damac weyni uu ka hayaa sidii uu u indho indhayn lahaa suuqyada Afrika isaga oo ka duulaya Strategy-ad uu doonayo inuu iskaga dhiciyo dalka China oo isagu ugu tun weyn suuqyada iyo maalgashiga Afrika. Laakiin Shirkadaha New Delhi ayaa sheegaya in aanay qorshaysan karayn kuna xisaabsami karayn doorka kordhaya ee Beijing ku leedahay Qaarada Africa, xaqiiqaduna ay tahay in dalka India aanu lahayn Maaliyad iyo siyaasad la mid ah ta China. Ganacsiga iyo Maalgalinta Hindida ayaa la sheegaa inuu marka laba loo qaybi meel ahaan uun kaga dhacayaan dalka China, kuwaas oo hiigsanaya inay gaadhaan sanadka soo socda in maalgalintoodu ay noqoto $110bn. Si kasta ha ahaatee labadan dal ee ood wadaagta ah ee China iyo India ayaa u muuqda kuwo iyagu ku tartamaya maalgashiga dhulka Afrikaanka, oo inta badan aanay Afrika awood badan ay mashaariif kaga fushadaan lahayn, taas oo dadka ka faalooda arimaha dhaqaaluhu ay tilmaamayaan in tartanka labadan dal ee Asia ku yaala ay Afrika u keeni doonaan horumar iyo koboc dhaqaale, iyadoo wadamadaasina ay faa’ido weyn ka heli doonaan maalgalinta Afrika. |