Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2676 |
May 29,2011 Jamaal Al-Thani 26,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Maayarka Gabiley Oo Ka Hadashay Dareenkeeda Iyo Qorsheyaasha Ay Ku Talo Jirto Inay Qabato “Haweenka S/Land Waxaan Ku Dhiirigalinayaa Inay Isku Soo Sharaxaan Doorashada G/Deegaanada”Khadra X.Gaydh Hargeysa, May 29, 2011 (Haatuf)-Ku simaha gudoomiyaha golaha deegaanka Gabiley Marwo Khadra xaaji Gaydh oo Khamiistii todobaadkii hore noqotay Maayarka Gabiley ka dib markii golaga deegaanku xasaanadii ka qaaday Mayarkii hore Aadan Muxumed Badde ayaa sheegtay inay qorshaha ugu jirto muddada xilkaasi ay hayso in waxqabad la taaban karo uu ku talaabsado golahooda deegaanku. Gudoomiyaha golaha deegaanka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh waxa kale oo ay haween-weynaha reer Somaliland ugu baaqday inay isku soo sharaxaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doona dabayaaqada sanadkan 2011-ka. Gudoomiyaha oo wargayska Haatuf xogwaraysi khaas ah shalay kala yeeshay dareenkeeda ku wajahan masuuliyada Maayarnimo ee xilligan ay hayso iyada oo ka hadlaysa ugu horayn, waxay tidhi “Runtii masuuliyada xilkaa shaqo waa mid aan garanayo waajibaadkeeda wax cusub oo aan aad ula sii yaabana iguma aha, waxaanse is leeyahay dareenkayga haddii Alle qadaro inaan sii fadhiyo iyo muddada aan xilkaasi hayaba waxaan rajaynayaa inaan isbadal waxqabad oo horumar la taaban karo aan keeno, waxaanan aaminsanahay in maadaama aanu muddo dhawr dheer gole ahaan jirnay, in waajibaadki ummada aanu ka soo baxno oo jidadka iyo adeegyada horumarineed ee bulshadu u baahan tahay aanu si weyn gole ahaan ugu dadaalno. Inkasta oo aan xil wareejintii wali dhicin oo aan saaka oo Sabti ah (shalay) xafiiska soo fadhiistay, hadana waxa noo qorshaysan in gole ahaan annagoo isku duuban aanu wadajir u wada shaqayno” Marwo Khadra Xaaji Gaydh mar aanu waydiinay baaqa haweenka Somaliland uga jeedisay ka qaybgalka doorashooyinka doorashooyinka golayaasha deeganka maadaama ay iyadu ahayd haweenayda kaliya ee iska soo sharaxday golayaasha deegaanka dalka, waxay tidhi “Haweenka reer Somaliland aad baan ugu dhiirigalinayaa inay isku soo sharaxaan dorashada golayaasha deegaanka, waxaanan ugu baaqayaa inay haweenku is doortaan oo ay raguna haweenka u codeeyaansi ay dimuqraadiyadu u hano qaado oo haweenku kaalin mugleh ugu yeeshaan talada siyaasada? |