Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2679

June 01,2011                                                                   Jamaal Al-Thani 29,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Wasiirka Khaarajiga Oo Maanta La Filayo Inuu Hortago Guddida Joogtada Golaha Baarlamaanka Iyo Nuxurka Ujeedooyinka Loogu Yeedhay

Hargeysa, May 1, 2011 (Haatuf) - Guddida joogtada golaha Wakiilada Somaliland ayaa la sheegay inay u yeedheen Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr Maxamed C/llaahi Cumar oo qoraal ay kaga dalbanayaan inuu horyimaado ay u direen si ay wax uga waydiiyaan arimo ku saabsan siyaasada Arimaha dibada iyo guud ahaanba marxalada ay hadda Marayso.

Qoraalkan Yeedhmada Wasiirka ayaa sidoo kale ay ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola xubnaha guddida joogtada wakiiladu ay Haatuf u xaqiijiyeen in ujeedada dalabkooda u yeedhidu uu sidoo kale ku qotomo arimo la xidhiidha shirarka uu Wasiirka Khaarajigu kaga qaybgalo dalalka dibada, gaar ahaana shirkii u dambeeyey ee uu dhawaan golaha Amaanka kula yeesheen isaga iyo Weftigii uu hogaaminayey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha dibada Dr Maxamed C/llaahi Cumar ayaa 22-kii bishii hore ee May shir ay golaha amaanku soo qabanqaabiyeen oo ka dhacay Nairobi kaga soo qaybgalay, kaas oo sidoo kale ay golaha amaanku ay shirar ku marti qaadeen Maamul goboleedyada Somalia lagaga dhawaqay iyo dawladda TFG-da ee Somalia.

Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa isagu sheegay markii uu todobaadkan dalka dib ugu soo laabtay in kulankii dhex maray weftigooda Somaliland iyo xubnihii golaha amaanka qaramada midoobay ay ka wada hadleen arimo ku saabsan qadiyada gooni isku taaga madaxbanaanida Somaliland, isla markaana uu tilmaamay inay si weyn ula dhaceen Marxalada ay Somaliland wakhtigan xaadirka ah marayso iyo horumarka ay ka samaysay dhinacyada Nabadgelyada, Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha iyo dhismaha haykalka Dawladdnimo.

Hase yeeshee Weftigii Wasiirka Arimaha Dibadu hogaaminayey ayay qaar ka mid dadweynaha reer Somaliland ay dareemo shaki leh ka muujiyeen in shirkaasi meel lala fadhiisiyey Somaliland kooxaha Somalia iyo maamulada dhawaan laga unkay dalkaasi colaaduhu ka aloosan yihiin, taas oo ay ku tilmaameen inay nusqaan ku tahay Somaliland inay la fadhiisato kooxahaasi somalia.

Dhinaca kale Xubno ka tirsan golaha Guurtida ayaa Haatuf u sheegay marka uu todobaadkan golahoodu fasax ka soo galo inay u yeedhi doonaan wasiirka Khaarajiga Dr Maxamed C/laahi Cumar si ay wax uga waydiiyaan xaalada siyaasadeed ee Somaliland wakhtigan xaadirka ah marayso iyo mawqifyada dhabta ah ee Beesha caalamku ka taagan tahay Ictiraaf ay siiso Somaliland.