Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2687

June 10,2011                                                                                        Rajab 08,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Madaxweynaha S/land Oo Xalay Si Kadis Ah Dadweynuhu Ugu Arkeen Goobaha Ganacsiga, Laamiyada Iyo Maqaaxiyaha Yaryar Ee Laga Cunteeyo

Lama Filaan Iyo Uqaadan Waa Ayay Ku Noqotay Dadweynaha Madaxweyne Siilaanyo Oo Aan Wadan Wax Ilaalo Ah Oo Dhex Mushaaxaya Hargeysa

Hargeysa, June 10, 2011 (Haatuf) – Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xalay Caweyskii si kadis ay dadweynuhu ugu Arkeen Suuqyada Ganacsiga iyo Isgoysyada Xaafadaha Shacabka, Jigjiga Yar iyo Xero Awr, kaas oo u kuur galayey xaalada nololeed iyo ganansi ee dadweynaha Caasimadu ku sugan yihiin.

Abaaro 7:30-kii ayaa Wargeyska Haatuf si kadis ah loogu sheegay in ay soo raacaan gaadhi noociisu yahay Indha-cade oo ay la socdaan dhawr Wariye, kuwaas oo aan haba yaraatee u sheegeen Haatuf Hawsha loo baxayo iyo waxa ay tahay, isla markaana iyaga laftooda loo yeedhay uun oo aanay ogayn shaqada la qabanayo.

Gaadhigii ayaa u dhaqaaqay Jihada Gurigii uu Madaxweyne Siilaanyo uu gali jiray intaanu Madaxweynaha Noqon, markii aanu gaadhnay Halkaa ayaa waxa nagu sugayey oo soo baxay Madaxweyne Siilaanyo, Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, Cheaf of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, Xoghayaha Gaarka ah ee Madxweynaha, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Faysal Kaamil, isla markiiba waxa uu Madaxweynuhu u dhaqaaqay dhinaca wadada Galbeed ee Jigjiga yar u kacda, balse marka Madaxweynuhu marayo meel ku beegan Guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxa uu ku leexday ciidamada Bileys ah oo meel u dhaw gurigaasi joogay, kuwaas oo amaanka dalka sugayey, isla markaana Madaxweynuhu uu wax ka weydiiyey Xaaladooda iyo xaalada Amaan ee dalka, kuwaas oo iyaguna Madaxweynaha u sheegay inay hadh iyo habeen u heelan yidhiin ilaalinta Amniga guud ee Dalka. Kadib Madaxweynuhu waxa uu sii watay socodkiisii waxaana uu gaadhay Kaalinta Shidaalka ee Indha-Birta (National Fuel Station) ee ku taala dhinca galbeed ee Magaalada Hargeysa Looga baxo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Shaqaalaha Kaalintaasi, kuwaas oo u qaadan waa ku noqotay socodkan kadiska ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo ugu soo galay, waxaanu Madaxweynuhu soo dhex maray Qaybta Supper Market-ka laga dukaansado, isaga oo yidhi Shaqaalaha Kaalintaasi “Ka Warama Ganacsigiina” Shaqaalaha ayaa iyaguna ugu jawaabayey “Wuu fiican yahay Madaxweyne” Madaxweynuhuna waxa uu ugu dambayn ku yidhi “Waan idiin Ducaynayaa Alle Garbkiina ha galo, Allana ha idiin barakeeyo Ganacsigiina”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa u dhaqaaqay dhinaca Goolada Jigjiga Yar, halkaana waxa uu kula kulmay Askar Bileys iyo Taraafig isugu jira iyo dadweyne kale oo goobtaasi Marayey. Madaxweynaha oo aanu moodaynay inuu gali doono Hotel Maansoor ayaa si toos ah ugu dhaqaaqay Xaafada Xero Awr, kaas oo markii uu soo gaadhay Dhismaha Ganacsiga Ee Business Center iyo Maqaaxiyo ka soo horjeeda oo lagu sameeyo cuntada dalka ka baxday ayaa waxa layaan ku noqday dadweynihii halkaasi joogay Madaxweynahoodii oo goor habeenimo ah, ciidana aanu la socon, isla markaana aanay filaynin inuu halkan yimaado kana waraysto marxalada iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkiisu.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa si toos ah u soo qaaday wadada dheer ee isku xidha Xero Awr iyo Xaafada Idaacada, taas oo uu ku soo daadagay wadada Togdheer, halkaas oo uu ku war helay Jananka ciidamada Bileyska Somaliland in Madaxweynuhu kormeer goor habeenimo ah ku marayey caasimada, taas oo kaliftay inuu Madaxweynuhu soo koobo socdaalkiisii uu ku booqanayey caasimada, isla markaana uu si toos ah u soo Abaarnay Xarunta Qasriga Madaxtooyada, balse Maqaaxida Dhimbiil ee ka soo horjeeda Madaxtooyada ayuu Madaxweynu goobtaasi in Cabaar ah uu kula Caweeyey dhalinyo ku sugnaa halkaas iyo Rag Odaal ah, kuwaas oo dhamaantood ku farxay Madaxweynahoodii oo u kuur galaya inuu wax ka ogaado Xaalada ay dadweynuhu ku sugan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee Talaabadan uu Madaxweyne Siilaanyo ku gaalaa bixiyey Caasimada Hargeysa, isagoo aanay daba yaacayn Ciidamada iyo Gaadiidka Hubku Saaran yahay, taas oo kor u qaadaysa Sumcada iyo Karaamada Madaxweynaha, isla markaana lagu xasuusanayaa Talaabooyinkii uu Qaaday Amiiral Muuminiinkii Islaamka Cumar Binu Khadaab oo xiligii uu ahaa Madaxweynaha Islaamka u kuurgali jiray xaalada nololeed ee Bulshada Islaamka ku noolayd.