Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2690

June 14,2011                                                                                        Rajab 11,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Aqoonkorodhsi Ku Saabsan Ku Baraarujinta Haweenka Fiditaanka Xanuunka HIV/AIDS  Oo Boorama Lagu Qabtay

Boorama June 14, 2011 (Haatuf)-Ururka wadaniga ah ee AWSG ayaa ugu qabtay Xaruntiisa magaalada Boorama 20 Haween ah oo ka socday xaafadaha kala duwan ee magaalada Boorama, Aqoon korodhsi ku saabsan Ku-baraarujinta Haweenka ee fiditaanka Xanuunka HIV/AIDs-ka  iyo waliba ka hortaga takoorka dadka qaba HIV/AIDSka.

20-kan Xubnood ee haweenka ah ee loo qabtay Aqoon korodhsiga ayaa ahaa haweenka u dhaqdhaqaaqa dhawrista Xuquuqda dumarka iyo ka wacyigelinta Caadooyinka xun-xun ee ku nool Boorama,

Aqoon korodhsigan ayaa Haweenka ka qaybgalay lagu barayay casharo la xidhiidha qaabka ku baraarujinta haweenka fiditaanka Xanuunka HIV/AIDS iyo wacyigelin ku saabsan dhibaatada Faquuqa iyo takoorku u leeyihiin dadka qaba Xanuunka AIDs-ka.

Yaasiin Qalinle Kaahin oo ah Masuul sare oo ka tirsan ururka wadaniga ee AWSG oo kulanka Aqoon korodhsiga ka hadlay ayaa uga waramay ka soo qaybgalayaasha doorka looga baahan yahay sidii ay ka wacyi galinta uga qayb qaadan lahaayeen ka hortaga fiditaanka xanuunkan HIV, isaga oo arrinkaasi ka hadalayana waxa uu yidhi "Hawlaha halkan aan isku nimid oo ah mid aan kaga hadlayno sidii bulshadeena haweenku laf-dhabarta ka yahay uga qayb qaadan lahaayeen wacyigelinta haweenka ee fiditaanka xanuunka HIV/AIDs-ka, oo loo baahan yahay in aad ka qayb ka noqotaan ku wargelinta xaalada xanuunkan oo loo baahan yahay waano iyo xirfado cusub in dadka wax looga dhaadhiciyo, waxaan idinku soo xulay khibradiina iyo hawlaha aad u soo qabanayseen bulshada ilaa muddo dheerna, taas oo aad waayo aragnimo u leedihiin dadkeena ku dhaqan magaalada Boorama”

Mr Yaasiin isaga oo ka hadlaya macluumaadka casharada ay aqoon korodhsiga ku qaateen sidii ay ugu dabaqi lahaayeen barnaamijka wacyi galinta, waxa uu yidhi”Casharada halkan aad ku qaadataana inaad si wanaagsan ugu gudbisaan, wixii bulshada dhib u leh waa wax qof walba taabanaya, loona baahan yahay in aan wadajir iskaga kaashano, waad la socotaan sidii xanuunka TB-da cuqdada looga qabay ee la qarsan jiray, imikana waxaa la ogaaday in uu sida Hargabka yahay, xanuunkana waxaa loo baahan yahay in bulshada aan fahansiino in qarsoodigu yahay khatar ama faquuqa qofka lagu sheego la takoraa, sidaas darteed waa in bulshada si balaadhan wacyigelin aan ugu samayno, ururkayagu wuxuu u qaabilsan yahay dhanka wacyigelinta shaqada lagu baraarujinayo haweenka iyo dadka fiditaankan, waana mashruuc ay naga maalgeliso Global-Fund” ayuu yidhi Yaasiin

Sidoo kale Isuduwaha komishanka HIV/AIDs-ka ee Gobolka Awdal C/qaadir Sheekh Xuseen ayaa faahfaahin dheeraada ka bixiyay qaabka bulshada looga wacyigelinayo xanuunkan waxaanu yidhi “Dunida waxaa la soo saaray in 2015-ka la waayo qof qaba xanuunkan HIV/AIDS oo soo dhasha, si aqoon leh ayaa loogu talogalay in dadka qaba xanuunkan ay u qaataan daawada si ilmaha uurka ku jiraa uga badbaado, waxa kale oo loo baahan yahay in haweenayda Uurka leh ay is baadho si loo ogaado in ay Xanuunka qabto iyo in kale si loo gaadho yoolka la hiigsanyo ee 2015-ka, dadkeenu imika way soo fahmayaan dhibta jirta ee ku saabsan HIV/Aids, waxaan idin leeyahay dadka waaniya wax u sheega oo ha ka daalina in aad ku baraarujisaan in Xanuunkani bulshada khatar ku yahay, loona baahan yahay in laga hortego, iyada oo aan faquuq iyo takoor cidna lagu samynayn”.

Dhanka kale Iskuduwaha Komishanka HIV/AIDs-ka ee Gobolka Awdal C/qadir Sheekh Xuseen wuxuu daboolka ka qaaday dhacdo dhible oo ku saabsan fiditaanka HIV/AIDx oo kaga timaad Gobolka Awdal dhanka Jabuuti oo ay kala kulmeen magaalada lawyacado wakhti ay safar shaqo ku tageen wuxuuna yidhi " Magaalada Lowya-cade oo aan safar ku tagnay bishii April ee sanadkan waxaan ku aragnay Haween laga soo raafay Jabuuti oo ah kuwa ka ganacsada jidhkooda, markaan waraysanay waxaan ogaanay in ay haystaan Kaadhadhkii daawada ay ku qaadanayen ee Jabuuti, waxay noo sheegeen in laga soo raafo haweenkaas kuwa aan sharciga Jabuuti haysan ee u dhashay Somaliland iyo Ethoipia loona soo gudbiyo dhanka Lawyacado oo ay uga soo gudbaan magaalooyinka kale ee Somaliland sida Boorama, Saylac iyo Hargaysa, Arrintaasi waa mid halis ku ah bulshadeen Soomaaliyeed, xuquuq ahaana ma fiicna in dadkaas sidaa loo galo, waxaanan aragnay in safarada dhulkaas yimaad ayna war u hayn dumarkaasi in ay bukaan iyo in kale waayo xanuunkani malaha calaamado lagu garto, weliba marka qofku qaato daawada loogu talogalay in qofka qaba ay caawiso” ayuu yidh C/qaadir oo ah iskuduwaha komishanka Hiv/Aids ee G/Awdal

Si kastaba ha ahaatee wacyegelintan ay fulinayeen ururka wadaniga ah ee AWSG oo ay maalgelisay Global fund ayaa ahaa wejigii labaad ee mashaariicda ka hortaga iyo la dagaalanka fiditaanka xanunka HIV/AIDS, waana aqoon korodhsigii labaad ee todobaad gudihii ay haweenka u qabtaan ururkan AWSG.