Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2692 |
June 16,2011 Rajab 14,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Beckham Oo Quudareynaya In Lagu Daro Xulka Britain Ee Olympics-Ka London Xidiga caanka ah ee dalka Ingiriiska David Beckham ayaa sheegay in uu aad ugu farxi lahaa hadii lagu dari lahaa xulka kubada cagta Britain uga qeybagalayo ciyaaraha Olympics-ka Aduunka ee sanadka 2012 lagu qaban doono Magaalada London ee xaruunta dalka Britaain. Laacibkan khadka dhexe ee kooxda Galaxy, ayaa waxa ugu danbeysay kulan uu u safto xulka Ingiriiska bishii October sanadkii 2009, laakiin hada waxa uu qabaa rajo ah in loo yeedho inkasta oo wali aan la gaadhin wax go,aan ah. "Anigu waxan ahay nin reer bari ah oo Ingilish ah kuna dhashay halkaasi isla markaana ku barbaaray, waxay ii ahaan laheyd sharaf iyo farxad hadii leygu dari lahaa kooxda Ingiriiska uga qeybgali doono Olympics-ka." ayu yidhi Beckham. Sida caadada ah ciyaaraha Olymics-ka Aduunka qeybteeda kubada cagta waxa shardi ah in ciyaartooyda ay da,dooda ka hooseyo 23 marka laga reebo sadex ciyaaryahan oo da,dooda ay intaasi ka weyntahay. Beckham ayaa sharci ahaan awoodo in uu ciyaaro maadaama uu hada yahay 36 jir, laakin su,aasha ayaa ah Xidhiidhka Ingiriisku ma u ogolaan doonaa. Xidigii hore ee kooxda Manchester United ayaa u saftay xulka England 115 kulan, waana rikoodh aanu gaadhin wali ciyaaryahan Ingiriisii, waxa kulanki ugu horeeyey uu u saftay sanadki 1996, waxana xulka uu u ciyaaray sadex koob aduun. Xulka Ingiriiska uga qeybgalay ciyaaraha Olympics-ka ee dhinaca kubada cagta ayaa waxa ay ka kala imaanayaan ciyaaryahanada dhamaan dalalka hoos yimaada boqortooyada Britain, sida England, Scotland, Wasles, Rup. Of Irelan iyo Northern Irelnad. Sababaha ugu weyn ee uu Beckham u jecelyahay in uu uu uga qeybgalo ciyaarahaan ayaa ah isaga oo aan waligiis ka qeybgalin tartankan, waxa kale oo uu sheegtay in uu jecelyahay in caruurtiisa uu geyn doono goobta. |