Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2692

June 16,2011                                                                                        Rajab 14,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

24-Jir U Dhashay Dalka Colombia Oo Dhawaan Loo Caleemo Saaray Nink Aduunka Ugu Gaaban

Edward Nino Hernandez wuxu nooc kasta kala mid yahay nin 24 sano jir ah oo u dhashay wadanka Colombia, wuxuna jecel yahay in uu music ciyaaro, wuxu ku haminayaa in uu yeesho baabuur waliba Mercedes isaga oo waliba rajeynaya in uu aduunka soo arko. Dadka uu jecel yahay in uu la kulmo oo uu arko waxa ka mid ah jilayaasha caanka ah  Jackie Chan, Sylvester Stallone iyo waliba madaxweynaha wadanka Colombia Alvaro Uribe.

Nino waxa dhawaan loo caleemo saarey ninka aduunka ugu gaaban isagoo galey ama lagu soo bandhigey buuga lagu soo bandhigo waxyaabaha mucjisada ah ee aduunka ka dhaca (Guinness World Records ee 2011).

Ninkan miisaankiisu waa 22 Kg, wuxu dherer ahaan le’egyahay boorsada yar ee gacanta lagu qaato ee  dhererkiisuna waa 70 centimeters.

Ninkan hooyadiis oo lagu magacaabo Noemi Hernandez waxay sheegtey in wiilkeeda Nino aanu korin tan iyo laba sano markuu jirey, isagoo ilaa haatan oo 24 sano uu jiro  aanu u muuqan nin da’daasi jira.

Nino wuxuu darajadan ugu gaagaaban aduunka kala wareegay He Pingping oo u dhashay wadanka Shiinaha kaas oo dhererkiisu uu ahaa 40 centimetres oo kaliya, kaasi oo geeriyoodey 13-kii bishii March ee sanadkan.

Khagendra Thapa Magar oo u dhashay wadanka Nepal oo bishii October ee sanadkii hore 18 sano jir noqdey, isla markaana dhererkiisu uu dhan yahay 56 centimetres, waxana buuga caalamiga ah ee Guinness uu u aqoonsadey wiilka nool ee ugu gaaban aduunka. Nino oo u dhashay degmada ku taal koonfurta magaalada Bogota ee caasimada wadanka Colombia waxa waalidkii ay sheegeen in aanu heli wax daaweyn, iyada oo hooyadii ay sheegtey in dhakhaatiirtu aanay u sharaxin sababta Nino uu u noqdey nin aad u gaaban. Hooyadii waxay sheegtey in wax daawo aan la siin, waxay sheegtey Hernandez oo 43 sano jir ah in Nino markii uu dhashay miisaankiisu ahaa 1.5 Kg, wuxuna dhererkiisu ahaa 38 centimeters.