Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2573

January 28, 2010                                                                               Safar 24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

UCID Oo JawaabKulul Ka Bixiyay Hadalo Ka Soo Yeedhay Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Siillaanyo

Hargeysa, January 2011 (Haatuf)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Xasan Xuseen Codyare  ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray waxa uu ku naqdiyay hadalo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), kuwaasi oo ay kaga hadleen arrimo la xidhiidha Somalia.

Xoghayaha xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare oo waxrsaxafadeed ka soo saaray magaalada Hargeysa, Warsaxaafadeedkaas oo dhamays tiranina waxa uu u dhignaa  sidan:-

“Muddooyinkan dambe waxaa soo ifbaxaya dhawaaqyo kasoo yeedhaya masuuliyiin xukuumadda ah iyo shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo u dhashay Somaliland.

Dhawaaqyadaas oo shaki galinaya gooni isu taaga Somaliland, Jaahwareerna ku ridaya shacbiga Somaliland. hadaladaas oo ay ka mid yihiin qoraal kusoo baxay Wargeyska Jamhuuriya cadaadkii 4403 ee soo baxay 26/01/2011 kaas oo dulucdiiso ahayd in aqoonsiga Somaliand ku xidhanyahay wadahadal lala galo dawladda shariifka.

Waxaa nasiib darro ah oo wax aad looga xumaadana ah in masuul xil qaran haya, kana tirsan Xisbiga Kulmiye in uu maanta soo qaato heshiis 20 sanno ka hore jabhadihii halganka ku jiray wada galeen, waxba kama jiraana ka dhigo guushii SNM iyo go’aankii 1991 ee gooni isu taaga ay ku wada gaadheen beelaha Somaliland ee shirkii Burco, shir-weynihii Boorama ee lagu dhisay nidaamka dawladnimo, aftidii distoorka Somaliland ee shacbka ku ogolaaday 97.8% gooni isu taaga Somaliland iyadoo ay goob joog ahaayeen goobjoogayaal ka tirsan beesha caalamka, geedisocodkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala dambeeyey ee dalka ka hirgalay.

Xisbi ahaan waxaanu qabnaa in arrintaasi tahay fidno cusub iyo khatar ay soo maleegayaan cadawga Somaliland loona adeegsanayo dad u dhashay Somaliland.

Xisbiga UCID wuxuu aaminsanyahay in arrinta qadiyadda koonfurta iyo waqooyiga Sudan iyo qadiyadda Somaliland aanay ahayn laba lays barbar dhigikaro sababtoo ah in markii dagaalkii Sudan 20 Sanno socday dad hal milyan lagu qiyaasayna ku dhinteen in aduunku xal u arkay laguna dhex-dhexaadiyay in afti la qaado dagaalkana la joojiyo hase ahaatee dagaalkii Somaliland ay la gashay soomalia ee 10 sanno socday ay ku jabisay ciidamadii soomalia ee siyaad barre maantana Somalia awood kuma leh arrimaha Somaliland oo inagu khasbaya in aynu gacmaha hoos dhigano, maadaama aynu ahayn laba dal oo isku biiray dibna u kala noqday.

Hadaba qadiyadda iyo ictiraafka Somaliland ma yaalo Soomalia ee aduunka kale ayuu yaala waxaanay ku xidhantahay dadaalkeena. taas oo aanu u aragna arrimahan dhawaan soo ifbaxaya in ay tahay fidmo laguna wiiqayo qarannimadeena iyo gooni isku taageena islamarkaana ay tahay arrin aan maanta taagnayn.

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya in ay ka waantoobaan arrimaha dhabar jabka ku keenaya qadiyaddeena iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, waxaanuna leenahay waa in aad gudataan xilkii laydiin igmaday”