Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2573 |
January 28, 2010 Safar 24,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Shirkaddii Saracen Oo Shaqadii Tababarida Ciidamada Somalia Laga Joojiyey Muqdisho, January 28, 2011 (Haatuf)- Dowlada ku meel gaadhka Somalia ayaa shaqadii ka jooojisay shirkadii xaga tobabarada u qaabilsanyad Sarecen Internationa. Kulan shalay ay yeesheen golaha Wasiirada dowlada dawlada Sheekh Shariif, ayay go’aan ay ka soo saareen in shaqadii ay gabi haanba ka joojiyeen shirkada Somalia u joogtay xaga tobabarada Ciidanka ee la yidhaahdo Sarecen International. Kulankaan ayaa lagu qiimeeyay wax qabadka ay dawlada ku meel gaadhka Somalia kawada shaqeeyeen shirkadan, ka dib ay ka soo saareen in ay shaqadii ay ka joojisay Saracen Wararka laga helay kulankii ay shalay wada yeesheen Rayasalwasaare Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ay ka soo saareen in shaqadii ay ka joojiyeen shirkada xaga tobabarda ciidanka u joogtay Somalia ee Saracen. Raysalwasaare Farmaajo oo Dib dalka ugu soo laabtay ayaa kulankiisi ugu horeeyay ka soo saaray in shaqo ka fadhiisin ay ku sameeyeen ama ay ka dalka ka saareen shirkadii xaga tobabarada u joogtay Somalia ee Sarecen International. |