|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2582 |
February 08, 2011 Rabiil Al-Awal 05,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Iilkiyo Xabaalaha Sheeko Jacalyku Biyo Dhigay (Qalinkii Abwaan Cali Axmed Raabbi – Seenyo) Q19aad. Aadmigana waxaa uu ku talogalo waxaa ka wayn ta alle balse waan dedaalayaa Nabadgelyo ayuu yidhi Dayr oo markaas wax laga xayuubiyey aadna ugu faraxsan kulamadu uu la yeeshay degmo, isa markaana qaba rajo ah in uu mardhaw la kulmi doono, waxaanu kadaba tuurey degmooy, waxa layidhi dhicisku inta birta loo soo siduu bakhtiyaa Markii Degmo ay gurigii oo laga raagsaday tagtay, ayaa waxay ugu tagtay dhawr hablood oo gurigoodii jooga oo markaas intay kebdo geed weyn oo guriga hortiisa ah dhigteen, markiiba degmo hooyadeed iyo reerka u sheegey in ay aroos leeyihiin oo degmo doonayaan in ay la samayso kebdahan, waxay markiiba Degmo garatay laba hablood oo ay aabeheed ilmo abti yihiin oo ka mid ah hablaha kebdaha samaynaya, hablahan walaalo yihiin ninkii degmo aabeheed la doonaayey waxaa markiiba degmo isbedelay dareenkeedii farxada lahaa ee ay kaga timi Dayr, way madoobaatay, waxaana u muuqday kafanteedii oo diyaar ah, waxay milicsatay xabaasheedii oo afka soo kala haysa, waxay dhugatay mustaqbalkeedii oo soo madow, waxay gocatay balantii ay kaga timi Dayr, waxaa ku soo noqday werwerkii ay ka qabtay tollow Dayr mar kale ma arkaysaa, waxay nafteedii bilowday in ay isku hiiftoo, doqoni calaf malaha maantaad aragtay Dayr oo markaas aad hadana si fudu uga timi, waxay xusuusanaysaa diifta iyo dhibaatadii ku shaacnayd, waxaa dhamac ku shidaya qosolka iyo farxada ka muuqata qoyskooda reer Is argoof oo durba hablihii ka dhigaya ama ula dhaqmaya qaab reer xidid ah oo aad isugu hanweyn. Degmo waxay dacal ka fadhiisatay raradii la samaynayey, markaas ayey si niyad xun u salaantay gabdhihii, gabdhihii oo yar saluugay salaanta degmo ayaa yidhi eedo miyaad xanuunsanaysaa, degmo oo markaas isdiidsiinaysa in ay hadal badan furaan ayaa tidhi eedo madaxaa iyara wareeraya ee waan ladnahay, waanan idinla shaqaynayaa. Degmo dareentay in fad tacluuseedku iyada ku hoorey, hadana iyada oo doonaysa in ay xuuraanto ayey tidhi eedo ayaa reerkeena ka aroosanaya, dumarkan oo qaar balansan oo loo sheegey in aanay degmo u gedbixin ayaa hadalkii kaga baxay eedo waad iska ogaan. Degmo hoos ayay isu tidhi war la qabaa xiiso maleh, balse anigaan talo lahayn, ee hadaba halkan maan soo gaadheen. Dulmar oo iyadu inaadeerteed ah maanta loo qorsheeyey in ay raacdo adhiga reer isargoof aragtayna in degmo ay arintan aad uga xun tahay ayaa intay dhaqaaqday tidhi Degmooy anigu adhigii baan ka dabategayaaye nabadgelyo tusan ayaa loogu jawaabay, waxaanay degmo ka dabatuurtay Dulmareey dhinaca adhigu maanta un dareeray adeentidaa ku badane illaali. Dayr waxaa uu markiiba galey falanqayntii iyo xusuusihii ku waynaa naftiisa, waxaa uu hadda xor u yahay dareenkiisa, waxaa uu ogaadey in Degmo inkasta oo aanay afka kaga dhaawaaqin in gantaalaha jacaylku gaadheen nafteeda, hadana soomaalidu waxay tidhaahdaa war dhafoor buu ku yaalaa, waxaa dayr u caddaatay in degmo aanay arinteeda labalabayni ku jirin ee ay tahay gabadh uu dareenkeeda biya dhigay jacaylku, balse hayaan dhaqankii iyo xadhkii inannimo. Lasoco…….. |