Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2584 |
February 10, 2011 Rabiil Al-Awal 07,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Daafaha Dunida: Wax Ka Baro Dalka JahmhuuriyadaIslaamiga Ah Ee Mauritania Dalka jamhuuriyda Islaamiga ah ee Mauritania. Dalka mouritania waxa uu ku yaalaa dhinaca galbeed ee qaarada madow ee Africa. Sidoo kale dalka Mauritania waxa uu xuduudo la wadaagaa dalalka Algeria, Saxaraha Galbeed, (Western Sahara) Senegal iyo Mali. Caasimada dalka Mauritania waxa la yidhaa Nouakchott waxana ay ku taalaad dhinaca xeebta bada Atalaniga. Badiba waqooyiga dalka Mouritania waa Saxare magaalooyinkuna waxa ay u badanyihiin dhinaca koonfur galbeed. Bedka dalka Mauritania waxa lagu qiyaasaa 397,955.49 (mayl laba jibaraan) una dhiganta 1,030,700.00, oo (kiiloo mitir laba jibaraan) qiyaas ahaan dalka Mauritania waxa uu leegyahay sadexlaab baaxada gobolka (New Mexico) ee dalka maraykanka. Dadka ku dhashay dalka Mauritania waxa lagu sheegay tirakoobkii lasameeyay sanadkii tagay ee 2010kii 3-miyan iyo laba boqol oo ruux. Qiyaasta sanadka 2050 ee dadka reer Mauritania waxa la saadaaliyay in ay kor u dhaafi karaan 8-milyan iyo badha. Luuqadaha lagaga hadlo dalka Mauritania waxa ugu horeysa luuqada Carabiga waana luuqada 1aad ee lagaga dalka jamhuuriyada Islaamiga ah ee Mauritania. Luuqadaha kale ee lagaga hadlo dalka waxa kamid ah Pular, Soninke, Wolof iyo luuqada faransiiska oo si wayn loogaga hadlo dalka. Dadka aqootna leh ee u dhashay dalka Mauritania ayaa waxa lagu qiyaasay in ay gaadhaan boqolkiiba 46.7%, tirakoob la qaaday sanadkii 1998kii laakiin waxa laga yaabaa in ay dadka aqoonta leh ee reer Mauritania ay hada inta kabateen. Dalka Mauritania sida laga dhadhansanayo magaciisa dadka kunool dhamaantood waxa ay haystaan diinta Islaamka oo 100% waa wada Muslimiin. Ceceliska ragga reer Mauritania waxa da’dooda lagu qiyaasa 49sanio halka dumarkana lagaga qiyaaso 53sano. Qaabka ay ku shaqayso dowlada dalka Mauritania waa nidaamka caanka ah ee jamhuuriga (Government Type republic) Lacagta laga qaato dalka Mauritania waxa la yidhaa ouguiya (UM) In tabadan warshada dalka Mauritania waxa ay farsameeyaan oo ay ka hawl galaan diyaarinta kaluunka, madanaysiga sida ironka iyo gypsum Beeraha dalkana waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin Timirta, Hadhuudhka, Bariiska, Galayda, iyo Heeda. Sidoo kale waxa ay dhaqdaan dadka reer Mauritania xoolo ay kamid yihiin Lo’da iyo Adhigu. Dhulka qodashada loo isticmaalo ee dalka Mauritania ayaa lagu qiyaasa wax ka yar boqolkiia 1%. Khayraadka dalkana waxa kamid ah macdano ay kamid yihiin Dahabka, Dhaymanta, Kaluunka, iron ore, gypsum, copper iyo phosphate. |