Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2587

February 14, 2011                                                               Rabiil Al-Awal 11,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Agaasimaha Duulista Oo Iskaga Leexiyey Wasaarada Daakhiliga Shaambadaha Galida Iyo Bixida Ee Madaarka Cigal Intarnational Airport

Hargeysa, February 14, 2011 (Haatuf) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka cirka Maxamed Faarax Xirsi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegaya in magaca laga badalay madaarka Igal International Airport, kaas oo dhinaca kalena iska fogeeyey inay iyagu shaqo ku leeyihiin arimahaas, waxaanu tilmaamay in hawlaha Intery-ga iyo Exit-ka shaambadahooda ay maamulaan oo ay gacanta ku hayso wasaarada arimaha guduhu, taas oo xafiis ku leh madaarka.

Agaasimuhu waxa kale oo iftiimiyey in aanu wax cadayn ah u haynin bassaborka lagu soo sawiray wargeyska madaxa banaan ee Waaheen, kaas oo sheegay inaanay cadayn karayn in uu hada yahay iyo inuu wakhtigii madaxwayne Cigaal lagu dhuftay shaanbadaas.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil Xasan ayaa isaguna ka hadlay arintaas, waxaanu waaniyey saxaafada Somaliland oo uu kula taliyey inay ka waantoobaan wararka naxliga abuuri kara, isla markaana dalka dhib u keeni kara.

Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Maxamed Faarax Xirsi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil Xasan waxa ay sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay wada jir ugu qabteen xafiiska agaasimaha duulista iyo hawada, ugu horayna agaasimaha wasaarada duulista, hawada iyo gaadiidka cirka Maxamed Faarax, isaga oo ka hadlaya arintaas waxa uu yidhi "Warka wargayska Waaheen ku soo baxay ee sheegayay in madaarka Hargaysa ee Igal International Airport laga bedelay magacii, wax aanu ka badalnay anagu aanu ognahay ma jirto maamul ahaan.  Madaarkana magaciisii ahaa Igal International Airport ayaa la yidhaa, Anaguna warkaas waxaanu ku aragnay uun Wargayska, waxaananu aragnay shaambad ka hadlaysa Exit-ka iyo Entery-ga lagu soo galo oo la leeyahay, shaambadahana anagu shaqo kuma lihin ee waxa jira xafiis Imigeration-ku leeyahay oo nala shaqeeya, isla markaana xafiis ku leh madaarka Igal International Airport, kana tirsan wasaarada arimaha gudaha, wargeyska qorayna waxa qurux badnaan lahayn inta uu anaga na eedaynayo in uu wasaaradd ayaa waxan ku shaqo lehe in uu iyaga waydiiyo waxa warkaas ka jira, hore-na way iigu yimaadeen qaar saxaafada ka mid ah waxaanan ku idhi la xidhiidha wasaaradda arimaha gudaha ayaa shaqo ku lehe".

“Aniga laftigaygu jaraa’idka waan ku arkay Bassabor lagu soo sawiray oo ay ku taalo madaarka Hargeysa, ma garan karo baassaborkaasi xataa inuu yahay xiligii Ina Cigaal, Bayj ayaa la soo sawiray, markaa ma garan karo inuu wakhtigaas madaxwayne Cigaal noolaa la soo sawiray iyo inay imika tahay, anagu ma cadayn karno shaqo ahaana waxa ku shaqo leh wasaarada arimaha gudaha”.

Waxa agaasimuhu intaa ku daray isaga oo arimahas ka hadlaya "Waa laga qurux badan yahay in dadka dhintay xabaalaha laga soo toosiyo. Magaca Marxuum Cigaal ee Madaarka loo bixiyayna waa magac sharci ah oo Baarlamaanku ansixiyay, markaa saxaafad ahaan waa in aad ka fiirsataan markaad wax qoraysaan".

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil Xasan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanu qaranku u baahnayn in la soo faqo wax tegay "Waxaa wargeyska ku qornaa Wasiirka iyo Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal ayay wax ka dhexeeyeen oo sidaa ayuu wasiirku uga saarayaa, waxaan leeyahay saxaafadda waa inaad ka waantowdaan hadallada naxliga abuuraya, qarankuna uma baahna dibin-daabyo iyo wax tegay in la soo faqo, waxaynu u baahanay horumar iyo wax-wada-qabsi".