Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2589

February 16, 2011                                                               Rabiil Al-Awal 13,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Iilkiyo Xabaalaha

Sheeko Jacalyku Biyo Dhigay  (Qalinkii Abwaan Cali Axmed Raabbi – Seenyo) Q26aad

Markii ay degmo iyo gabadhii soo gaadheen geedkii ay habluhu ku samaynayeen rarada ayaa gabdhuhu waxay ka sheekaynayeen ninkii degmo lala doonaayey ee lahaa rarada la samaynayo, waxaanay si aad ah ugu dheeraadeeen faalooyinkiisa iyaga oo ay ugu badnayn waxyaabaha ay ka hadlayeen hayntiisu, waxay ku tilmaamayeen nin mood iyo maalba lagu mashaqeeyey, waxaa hadaladoodii ka mid ahaa gabadh nasiib leh baa loo hayaa ninkaas oo xilo u noqota, halka degmana ay wedkeedii oo loogu bushaaraynayo kaga adkaa hadalka hablahaasi, waxaana ka mid ahaa bal in degmo ay sheekada wax ku darsato, sababaha sheekada loogu celcelinaayey, balse degmo ereyada ku saabsan ninkaas iyo rarada ay wax ka samaynayso ayaa intuba lahaayeen dhimbiilo dab ah oo maskaxdeeda qabsanaya, waxaanay hor joogtay afkeeda iyada hoosta lahayd illaahayow afkayga laga maqlimaayee aanay ooftyada ka boodin, inkasta oo degmo ay aad uga digtoonayd in aan dareenkeed ficil ahaan iyo hadal ahaan midna lagu garan hadana waxaa muuqday in aanay degmo ku faraxsanayn wad wadida sheekada.

Markii ay hablihii arkeen in aanay degmo ka hoos qaadin sheekadan, ayaa waxa bilaabmay in dumarkii indhaha ka wada hadlaan, waxaanay iyaga oo aan qofna hadalka soo bxin ku heshiiyeen in ay degmo waydiiyaan waxa ku dhacay beryahan.

Intaa kadib waxay gabdhihii ku boobay degmo hadalo nafteedu aanay jeclaysan oo ay ka mid ahaayeen Degmooy beryahan waxaad u muuqataa qof madluun ah ee maxaa kugu dhacey, Degmo oo isdiidsiinaysa xaqiiqada ayaa intay dhoolacadayn isku khasabtay tidhi, waxba iguma dhicin ee sidaydii uun baan ahay balse maanta madaxaa iyara wareeraya sidaan horeba idiinku sheegey.

Gabadh kale oo ka mid ahayd gabdhaha ayaa tidhi naa dumarku faduul badanaa, maxaa ka rabtaan gabadha, waxaanay mar qudha ugu jawaabeen, waxba kama rabno, balse waxaa maqan nashaadaadkii iyo firfircoonaantii iyo aftahannimadii Degmo ay caanka ku ahayd.

Gabadhka mid ah dumarka rarada samaynaya oo ay walaalo yihiin ninka lala doonaya Degmo, oo lagu magacaabo Diidan isla markaana ka mid ah dumarka ay u hawsha yartahay curinta iyo gondadegida xaajadu ayaa iyada oo sii iftiiminaysa in aanay degmo sidan ku saaloonayn tidhi Degmooy

Inkastay gu’aad tahayoo

Goodadka iyo dooxyada

Xareedii gimgiman tahay

Oo galaclayso maantii

Oo gibladiyo cayaaruhu

Goonyaha ka baxayaan

Ma godlanin ayaamahan

Gacalo maxaa dhacey

Markii hadalki ka soo dhamaadey Diidan afkeeda ayey si degdeg ah u qaadatay hadalkii Degmo, waxaanay gabdhihii hoos u yidhaahdeen weligeedba show in loo bilaabay sugaysay iyo Diidan baa farteeda taqaano oo waa taa godoshay.

Lasoco….