Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2614

March 17, 2011                                                                Rabiil Al-Thaani 12,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Aragtiyaha DadweynuhuKa Bixiyeen Ururo Siyaasadeed Oo La Furo Iyo Guddida Loo Saaray

“Saddexdaa Xisbi Way Inaga Badan Yihiin, Iska Daa Ururo La Furo’e Laba Ha Laga Dhigo” Axmed Yuusuf

“Sharci Odhanaya Saddexdan Uun Baa Jiraya Ma Jiro Ee Waa In La Fuliyaa Furista Ururada”C/laahi Axmed

Hargeysa, March 17, 2011 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo todobaadkan magacaabay guddi ka soo talo bixinta furitaanka ururo cusub oo Siyaasadeed oo dalka laga furo, kuwaas oo ka kooban 20 Xubnood oo laga soo kala xulay saddexda xisbi qaran, Xukuumadda, golayaasha Baarlamaanka, ururada Bulashada, Jaamacadaha, Xubno beelaha laga tirada badan yahay iyo Xubno kale ayaa waxay dadweynaha reer Somaliland si weyn u falanqaynayaan mawduuca ururada Siyaasada ee Wakhtigan xaadirka ah doodiisu taagan tahay, kaas oo Bulshadu ay dareemo kala duwan ka bixinayaan in loo baahan yahay in la furo ururada Siyaasada, kuwaas oo qaar ka mid ah dadweynuhu ay qabaan aragti ahaan in la furo ururo Siyaasadeed, iyagoo doodahooda gun dhig uga dhigaya balan qaadkii xisbiga Kulmiye xiligii uu ku jiray ololihii doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-kii ay balan qaadeen inay furi doonaan ururada Siyaasada haddii ay talada dalka ku guulaystaan, halka ay dhinaca kalena jiraan dadweyne qaba aragti taas ka duwan oo ay ku doodayaan in ururo la furaa ay dalka galin karaan qalalaase Siyaasadeed iyo in beel kastaa urur iskii u samaysto, taas darteedna ay qabaan in Wakhtigan xaadirka Somaliland dani ugu jirin ururo la furo.

Arintan oo todobaadkii u dambeeyay ay goobaha Caasimada ee dadweynaha fadhi ku dirirka ahi iskugu yimaadaan iyo meelaha kale ee lagu kulmo lagag doodayay mawduucaasi, Barmaamijka Shalay iyo Maanta oo qaar ka mid ah goobaha fadhi ku dirirka dadka iskugu yimaadaa aragtiyahooda wax ka weydiinay.

Ibraahim Maxamed Ibraahim oo ka hadlaya arinkaa, waxa uu yidhi “Waa loo baahan yahay in ururada la furo oo doorashada dawladaha Hoose lagu galo, macquul-na maaha in saddex xisbi oo kaliya ay dalka ka jiraan”.

Axmed Xasan Cali (Cawl) ayaa isna yidhi “Anigu waxaan qabaa haddii ururo la furo in dhibaato weyn oo aan laga soo waaqsanin ay dalka galin doonto, isla markaana la isku dili doono, marka la yidhaahdo urur hablaayo wuu dhacay, waayo cida ku qancaysaa dhaliilo Axsaabtu leedahay wey jiraan, laakiin waxa loo baahan yahay in saddexda xisbi gudahooda la hagaajiyo”.

Dhinaca kale Malyuun Cabdi oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa oo ka hadlaysa aragtideeda sida ay u aragto furista ururada siyaasada, waxay tidhi “Aragtidayda waxay ila tahay in ururo aan la furin ee ururada wixii hore aan wax ka dheefsano, oo ururo haddii la furaayo kuwii hore ayaanu maanta dheefteedii haynaa, wadanka difaaciisii iyo qaranimadii ha lagu dadaalo ilaalintiisa”

C/llaahi Axmed Aw Muxumed oo isaguna ka hadlaya fikirkiisa ku aadan sida uu u arko furista ururada, waxa u yidhi “Furista ururada siyaasada waa mid uu jideeyay dastuurka qaranka iyo xeerarkiisu sidii doorashooyinkii u horeeyay ee golayaasha deegaanka loo qabtay ee muddo dhaafay xilligii doorashada loo qaban lahaa markaa sharciga odhanaya saddexdan uun baa jiraya ma jiro ee waa in la fuliyaa furista ururada, taasna waxaan u arkaa mid dalku horumar ku gaadhayo.”    

Axmed Cali Garas (Maqaloocshe) oo isaguna ka hadlaya aragtidiisa ku wajahan furista ururada Siyaasada sida uu u arko, waxa uu yidhi “Maanta may ahayn in aynu isweydiino ma urur baynu furnaa mise ururo ayaynu xidhnaa, waxa weeye dalku shuruuc buu leeyahay, shuruucdaas iyo xeerar raacsan-ba wuu leeyahay, waxay ahayd dee in qawaaniin guddi loo saaro maaha, in nimankii ururada laga samaysan lahaa guddi loo saaro-na maaha, qodobkan sheegaya ururadu inay furnaadaan xilligii hore ee ina Cigaal wuu samaysnaa, in shantii sanadoodba mar la magacaabo ururada dib loo sameeyo, qodobkaa golahaa diiday oo kuwan imika doon-doonayaa diiday, oo waa tii la ogaa hal cod ayay ku waayeen maantana waxay ku meeraysanayaan in dib loo furo”

Ma Qaloocshe waxa uu sheegay in duruufo adag ay dalka ka jiraan, islamarkaana aan hada loo baahnayn furista ururada siyaasada, waxanu yidhi “Waar waxani ururo furis maahee, horta in la furo waan ogolahay laakiin duruuftu xeerka way ka weyn tahay, dalkii dagaal baa ku socda, maanta Madaxtooyadii waxa la wadaa uun ururo hala furo iyo la furi maayo iyo malaayacni uun baa dadka loo sheegayaa markaa ururo in laga hadlo maaha ee waa in difaaca dalka waa laga hadlaa, haddii kale nina urur ka furan maayo, nina ku qayili maayo nin qurbaha ka yimidna dadkan ku ciyaari mayo”

Sidoo kale Axmed Yuusuf oo isaguna ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Hargeysa oo arrintaa sida uu u arko ka hadlaya waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Saddexdaa xisbi way inaga badan yihiin, iska daa ururo la furo’e laba ha laga dhigo ayaan odhan lahaa looma baahna saddex xisbi”.

Guuleed Kayse Axmed oo isaguna ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa oo aragtidiisa ka hadlaya furista ururada Siyaasada, waxa uu yidhi “Aniga waxay ila tahay madaxweyne Siillaanyo waxba yuu guddi aqlabiyadooda la ogyahay waxay soo saari doonaana waxba yaanu ku meeraysane ha u badheedho ee go’aankiisii ururada Siyaasada, waxaanad hurayn horaa loo yeelaa oo labac-labaca iska dayaa ayaan leeyahay”.

Cabdi Axmed Yuusuf oo isaguna ka mid ah Odayaasha reer Hargeysa oo arinkaa ka hadlaya, waxa uu yidhi “Anigu waxaan u arkaa ururada cusub oo la furo inay keeni doonto in Raas-Raas beel iska daaya loo kala qaybsamo, sidaa darteed waxaan leeyahay karis xun iyana ku waxba la”.

Rashiid Qalinle Cismaan isna, waxa uu yidhi “Anigu waxaan leeyahay madaxweyne Siillaanyo isagaa madaxweynihii Somaliland ah go’aan cad ha qaato oo laba buglaynta ha iska daayo, waan furay ururadii iyo ma furayo ayaa looga fadhiyaa, guddida-na waa war la qabaa xiiso ma leh”.