Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2614 |
March 17, 2011 Rabiil Al-Thaani 12,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Qisaskii Asxaabada Rasuulka (Scw) Taariikhda Asxaabiga (Xudayfa Binu Al-Yamaan) Q...3aad Kadib shahiidis tii Yamama oo ahaa Xudayfa Aabihii waxa ay Arrintaasi Xudeyfa Nebiga (scw) agtiisa uga kordhisay sharaf iyo martabad weyn. Markii uu Rasuulka (scw) uu si dhab ah ugu fiirsaday moolka iyo ka gungaadhida kartida Xudeyfa ayaa waxa uga soo baxday saddex astaamood oo waaweyn, waxana ka mid ah: Caqli qoto dheer oo Rasuulka ku gacan siiya xal-u-helidda wixii adkaado. Fahmo wadata dhego-nuglaan, taas oo aqbalid badan marka loo yeedho. Sirta oo uu qariyo, oo qof agtiisa wax ka qaadi kara ayna jirin. Siyaasadda Nebiga (scw) ayaa waxa ka mid ahayd, in kasta oo ka mid ah asxaabta uu ku aaddiyo meesha uu ku habboon yahay, iyadoo qof kasta meesha uu ku munaasibka yahay lala eeganayo. Dhibaatadii ugu waynayd ee soo waajahda Muslimiintii deggenayd magaalada Madiina, ayaa waxay ahayd munaafiqiintiii dhagarta badnayd iyo Yahuuddii degganayd magaalada Madiina iyo xulufaddoodii oo isu bahaystay sidii ay u dhagri lahaayeen Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa. Markay arrintu halkaa mareyso, ayaa wuxu Rasuulka (scw) ku sir qarsaday Xudeyfa, isagoo u sheegay tirada magacyada munaafiqiinta. Sirtaa iyada ahna,Rasuulka (scw) muu tusin cid aan ahayn Xudeyfa, wuxuna ballan kula galay in uu kor ahaan kala socdo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan munaafiqiinta iyo in uu ka hortago khatarta ay la iman karaan kuwaas munaafiqiinta ahi. Maalintaas wixii ka danbeeyay, waxa Xudeyfa loogu yeedhi jiray magacan: "saxaabigii ogaa sirta Nebiga (scw)". Marar badan ayaa waxa dhacday in uu Rasuulka (scw) kaalmaystay khibradda iyo kartida Xudeyfa, xilligaas iyada ahna aad loogu baahnaa maskax iyo xeelad dagaal, taas oo ay ku dheehan tahay aqoon iyo caqli hufan, sida tusaale ahaan dagaalkii Khandaq, halkaas oo lagu go’doomiyay muslimiinta iyagoo ay hareereeyeen dhammaan cadowyadii Islaamka. Dhinaca kale, gaaladii qureysh laf-ahaantoodu may ahayn kuwo ka xaalad wanaagsan muslimiinta, maxaa yeelay wuxuu Ilaah ku shubay caradiisa, taas oo tabardarraysay awooddoodii, wiiqdayna go’aankoodii. Wuxu Ilaah ku soo diray dabeyl xoog leh, dabeyshaas oo geddisay teendhooyinkii ay ku jireen iyo digsiyadii ay wax ku karsanayeen. Sidaa darteed wuxuu Rasuulka (scw) u baahday kartida iyo khibradaha Xudeyfa, isagoo go’aan ku gaadhay in uu u diro halka ay joogaan badhtamaha halka ay joogaan ciidanka gaalada, weliba isagoo ku gabanaya mugdiga habeenkiisa, waana ka hor intuuna Rasuulka qaadan wax go’aan ah. Haddaba, aan sheekada u dhaafno Xudeyfa si uu nooga waramo safarkii geerida qarka u saarnaa, wuxuna Xudeyfa yidhi: Waxan habeenkaas ahayn kuwo saf-saf u fadhiya, Abuu Safwaan iyo ciidankii la socday ee Qureysh ahayd waxay taagnaayeen halka naga sareeya. Yahuudii reer Banii Qureydana waxay fadhiyeen halka naga hooseeya, markaa iyada ahna waxaan ka cabsanaynay inay dhibaato ku timaaddo haweenkayaga iyo caruurtayada. Ma jirin habeen ka gudcur iyo dabeyl badnaa habeenkaas, dhawaaqa ay wadatay dabeesha waxaa la moodayay sida biriq oo kale, mugdiga habeenkaas jiray darteed wuxuu sababay inuusan midkeen awoodi karin inuu arko fartiisa. |