|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2435 |
August 20,2010 Ramadan 10,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ogaysiis iyo Warbixin Wargayska Haatuf waxa uu akhristayashiisa sharafta leh ogaysiinayaa in uu 18 August 2010 shaqadii ka eryay Mr.Maxamed Cismaan Dubbe oo indhawaydba ka mid ahaa hawlwadeenada wargayska ka dib markii uu ka soo bixi kari waayay hawlihii wariyanimada ee uu u xil-saarnaa iyo waajibaadkii ay mihnadda saxaafadu lahayd oo uu gabay awgeed. Waxa kale oo aanu halkan ka cadaynaynaa in aanay waxba ka jirin eedaha uu ku faafiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka (Websites) sida Hadhwanaag news oo uu u soo jeediyay Gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ,eedaymahaas oo uu ra'yal caamka ku khaldayay ugana dhigayay inay yihiin asbaabihii uu u cuskaday inuu Haatuf ka tago balse runtu ay tahay in markii uu wargaysku ka maarmay shaqadii uu u hayay Mr.Dubbe ay dad ay isticmaaleen si uu wargayska u ceebeeyo. Inkasta oo uu Haatuf yahay wargayska ugu shacbiyada badan marka laga qiyaas qaato iibka wargaysyada ee dalka gudihiisa, hadana waxaa uu yeeshay dad u cadaw ah oo halgan ugu jira sidii loo baabiin lahaa sumcada iyo karaamada wargayskani huwan yahay, arintaas oo ay wadaan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Siyaasiyiin, Ganacsato, Qabqablayaal Qabiil iyo iwm, balse ay adraaftaasi ka midaysan yihiin colaad ay Haatuf u qaadeen ka dib markii uu wargaysku soo bandhigay waxyaabo aanay iyagu jeclaysan ama uu wax ka taataabtay dano gaar ah oo ay leeyihiin. Hadaba anaga wargays ahaan maka dalka gudihiisa laga eego,warwar badani nagama hayo dibin-daabooyinka aanu ku soo xusnay ee ay wadaan dadka ka xun horumarka wargayska Haatuf iyo kaalinta uu kaga jiro inuu dadka uu si madaxbanaani leh ugu soo gudbiyo warar lagu kalsoonyahay. Hawsha ugu wayn ee aan hada ku gudo jirnaana waxa weeyaan sidiii aanu nuqulada wargayska aanu u kordhin lahayn ee aanu u wada gaadhsiin akhristayashada todobaad walba soo kordhaya. Sidaas darteed waxaanu dadka reer Somaliland ee dibada ku nool ka codsanaynaa inay fahmaan ujeedooyinka laga leeyahay xajiimaynta lala daba taagan yahay wargayskan iyo in hagar-daamo kasta oo lagu dayaa aanay noqon doonin mid wax u dhimi karta Haatuf iyo habdhaqankeedii ahaa xaqiiqada jirta oo dadka loo soo bandhigo iyadoon cidna looga habranayn. Maamulka Wargayska Haatuf |