Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2444

August 31,2010                                                                              Ramadan 21,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Masaajidka Al-Huda Ee Ku Yaala Hargeysa Oo Lagaga Dhawaaqay In La Taageero Al-Shabaab

Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) – Masaajidka Magaciisa la yidhaahdo Al-Huda ee ku yaala mid ka xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa habeen hore lagaga dhawaaqay in la taageero ururka Al-shabaab ee dagaalka qadhaadh kula jira dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif ee Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee Afrikaanka ah.

Sida ay dad Masaajidka ku tukanayey Salaaddii Taraawiixdu Ay Haatuf u sheegeen,  markii la tukaday 4 Ragcadood ayaa waxa dhacday inuu Masaajidka ka dhex kacay nin ka mid ah dadkii halkaasi ku tukanayey, ninkaas oo dadka u sheegay inay waajib ku tahay inay taageeraan Jihaadka uu ku jiro ururka Al-shabaab, iyadoo uu xiligaas ay Masaajidka ku sugnaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ah ninka Masaajidka dhisay.

Hasa yeeshee labadaa Sheekh iyo culimo kaleba ay xiligaas Masaajidka ku sugnaa, hadana wax jawaab ah kamay bixin dhawaaqii ninkaasi ku baaqay in la taageero Ururka Al-shabaab.