|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2447 |
September 03, 2010 Ramadan 24,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Sh. C/laahi Cali Jowhar Oo Ka Cudur Daartay Mansabka Diiwaanka Sakada Oo Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Boorama, September 3, 2010 (Haatuf – Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jowhar ayaa ka cudur daartay xilkii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay dhawaan inuu noqdo guddoomiyaha guddida Diiwaanka Sakada. Sheekh C/laahi Cali Jowhar waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayey qaar ka mid ah saxaafada madaxa banaan qaarkood. Sheekh C/laahi Sheekh Cali wuxuu intaas raaciyay inuu qoraal u diray Madaxweynaha, isla markaana nuqul ogaysiin ah oo uu u diray madaweyne ku xigeenka oo uu uga mahadcelinayo xilka loo magacaabay isaga oo aan ka codsan. balse uu u sheegay in aanu diyaar u ahayn in uu xilkaas qabto cudur daarna ka bixinayo arintaas, taas oo uu sheegay Sheekh C/laahi inuu horaba uga tegay golaha guurtida si uu hawlihiisa ugu madax banaanaado. Sheekh C/laahi wuxuu intaas ku daray in uu Madaxweyne Siilaanyo ka aqbali doono cudur daarkaas ku saabsan xilka uu u magaacabay, isla markaana aanay ka ahayn saluug iyo arimo kale ee hawshaa aanu wakhti u hayn. Si kastaba ha ahaatee Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jowhar ayaa ah masuulkii ugu horeeyay ee ilaa iyo hadda ka cudurdaarta xilka ay u magacawday dawlada cusub, dad badan ayaa u arka in Arintani weji gabax ku keeni doonto xukuumada Axmed Siilaanyo oo hore looga saluugsanaa saamiga ay siisay Gobolka Awdal. |