|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2447 |
September 03, 2010 Ramadan 24,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Waxaan Jeclahay In Aan Idiin Sheego In Aynu Xooga Saarno Sida Aynu U Difaaci Lahayn Qarankeenan Cadawga Badan Leh” Hargeysa, September 3, 2010 (Haatuf) – Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegey taliyihii hore ee ciidanka booliska Maxamed Saqadhi Dubad, waxaana xaflad aad u u heersaraysa loogu qabtey hoolka Ciidanka booliska ee ku yaala taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland. Waxa halkaas ugu horayn ka hadlay Taliyihii hore ee ciidanka booliska Maxamed Saqadhi Dubad oo ka xog waramay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray ciidanku mudadii uu xilkaas hayey, waxaanu sheegay in wax waynu u qabsoomeen booliska waxyaabo badana ay hada ku talo jireen. Waxaanu Saqadhi ka ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilkan hayay, waxaanu dhamaanba ciidamada kala duwan ee booliska ku bogaadiyay sidii fiicnayd ee ay ula soo shaqeeyeen isaga oo kula dardaarmay in ay halkaas ka sii wadaan oo ay sidii iyo si ka wanaagsanba ula shaqeeyaan taliyaha cusub Waxa kale oo isaguna madasha ka hadlay oo hadalo mahad celin ah ka soo jeediyey, wasiir ku xigeenk arimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, waxaana taliyaha cusub ee boolis Cilmi Kabaal kula dardaarmay in uu dedaalkiisa sii laban laabo isla markaana xooga saaro sidii uu amaanka dalka oo dhan gacanta ugu dhigi lahaa. Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo ugu danbeyn isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu dedaalkiisa isugu geyn doono sidii uu halka uu taliyihii ka horeeyay soo gaadhsiiyay sare uga sii qaadi lahaa. Waxaanu tilmaamay in ciidanka booliska aanay isku cusbayn balse muddo 11 sano ka hor ah ay isugu danbaysay, ugu horayna isagoo Taliyaha ciidanka booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ka hadlaya arintaas, waxa uu yidhi “Anigu hadal badan umaan kicin, waxaan jeclahay in aan idiin sheego in aynu xooga saarno sida aynu u difaaci lahayn qarankeen, kolay gaarna waynu u wada hadli oo waynu isku danbeyn, maanta aniga halkan iigumay horayn 11 sano in ka badan, laakiin intaas aan idinka maqnaaba magaalada waynu wada joogney , waxa aad ii soo jiidatey maanta oo aan aad ugu faraxsanahay ragii aan meesha kaga tagay ee aan dabeecadooda garanayey ee aan kartidooda shaqo garanayey ee aan adkeysigooda garanayey in aan maanta mar labaad halkan ugu yimaado, maanta daruufta kaliye ee aan dareemayo ee inagu soo koradhay waxa weeyi cadawga inagu soo jeeda iyo xadkeena oo aad u dheer, arinta qudha ee aan maanta idinku adkeynayaa waxa weeyi in aynu dhamaanteen shaqadeena wada libin laabno oo aynu dalkeena cadawga ka dhicino waana in aynu dareenkeena xagaa u wada jeedinaa” Taliyaha ciidanka booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) mar uu ka hadlayey aqoonta ka dhaxaysa isaga iyo taliyihii hore ee booliska Maxamed Saqadhi Dubad, waxa uu yidhi “Aniga iyo Maxamed Saqadhi maantu iskuguma kaaya horayso, isagoo laba Alifle ah ayaa aniga Madheera la iigu geeyey, numberkiisii wakhtigaasna waxa uu ahaa (217), Maxamed Saqadhi in badan ayaanu soo wada shaqaynay, qol ayaanu soo wada seexanay, waxaanan uga mahad celinayaa inta uu ciidanka booliska u soo qabtey mudadii uu taliyaha ahaa, waana nin arintaas khibradeeda leh, maanta wixii ka danbeeyana wixi aynu uga baahano waa mid waajibkiisa ah oo aynaan waydiinayn, waana inaga mid ee nin inaga tagay maaha” |