Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2447

September 03, 2010                                                                       Ramadan 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Wadahadalkii Nabadda Ee Israel Iyo Falastiin Oo Furmey

Washington, September 3, 2010 (W.Wararka) - Wada hadaladii nabadda ee sida tooska ah u dhexmaraaya hogaamiyaasha Falastin iyo Israel ayaa shalay ka bilowdey magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha xukuumadda Falastiiniyiinta Maxmuud Cabbaas iyo Raysalwasaaraha Israel Benyamin Natanyahu ayaa markii u horeysey wada hadal isku soo hor fadhiistey muddo ku dhaw laba sanadood.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa wada hadalka furtey waxayna ku amaantey labada hoggaamiye dedaalkooda dhanka nabada.

“…Talaabo muhim ah ayaad dhanka nabadda u qaadeen. Labadiinuba waxa aad fahmeysaan muhiimadda ay leedahay laba dawladood oo deris ah. Taasi waa wadada keliya ee ay nabad ku gaadhi karaan Israel iyo Falastiin. Waxaan aaminsahay in  labadiinan hogaamiye aad riyadii dhab ka dhigi kartaan….” ayey tidhi Hillary Clinton.

Raysalwasaaraha Israel Natanyahu ayaa sheegay in uu samaynaayo dheelitir ama tanaasulaad si loo gaaro nabad. Waxa  uu hadalkiisi ku muujiyey in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin dawlad u gaar ah , iyagana waxaa laga doonayaa in ay Israel u aqoonsadaan Dawlad Yuhuuddu leedahay!.

Maxamuud Cabbaas Madaxweynaha xukuumadda Falastiin ayaa dhankiisa ku xirey in Israel ay si toos ah u qaaddo xayiraada saaran marinka Qasa, isla markaana ay joojisaa dhismayaasha ay ka waddo dhulka ay xoogga ku qabsatey.

Sida laga soo xiganaayo masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka waxaa suurta gal ah in la helo nabad ka dhalata bariga dhexe muddo sanad gudaheed ah. Sidoo kale waxaa laga soo xiganayaa Maxmuud Cabbaas in nabaddu ay markaan macquul tahay sanad gudihiis.

Wadahadalka  furmey oo socon doono muddooyinkan ayaa lagu wadaa in ay fure u noqoto:

Qaxootiga Falastiiniyiinta ee ku maqan wadamada dersika ah

Qaybinta magaalada Quddus si ay labada dawladood caasimad ugu noqoto

Dhismayaasha sharci darada ah

In Falastiin ay Israel u aqoonsato Dawlad Yuhuuddu leedahay

Sidii Biyaha loo qaybsan lahaa

Xuduudaha

Amniga

Maxaabiista xiran

Awoodda ay yeelan doonto dawladda Falastiin sida in aysan ciidan milateri yeelan karin

iyo arimo kale.