Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2447

September 03, 2010                                                                       Ramadan 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Ururka SES Ee Deegaanka Ka Shaqeeya Oo Ka Digay In Somaliland Lama Degaan Noqoto

Boorama, September 3, 2010 (Haatuf) - Aqoonyahano ku xeeldheer arrimaha deegaanka, kana tirsan urur caalami ah oo la yidhaa Somaaliya/Somaaliland Ecological society, Ururkaas oo fadhigiisuna yahay dalka Ingiriidka ayaa ka dayriyey xaaladda deegaanka Soomaaliland ,isla markaana ku tilmaamay mid mustaqbalkiisu madow yahay hadii an degdeg loo dabaqabatayn daryeelkiisa taas oo ka Dhalatay jarista dhirta qoyan, dhuxulaysiga , ka ganacsiga iyo dhoofinta duurjoogta dalka .

Warkan digniinta ah oo ay soo saareen xubno ka tirsan Ururkaasi oo ku sugan dalka gudihiisa oo khubarada qaarna ka yimaadeen dalka debeddiisa , Khabiiradan deegaanka cilmiga u leh ee ururka SES ayaa waxay socdaal ku soo mareen degmooyin ka tirsan Somaliland, xubnahaasi oo uun hoggaaminayey Guddoomiyaha ama chairmaanka ururrkaasi Soomaaliya /somalailand ecological society , Prof.Maxamuud Cumar sheekh Ibraahim. kana mid ah qurbajoogga reer Soomaaliland ee dalka UK. Waxa iyaguna socdaalka ku wehelinayey khabiir sare Maxamed Cige Kille iyo Maxamed Nuurr Hufane. Hadaba Shir Jaraaid oo ay ku qabteen magaalada Boorama ka dib socdaallo ay ku tegeen degaanada Gabiley,Gacan libaax iyo Baki ayaa waxay sheegeen in meelaha qaar ay yididiilo dhinaca Ilaalinta deegaanka ahi ka muuqato , meelahaas oo ay ka hawlgaleen qaar ka mid ah ururada maxalliga ah sida Candle light ,halka meelaha qaarkoodna ay xaaladdu meel xun marayso, hadii aan wax laga qabana isku beddeli doono dhul lama degaan ah.

Prof.Maxamuud Cumar sheekh Guddoomiyaha ururka SSES ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa “,waxaan gudoomiye u ahayd ururka SES,ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka Soomaaliland iyo Sooomaaliyaba waana ururadii ugu horreeyey ee ka shaqeeya arrimahaasi guud ahaanba dalkii la odhan jiray Soomaaliya. Sannadihii sideetamaadkii ayaa la aasaasay wakhtigaas oo dhibaatooyinka dhinaca\deegaanka ahi soo baxayeen ,hase yeeshee ururkaasi ayaa burburay markii ay dhacday dawladii Siyaad bare ,Soomaaliland ayuuna haatan u soo wareegay ,aniga iyo khubaro ingriis ahiba waxan ilaa wakhtigii la aasaasay soomaaliland ka qabannay hawlo badan kaddib markii an hellay rag xidhiidh la lahaa ururkaasi oo reer Somalailand ah oo Cige ka mid yahay . Muddo bil ah ayaan hada dalka joognaa, intii an joognayna wax naga farxiya iyo wax naga nixiyaba waan aragnay .Tusale buurta gacan libaax waxan ku aragnay wax fiican iyo sida weli ay dalka uga iraan dad iyo ururro jecel wanaagga iyo quruxda dalkooda oo soo celiyey seerihii gacan libaax ,ugaadhii oo dib ugu soo laabatay iyo waxyaalo kale

oo lagu soo kordhiyey, waxase wax laga naxo ah sida xoola dhaqatadii iyo beeraleydiiba maanta dhuxushii uga dhigteen meherad lacageed ,lagana ganacsado ,wakhtiyadii hore dad gaar ah ayuun baa lagu ogaa ganacsiga dhuxusha waana arrin dhibaatadeeda leh una baahan in laga hortego”

Maxamed Cige Kille, kana amid ah aqoonyahanada reer soomaaliland ee dhinaca deegaanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi

“shaqadan waxan bilaabay waagii ingiriisku dalka haystay,waxayna lahayd nidaam ,meelo dhirta lagu dhaqo 9 nursery,seerayaal ,marna la xidho marna la furo ,ciidan u gaar ah ilaalinta dhirta waxa jiray ugaadhii ,waxaas oo dhammi way tafiir go’een oo waxa is bedelay deeegaankii .intii dagaaladu dhaceenna sharcigii ilaalinta deegaanka ayaa faraha ka baxay. Berbera markaan joogay shawlado ayaan shidan jirray ,ninka dhuxusha ka shaqaysanaya waxa la siin jiray liisan shuruudo ku xidhan, maantana waxa weeye maxaa kaa galay ,gadhka warsame xaad markaan joognay jidkii gaadiidka dhuxusha ayaan naga lumiyey jidkii an soconnay.sidaa darteed haddii la doonayo in wax uun laga qabto deegaanka halla isticmaalo shoolado gaas,dhuxuldhagax .Baki markii an gaadhnay ugu yaraan saddex gaadhi oo dhuxul ah ayaa na dhaaftay ,sannad hortii ma lahayn dhuxushaasi . dalkii abaarbaa ku soo socota haddii dhirta laga dhammeeyo, dawladda cusubina ha u samayso qorshe ku saabsan ilaalinta deegaanka seerayaashiina ha la soo celiyo.’

Dr.Maxamed Nor Hufane ,ahna aqoonyahan dhinaca deegaabnka ah oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yihi ‘arrintani waxay u baahan wacyigelin muddo dheer qaadata ,dadkuna ogaadaan waxa lagaga hadlayo qiimhiisa .waxa loo baahanayahay dhaqaale ,aqoon ,iyo xirfad lagaga hortego nabaadguurka ,xaalufka iyo ka ganacsiga ama dhoofinta ugaadha duurjoogta ah ee dalka bilicdiisa ah ,sida la sheegeyana rajo fiican baa duurjoogta laga sheegeyaa oo way soo laabatay ayaa la leeyahay, waxase loo baahanyahay awood intan ka badan in la geliyo annaguna waan ka shaqayn doonaa.”.