|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2447 |
September 03, 2010 Ramadan 24,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 24aad] Waana nolol madhan oo aan qiimo aniga ii lahayn. Sidaa daraadeed ayey khatartaa wayn oo aan hore ii soo marin tan iyo intii aan dhakhtarka ka soo baxay seddex sannadood ka hor ay imika i soo food saartay. Waxa igu waajib ah imika in aan raadsado shaqo faa'iido leh inta aanay labadayda waalid shaqada ka fadhiisan ee aan alaabta gurigana la iibin, si aanay qasab iigu noqon in aan ku noolaado sadaqadda uu bixiyo Ururka Daryeelka Bulshadu ama aanan gelin xabsi daa'im. Suurtagal ma aha in dib la ii hagaajiyo. Marna meel ku yeelan maayo bulshadan. La'aanta taageerada labadayda waalid, suurtagal iimaa aha in aan maalin qudha u noolaado si muwaadin xor ah. Waxa aan noloshan dhinsan ee duliga iyo dhibaatada leh ka door bidayaa dhimasho. Waxa aan si cad u qirayaa, haddii aanan islaamka soo galin in aan sannado horeba is dili lahaa. Ka dib markii aan mudo dheer ka baaqsaday oglaanshaha martiqaadkaaga naxariista leh. Ogolaanshaha imiku ma waxa uu noqon mid soo daahay? Walaahaadii Islaamka: MARYAN JAMIILA Laahoor, Maarso 31, 1962 Gacaliso Maryan Jamiila, Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu, Waa aad ku mahadsantahy waraaqdaadii taariikhdeedu ahayd Maarso 22dii, taas oo cabirtay warwarka qotada dheer ee aad ka warwarsantahay caafimaadkayga iyo nabadgalyadayda. Tanise laakiin waa arin dabiici ah oo ay keentay qaraabanimada ay kala dhexlaan muslimiinta dhabta ahi. Anigu mahadda Ilaahay dartiis waxa aan ku jiraa nabad iyo caafimaad wanaagsan. Waxa aan ku qanacsanahay in qofka Ilaahay talo saarta ee, daacadnimana ugu shaqeeyaa in uu ku raaxaysto raxmadda hanuunikiisa iyo ilaalintiisa. Sodonkii sannadood ee aynu soo dhaafnay, anigu marnaba kama warwarin badbaadada naftayda ama kama fikirin sidii aan tallaabooyin lagama maarmaan ah oo gaar ah u qaadi lahaa si aan u ilaaliyo naftayda. Waxa aan ku fikiray waxa uu ahaa "runta" oo aan ku dhawaaqay iyada oo aan madmadaw ku jirin. Waxa aanan waday ilaa halka uugu dambaysa aniga oo aan ka joogjoogsan. Kuwa aanay tani raali galin, tab walba way isku dayeen sidii ay dariiqooda iiga fogayn lahaayeen. Laakiin xadhko maleegistooda oo dhammi ma noqon qaar guulaysta. Runtiise waxa cadaatay in ay faa'iido u noqdeen hawshayda. Waxa aan rajaynayaa in dhawrista Ilaahay ay i ilaaliso aniga, kuwa cadaawaha ii ahna tii hore ugu dhacday ay mustaqbalkana ugu dhicidoonto. Aad baan u qadariyay dhibaatooyinka iyo mushkiladaha ku hayasta. Marna kuma rajo fiicnayn mustaqabalkaaga Maraykanka. Waa na taa sababta aan waraaqdaydii ugu horaysay ee aan kuu soo diray kugula taliyay in aad ka tagto Maraykan oo aad u qaxdid dal muslin ah sida Baakistaan oo aan kuu doorbiday. Waxa aan ka fikirayay haddii aad Baakistaan markiiba iman lahayd, waxa aan ku farxilahaa in aan hoy ku siiyo sidii ood tahay qof ka mid ah qoyskayga oo jooga gurigayga. Waxa aad fursad u heli lahayd in aad la kulantid iskiina baro dhalinyaro muslin ah oo wanaagsan. Haddii uu midkood noqdo ku kuu qalma, labadiinu waad is gursan lahaydeen. Waxa aanad u noqon lahaydeen shaqaale wanaagsan dhaqdhaqaaqa islaamak ee halkan. Laakiin markii ay muuqatay in ay kula tahay in aad joogi kartid Maraykanka, ayaan ka hadhay fikraddaas. Laakiin imika marka aan markale ka fikiro dhibaatooyinkaaga, ayaa aan u jenjeedhsadaa in aan cusbonaysiiyo martiqaadkii aan kuu fidiyay. Cidhiidhiga ka jira sarifka lacagta awgiis, suurtagal iima aha in aan xagga lacagta kaa caawiyo adiga oo jooga Maraykan. Markaa waxa ay aniga ila tahay in ay wacantahay in aad degdeg ugu soo kicitintid inta aannu xaalkaaga maaliyadeed sii xumaanin. Mar haddii aad halkan timaadid, haddii uu Ilaahay yidhaahdo, ma jiro waxa aad uga warwartaa mustaqbalkaaga. |