|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2448 |
September 05, 2010 Ramadan 26,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shirgudoonka Golaha Guurtida Oo Mudanayaasha Ku Wargaliyey Kal-Fadhi Aan Caadi Ahayn Inay Iskugu Yimaadaan Hargeysa, September 5, 2010 (Haatuf) - Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maalinta iskugu yeedhay Mudaneyaasha Golaha Guurtida Kal-fadhi aan caadi ahayn oo sida la sheegay lagu falan qeyn doono sidii looga doodi lahaa in mudada loo kordhiyo labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiiladda Iyo Guurtida). Ka dib markii dhawaan Xukuumada, Axsaabta iyo shirgudoonka Baarlamaanku ay isla garteen inaanay suurto gal ahayn in doorashooyinkoodii ku qabsoomaan wakhtigooda sharciga ahaa. Qoraal uu shalay warbaahinta u qeybiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) ayaa Mudaneyaasha Aqalka odayaasha ku wargeliyay inay ka soo xaadiraan kalfadhi aan caadi ahayn oo Goluhu yeelanayo, hase yeeshee wax tafaasiil ah kama uu bixin ajandaha lagu faaqiddi doono kalfadhigan aan caadiga ahayn, waxaanu xusay in kalfadhigani uu ka furmi doono maanta oo Axad ah Hoolka Ha’yada shaqaalaha dawlada 9:30 Subaxnimo. Sida Xeer Hoosaadka Golaha Guurtidu dhigayo waxa Mudaneyaasha Golaha iskugu yeedhi kara oo qudha Guddoomiyaha oo qudha oo ku maqan dalka dibadiisa, hase yeeshee 28 Mudane ayaa mooshin ahaan ku soo jeediyay in goluhu yeesho kal-fadhi aan caadi ahayn, taas oo Xildhibaanadu xaq u leeyihiin. Waxa mid ka mid ah Mudaneyaasha saxeexay Mooshinkani uu saxaafada u sheegay in kalfadhigan aan caadiga ahayn ee ay dalbadeen lagaga doodi doono sidii mudada loogu kordhin lahaa Goleyaasha Baarlamaanka Wakiilada, Guurtida iyo Goleyaasha Deegaanka ee dalka. Ka dib markii dhawaan xukuumada, axsaabta iyo shirgudoonka Goleyaashu isku waafaqeen inaanay suurto gal ahayn in xiligan ay mar kale dalka ka qabsoomaan doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka halka Golaha Wakiiladana mudadii xilkoodu dhamaanayo bisha October ee fooda inagu soo haya. |