|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2448 |
September 05, 2010 Ramadan 26,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kooxda Al-Shabaab Oo Dadka Qaba Cudurka Aids-Ka Ku Amray Inay Is Qarxiyaan, Laba Nin-Na Gacmaha Ka Gooyay Baledwayne, September 5, 2010 (W.Wararka) - Maamulka Degmada Marka ee Sh/ hoose ayaa dhawaan xarunta daaweynta cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka ee Degmada Marka kula kulmay bukaano halkaasi lagu daweynayo oo qaba cudurka HIV AIDS. Gudoomiyaha Maamulka Al-shabaab ee gobolka Sh/ hoose Maxamed Abuu Cabdalla Idriis ayaa ugu baaqay bukaanada AIDS-ka qaba inay is miidaamiyaan oo ay is qarxiyaan, bacdamaa uu sheegay in ayna noolaaneyn oo aanay jirin dawo lagaga daweeyo cudurkaas haleelay. Amarkaas Al-shabaab aya wuxuu amakaag iyo anfariir ku noqotay bukaanadii la ildarnaa cudurka Aids-ka ee goobtaas ku sugnaa, waxaanay ku kaliftey arintani in ay dhamaan dadkii bukuunka ahaa iskaga wada baxsadaan xaruntii ay ku qaadanayeen dawooyinka badiya difaaca jidhka. Xaruntaas laga wada yaacay ayaa waxa ay ku taala Cisbitaalka Istarliin ee magaalada Marka oo in mudo ah waday daryeelkii ay u fidinjirtey bukaanada uu haleelay cudurka dilaaga ah ee Aids-ku iyadoo talaabadan ka horna ay maamulka Shabaab ay albaabada u xidheen xaruntii daaweynta qaaxada oo ay ku eedeeyeen in ay maamulaan hey'ado ay ku sheegeen inay yihiin Kiristaan. Talaabadaan ayaa ah mid ku cusub xarumaha caafimaadka ee dalka Somaliya oo aan hore loogu arag dad bukaan ah oo la leeyahay isqarxiya, inkasta oo ay kooxda Xisbulislaam ay iyagu hore albaabada u laabeen una bililiqeysteen Cisbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Maamulka ururka Al Shabaab ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa shalay Xukun Gacmo goyn ah waxaa uu ku fuliyeen labo nin oo dhalinyaro ah oo ay ku soo eedeeyeen dambi Tuuganimo ah. Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, shalay ayaa Maamulka kooxda Al Shabaab ee Magaalada Baladweyne waxaa ay xukun gacan goyn ah ku fuliyeen labo wiil oo dhalinyaro ah oo da’dooda lagu qiyaasay 25 ilaa 23 jira. Maamulka Al Shabaab ee Magaalada Baladweyne ayaa ku mecneeyay sababta keentay gacan goynta dhaliyanradani ka dib markii sida ay sheegeen Bakhaaro ku yaala Magaalada Baladweyne ay si tuuganimo ah wax uga qaateen. Goobta ay gacanta kaga jartey Al Shabaab dhalinyaradani oo aheyd meel fagaare ah oo ku taala Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal dadweyne ah kuwaas oo u soo daawasho tagay qaabkii ay kooxda Al Shabaab dhalinyaradaasi gacmaha ugu goynayeen. Sida ay Xaqiijinayaan dad ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan labadii gacmood ee laga gooyay dhalinyaradaasi ayaa in mudo ah waxaa ay sudhnaayeen Xarunta Maamulka ururka Shabaab ee Magaalada Baladweyne. Xukunkaani gacmo goynta ah ee ay shalay fuliyeen ururka Al Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili wadanka Soomaaliya uu marayo marxad aad u murugaysan, islamarkaana ay deganaasho la’aantii ugu darneyd ka jirto koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. |