|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2448 |
September 05, 2010 Ramadan 26,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Maanso: Bismillaahi Noo Diran Waxa Curiyay Bashir Sheekh Omar Goth Maansadan waxa aan curiyay bishii February 18 keedii 1985. Xilligaas waxa aan si xoogle u akhriyi jirey falsafadda reer galbeedka gaar ahaan hal doorkooda ay ka midka yihiin Friedrich Nietzsche and Jean Paul Sartre iyo kuwa kale oo ahaa raggii hormuudka u ahaa aragtida loo yaqaan existentialism. In kasta oo aan dhab ahaantii aad u jeclaystay doodahooda, haddana igama ay bi’in harraadkii aan u qabay raadinta iyo ka gun gaadhidda runta iyo arrimaha xaqiiqada ah. Markaas ka dib ayaa waxa aan bilaabay in aan u jeesto akhrinta cilmi suufiyada Islaamka, gaar ahaan Al Ghazali iyo kitaabkiisa yar ee la yidhaahdo “Al-Munqid Min Al Dalaal” iyo labadii kitaab ee ay iskugu jawaabeen isaga iyo Ibn Rushd oo kala ahaa, Tahaafut Al Falaasifa oo uu qoray Al-Ghazali iyo Tahatful Attahafut oo uu qoray Ibn Rushd. Waxa kale oo aan iyana aad uga bogtay aragtidii suufiyada ee Ibn Carabi iyo Al Hallaj, Junayd, Abdulqadir Al Jilani, Ibn Rumi iyo culimo kale oo badan. Taana waxa iiga sii horreeyey aniga oo intaan Soomaaliya joogay si xoogle u muquurtay falsafadii shuuciyadda oo saamayn badan ku yeelatay fikirkayga intii ay weli maskaxdaydu curdinka ahayd. Aniga oo haddaba doodahaa badan la daalaa dhacaya, una ciirsan dhinaca falaasifada Islaamka, gaar ahaan cilmi suufiga, ayaan habeen habeenada ka mid ah sheekaysannay rag Soomaaliyeed oo qaarkood yihiin diktoorro shahaadado ku qaatay maaddooyinka ay barteen, hase yeeshee aan wax badan ka aqoon falsafadaha aan anigu mashquulka ku ahaa. Waxaan intayadiiba isku raacnay oo aan iskugu jiibinnay wax markii dambe caqligayga iyo dhimirkayga u cuntami waayey. Nimankaa ay dooddo na dhex martay waxa ay ka soo jeedeen qoysas waranleyaal ah, oo markaa la odhan karo xadhko adag diintu kumay hayn. Aniguse wax aan ka soo jeeday aabbo iyo hooyo ahlu diin ah oo mar kasta oo aan darjiidhis ku dhawaadaba ay i seetaynaysay xusuustii tafsiirkii aabbahay allaylka iyo galabtii culimada u akhriyi jiray iyo hooyaday oo Quraanka hablaha iyo haweenka u dhigi jirtay anigana ahayd macallimaddaydii kowaad. Dooddaas ka dib waxa aan dareemay aniga oo ka sii siibanaya dhaqankii diineed ee aan ku soo koray ee quruxda iyo degnaanshaha badnaa. Waxaan arkay in aan wixii aan akhriyey ka kasbaday suugaan iyo xasillooni darro keliya. Markaasi ayey ilmo igu soo joogsatay aniga oo sariirta jiifa, waxaana igu soo booday cutubka ugu horreeya maansada oo ah: Deyran, Deyran, Deyran Bismillaahi noo diran Balaayooyin duuliyo Wixii duumo cudur jira Daa’imow na baal mari… Dabadeed intaan qalin iyo warqad haabtay ayaan dhammaystiray. Markaan akhriyey ayey naxariisi i gashay oo sidii qof xanuunsanaya oo taxliil lagu akhriyey ayuu ii noqday deyr malayko oo aan si fiican u seexday. Deyran, deyran, deyran Bismillaahi noo diran Balaayooyin duuliyo Wixii duumo cudur jira Daa’imow na baal mari *** In kastoon dambiiliyo Anuu daayac weyn ahay Ka hallaabay dooddii Dacwaddii Ilaahiyo Dawgaan ku soo koray Diidi mayo abidkay *** Cilmi dunida yaalliyo Kun digtoora oon helo Ima doorin karayaan *** Daliilkii Quraankiyo Xadiis laga dillaacshiyo Run baan dabada haystaa *** Awliyada dawaaftiyo Kuwa Eebbe soo diray Dawgay mareen baan Sii daba tumaayaa *** Dhaqanka iyo diintuna Sida diirka oogada Midabkayga dugulkeen La ii doorin karahayn Waa xidid dubaaqiyo Dabacaygu yeeshoon Sina iiga duugmayn *** Tacliintaan durduurteen Dugsiyada ka soo helay Noqon mayso dawlaab Haddaan diintu garab ool *** Nacas baa dulbaaxshoo Sheekaduu diktoor gaal Buugagga ugu daabacay Kaga booda dayrkoo Ku deldela naftiisee Anuu duur kastoon xulo Ma darjiidho abidkay *** Diintuu lahaa iyo Dhaqankiisi dahabki Ninkii doojin waayee Digriigiisa fuulee Madaxiisa door biday Waa weel dalooshamay *** Waa sida digaaggii Kibir dacasha taagee Daaciisa ciiddiyo Inay dunidu kelidii La dumayso moodee Diiday lugaha meel qudha Darandoorri mooyee Inuu meel is daba dhigo *** Waa malab dameer sido Oon dahabka guud yaal Culayskiisa daashaday Inuu daadsho mooyee Nafci kale ka doonayn *** Waa baal dalwanayoo Dabayluhu eryaayaan Cilmiguu ku daaluu Daranyada u soo maray Hoos uguma daadegin *** Ninka soddonka deeqdiyo Daalacday Quraankee Ku dabbaqay aqoontee Sharaxiisa daba galay Cilmi dunida yaalloo Ka dahaadhan maan garan *** Hadday tahay dabaylaha Dayaxaa la fuuliyo Dusha sare wixii jira *** Badda dawanka weynliyo Buuraha dabbaaliyo Ciiddaan dul joogneen Ka dalgayno maadhkiyo Hadday tahay wax duur gala Iyo duunyo xoolaad *** Dadka uu Ilaahay Garaadka ugu deeqee Uunka daadaheeyiyo Shimbiraha dawaafiyo Xasharaadka duuliyo Hadday tahay duduma iyo Midka gala dalool geed *** Dhirta damalka weynliyo Dooggiyo xareeddiyo Hadday tahay durdurradaa Daymaha waraabshee Buuraha ka daadega *** Dadka kala wadkiisiyo Hadday nolol distoorliyo Tahay dawlad iyo xeer *** Doc kastoo la eegaba Daliilkii Quraankiyo Xaqu wuu ku soo degay *** Runta dunida taallee Daa’im noogu baaqiyo Digniinaha ilaahay Ninkii diiday yeelkii *** Weli diinta qayboo Samuhu uu ka daalacay Oo doobir khayrliyo Darajooyin weynloo Markuu samada daymada Dusha sare jalleecuu Wejigiisu soo dego Isagoon dabuub celin Cirku soo darrooroo Daruuruhu hillaacaan Ninka dood u yeeshee Daniyaaya xeeshii *** Anuu dhaqanka diintiyo Dermadaan ku soo koray Doorin maayo abdikay Ducadii qubuurtiyo Dikrigii arddaayadu Dookhayga laabtuu Doobaar ku yeeshoo Waa daabac jiidhkiyo Ku dahaadhan beerkoon Dugsadaa abiidkay Oon la iga dumin Karin. Bashir Goth |