Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2448

September 05, 2010                                                                       Ramadan 26,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Maanso: Bismillaahi Noo Diran

Waxa Curiyay Bashir Sheekh Omar Goth

Maansadan waxa aan curiyay bishii February 18 keedii 1985. Xilligaas waxa aan si xoogle u akhriyi jirey falsafadda reer galbeedka gaar ahaan hal doorkooda ay ka midka yihiin Friedrich Nietzsche and Jean Paul Sartre iyo kuwa kale oo ahaa raggii hormuudka u ahaa aragtida loo yaqaan existentialism. In kasta oo aan dhab ahaantii aad u jeclaystay doodahooda, haddana igama ay bi’in harraadkii aan u qabay raadinta iyo ka gun gaadhidda runta iyo arrimaha xaqiiqada ah.

Markaas ka dib ayaa waxa aan bilaabay in aan u jeesto akhrinta cilmi suufiyada Islaamka, gaar ahaan Al Ghazali iyo kitaabkiisa yar ee la yidhaahdo “Al-Munqid Min Al Dalaal” iyo labadii kitaab ee ay iskugu jawaabeen isaga iyo Ibn Rushd oo kala ahaa, Tahaafut Al Falaasifa oo uu qoray Al-Ghazali iyo Tahatful Attahafut oo uu qoray Ibn Rushd. Waxa kale oo aan iyana aad uga bogtay aragtidii suufiyada ee Ibn Carabi iyo Al Hallaj, Junayd, Abdulqadir Al Jilani, Ibn Rumi iyo culimo kale oo badan.

Taana waxa iiga sii horreeyey aniga oo intaan Soomaaliya joogay si xoogle u muquurtay falsafadii shuuciyadda oo saamayn badan ku yeelatay fikirkayga intii ay weli maskaxdaydu curdinka ahayd.

Aniga oo haddaba doodahaa badan la daalaa dhacaya, una ciirsan dhinaca falaasifada Islaamka, gaar ahaan cilmi suufiga, ayaan habeen habeenada ka mid ah sheekaysannay rag Soomaaliyeed oo qaarkood yihiin diktoorro shahaadado ku qaatay maaddooyinka ay barteen, hase yeeshee aan wax badan ka aqoon falsafadaha aan anigu mashquulka ku ahaa. Waxaan intayadiiba isku raacnay oo aan iskugu jiibinnay wax markii dambe caqligayga iyo dhimirkayga u cuntami waayey. Nimankaa ay dooddo na dhex martay waxa ay ka soo jeedeen qoysas waranleyaal ah, oo markaa la odhan karo xadhko adag diintu kumay hayn. Aniguse wax aan ka soo jeeday aabbo iyo hooyo ahlu diin ah oo mar kasta oo aan darjiidhis ku dhawaadaba ay i seetaynaysay xusuustii tafsiirkii aabbahay allaylka iyo galabtii culimada u akhriyi jiray iyo hooyaday oo Quraanka hablaha iyo haweenka u dhigi jirtay anigana ahayd macallimaddaydii kowaad.

Dooddaas ka dib waxa aan dareemay aniga oo ka sii siibanaya dhaqankii diineed ee aan ku soo koray ee quruxda iyo degnaanshaha badnaa. Waxaan arkay in aan wixii aan akhriyey ka kasbaday suugaan iyo xasillooni darro keliya. Markaasi ayey ilmo igu soo joogsatay aniga oo sariirta jiifa, waxaana igu soo booday cutubka ugu horreeya maansada oo ah:

Deyran, Deyran, Deyran

Bismillaahi noo diran

Balaayooyin duuliyo

Wixii duumo cudur jira

Daa’imow na baal mari…

Dabadeed intaan qalin iyo warqad haabtay ayaan dhammaystiray. Markaan akhriyey ayey naxariisi i gashay oo sidii qof xanuunsanaya oo taxliil lagu akhriyey ayuu ii noqday deyr malayko oo aan si fiican u seexday.

Deyran, deyran, deyran

Bismillaahi noo diran

Balaayooyin duuliyo

Wixii duumo cudur jira

Daa’imow na baal mari

***

In kastoon dambiiliyo

Anuu daayac weyn ahay

Ka hallaabay dooddii

Dacwaddii Ilaahiyo

Dawgaan ku soo koray

Diidi mayo abidkay

***

Cilmi dunida yaalliyo

Kun digtoora oon helo

Ima doorin karayaan

***

Daliilkii Quraankiyo

Xadiis laga dillaacshiyo

Run baan dabada haystaa

***

Awliyada dawaaftiyo

Kuwa Eebbe soo diray

Dawgay mareen baan

Sii daba tumaayaa

***

Dhaqanka iyo diintuna

Sida diirka oogada

Midabkayga dugulkeen

La ii doorin karahayn

Waa xidid dubaaqiyo

Dabacaygu yeeshoon

Sina iiga duugmayn

***

Tacliintaan durduurteen

Dugsiyada ka soo helay

Noqon mayso dawlaab

Haddaan diintu garab ool

***

Nacas baa dulbaaxshoo

Sheekaduu diktoor gaal

Buugagga ugu daabacay

Kaga booda dayrkoo

Ku deldela naftiisee

Anuu duur kastoon xulo

Ma darjiidho abidkay

***

Diintuu lahaa iyo

Dhaqankiisi dahabki

Ninkii doojin waayee

Digriigiisa fuulee

Madaxiisa door biday

Waa weel dalooshamay

***

Waa sida digaaggii

Kibir dacasha taagee

Daaciisa ciiddiyo

Inay dunidu kelidii

La dumayso moodee

Diiday lugaha meel qudha

Darandoorri mooyee

Inuu meel is daba dhigo

***

Waa malab dameer sido

Oon dahabka guud yaal

Culayskiisa daashaday

Inuu daadsho mooyee

Nafci kale ka doonayn

***

Waa baal dalwanayoo

Dabayluhu eryaayaan

Cilmiguu ku daaluu

Daranyada u soo maray

Hoos uguma daadegin

***

Ninka soddonka deeqdiyo

Daalacday Quraankee

Ku dabbaqay aqoontee

Sharaxiisa daba galay

Cilmi dunida yaalloo

Ka dahaadhan maan garan

***

Hadday tahay dabaylaha

Dayaxaa la fuuliyo

Dusha sare wixii jira

***

Badda dawanka weynliyo

Buuraha dabbaaliyo

Ciiddaan dul joogneen

Ka dalgayno maadhkiyo

Hadday tahay wax duur gala

Iyo duunyo xoolaad

***

Dadka uu Ilaahay

Garaadka ugu deeqee

Uunka daadaheeyiyo

Shimbiraha dawaafiyo

Xasharaadka duuliyo

Hadday tahay duduma iyo

Midka gala dalool geed

***

Dhirta damalka weynliyo

Dooggiyo xareeddiyo

Hadday tahay durdurradaa

Daymaha waraabshee

Buuraha ka daadega

***

Dadka kala wadkiisiyo

Hadday nolol distoorliyo

Tahay dawlad iyo xeer

***

Doc kastoo la eegaba

Daliilkii Quraankiyo

Xaqu wuu ku soo degay

***

Runta dunida taallee

Daa’im noogu baaqiyo

Digniinaha ilaahay

Ninkii diiday yeelkii

***

Weli diinta qayboo

Samuhu uu ka daalacay

Oo doobir khayrliyo

Darajooyin weynloo

Markuu samada daymada

Dusha sare jalleecuu

Wejigiisu soo dego

Isagoon dabuub celin

Cirku soo darrooroo

Daruuruhu hillaacaan

Ninka dood u yeeshee

Daniyaaya xeeshii

***

Anuu dhaqanka diintiyo

Dermadaan ku soo koray

Doorin maayo abdikay

Ducadii qubuurtiyo

Dikrigii arddaayadu

Dookhayga laabtuu

Doobaar ku yeeshoo

Waa daabac jiidhkiyo

Ku dahaadhan beerkoon

Dugsadaa abiidkay

Oon la iga dumin Karin.

Bashir Goth