|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2448 |
September 05, 2010 Ramadan 26,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Agaasimihii Horseed Media Oo 22 Maalmood Ka Dib Maxkamadda Rafcaanka Boosaaso La Horkeenay Boosaaso, September 5, 2010 (W.Wararka) - Maxkamada Racfaanka ee Boosaaso ayaa shalay la horkeenay, agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo mudo 22-kii maalmood ee la soo dhaafey ku xidhnaa Xabsiga magaalada Bosaso, kadib markii lagu xukumey 6 sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed, taas oo uu ku muteystey waraysi ay idaacaddiisu ka qadey ninka dagaal hubaysan ee ka socda buuraha Galgala kula jira maamul goboleedka Puntland Maxamed Siciid Attam. Maxkmadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dadweyne aad u faro badan dhamaan suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Boosaaso, Qaraabadiisi iyo weliba garyqaano badan oo u doodaayey Agaasimaha Horseed Media Mr Cabdifataax Jaamac Mire. Ugu horeyntii waxaa goobta ka Hadley Xeer-ilaaliyha Maxkamadda waxa uu soo gudbiyey dacwadda uu ku soo oogay Cabdifataax Jaamac Mire, waxaana uu sheegay in Cabdifataax uu qabtey qodobka 220 oo ah Qaran dumis ka dib markii uu waraystey nin cadow ku ah maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale waxaa ka Hadley maxkamadda Qareenada difaacayey C/fataax, kuwaas oo kala ahaa Avv. Siciid Cismaan Dhegamadow iyo Avv, Xareed, waxaana ay ku muujiyeen dacwadooda in aan Cabdifataax gelin denbi ah Qaran dumis, isla markaana ku muteysan karin xabsi caynkaas ah iskaba dhaaf in la xidhee in sharciga lagu xidhey uu yahay mid aan dastuuri ahayn loona baahan yahay in Cabdifataax loo soo celiyo xoiriyadiisa, dhamaan dadkii ka soo qaybgalay ayaa aad ula dhacay qaabka ay qareenado difaacooda u soo diyaariyeen. Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Bari ayaa intaas ka dib hadalkii siiyey Dhibane Cabdifataax Jaamac Mire agaasimihii Horseed Media waxaana uu weydiiyey sida uu arko xadhiga lagu xukumey in uu muteystey iyo waxa uu ka dalbanaayo Maxkamadda. Cabdifataax Jaamac Mire ayaa sheegay in waraysiga lagu xidhey aanu ahayn mid uu ku muteysan karo xadhig, waxa uu sheegay in waraysi kale oo inta ka dheer oo lala yeeshay Maxamed Siciid Attam in Raadiyaha laga siidaayey, waraysigaas oo lagu qaadey Paltalk isla markaana la soo geliyey Internetka isla markaana Madaxda Puntland ay waraysigaas soo wada qaateen iyaga oo sheegaaya in Attam al-Shabaab yahay, waxaana ka mid ahaa Madaxda tusaalaha waraysigaas u soo qaatey Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Faroole, cid nagu xidheyna ma jirto waraysigaas, kana waa sidoo kale waraysi caadi ah ayuu ahaa. Cabdifataax ayaa Maxkamadda ka codsatey in xoriyadiisa dib loogu siiyo. Markii Cabdifataax sidaas sheegay waxaa gooni isula baxay Xaakimiintii Maxkamadda ee go’aanka gaadhi lahaa, waxaana ay wada tashi ka dib soo fadhiisteen dadweynaha hortooda, waxa ay sheegeen in dacwadda uu soo oogey xeer-ilaaliyuhu aaney ahayn mid dhamaystiran, waxaana ay amar ku siiyeen in Xeer ilaaliyuhu in uu la yimaado dacwad dhamaystiran midda hadda uu soo ogeyna ayna ahayn mid dhamaystiran, sidoo kale waxa ay go’aan ku gaadheen in Agaasimaha Horsee Media Mr Cabdifataax xabsiga lagu sii hayo. Maamulka sare ee Horseed Media Mahad Muuse Axmed iyo Eng. Ismail Haji Said ayaa mar kale sheegay in cabdifataax Jaamac Mire uu ku xidhan yahay sifo aan sharci ahayn, Mahad Muuse Axmed ayaa sheegay in ay muujiyeen dulqaad iyo deganaansho weyn, si kasta oo arintan lugta loo jiido waxa ay ku dhamaan doontaa guul iyo Cabdifataax oo hela xoriyadiisi maalmaha soo socda. Source: Horseed Media |