|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2841 |
December 07 ,2011 Muharam 12,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Siyaasada Oo Ciidamada Amaanku Ay Xarunta CID-da Ku Xidheen Hargeysa, December 6, 2011 (Haatuf) - La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha siyaasada Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo Cade) ayaa shalay ciidamada amaanku ay ku xidheen Xarunta baadhista dambiyada ee CID-da, kadib markii la sheegay in arrimo ku saabsan baadhista dhacdadii dilka ahayd ee doraad ka dhacday deegaanka Seemaal ee u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki loo qabtay. Waxaana xadhiga la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada Abiib Diiriye Nuur, cadeeyay wasiirka aarrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo shalay u waramayay laanta Afsomaliga ee idaacada BBC-da, kaas oo sheegay in loo xidhay masuulkaasi arrimo la xidhiidha baadhitaanka falkii foosha xumaa ee lagu dilay saddexda qof ee ka dhacay deegaanka Seemaal. Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale maalintii doraad Gabiley ku xidhxidhiy Madaxdhaqameedyo, Culimo iyo xubno kale oo loo qabtay baadhitaanka dhacdadaasi dilka ahayd ee doraad ka dhacday deegaankaasi, kuwaas oo xubnaha la xidhxidhay ay djhamaantood ka soo wada jeedaan beesha deegaanka Gabiley.
|