Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2847

December  14 ,2011                                                                    Muharam 19,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Daafaha Dunida Wax Ka Baro Dalka Jasiiradaha Tavalu

Dalka Tuvalu waxa uu waqooyi kaga beegan yahay jasiiradaha Tonga waana dal ka kooban jasiirado aad u yar yar. Jasiiradaha uu ka kooban yahay Dalka Tuvalu  waxa  kamid ah Nanumea, Nui, Funafuti, Nukulaelae, Vaitupu  iyo jasiiro kale. Jasiiradhaa uu ka kooban yahay dalka Tuvalu,  waxa layidhaa (Ijice Islands). Caasimada dalka Tuvalu,  waxa layidhaa Funafuti, waxana a ku taalaa jasiirada Funafuri, oo ku taal dhinaca k/galbeed ee dalka. Dalka Jasiiradaha Tuvalu waxa ay dhacaan qorax kasoo baxa wadamada ku dhex yaal badwaynta  Pasiciga waana mid kamid ah wadamada ay quraxdu ugu soo hor baxdo.

Bedka: Bedka ay ku fadhiyaan  Jasiiradaha uu ka kooban yahay dalka Tuvalu Waxa lagu qiyaasaa 10.04, (mayl laba jibaaran) una  dhiganta

26.00, (kiiloo mitir laba jibaaran). Baaxda Dalka Jasiiradaha Tuvalu

Waxa ay ku dhow yihiin  baladhka caasiamada dalka Maraykanka ee (Washington, DC).

Dadka: Dadka ku dhaqan Dalka Jasiiradaha Tuvalu

Waxa lagu qiyaasaa 12,373, oo ruux waan tirakookii la qaaday sanadkii  2010-kii. Saadaasha dadka reer Tavalu ee sanadka  2050-ka waxa lagu wadaa in ay noqon doonaan  20,018, oo ruux.

Afka: Luuqadaha lagaga hadlo Dalka Jasiiradaha Tuvalu waxa kamid ah luuqada maxaliga ah ee Tuvaluan iyo luuqada Ingiriisiga  (English).

Aqoonta: Dadka qoonta leh ee u dhashay Jasiiradaha Tuvalu lagama hayo cabir dhab ah.

Diinta: Diimaha ay kala haystaan dadka ku dhaqan dalka Jasiiradaha Tuvalu waxa  kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan madaahiibta Church of Tuvalu (Congregationalist) oo ay haystaan boqolkiiba 97%, Seventh-Day Adventist boqolkiiba 1.4%, Baha'i boqolkiiba 1%, dadka haysta diimaha kalena waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 0.6%.

Cimriga: Ragga u dhashay Jasiiradaha Tuvalu waxa da’doodu gadhaa

 64-sano, dumarka reer Tuvalu waxa ay gaadhaan 68-sano.

Dawlada: Qaabka ay u shaqayso dowlada Jasiiradaha Tuvalu waa boqortooyo dastuuri ah (Government Type constitutional monarchy with a parliamentary democracy).

Lacagta: lacagta laga isticmaalo dalka waxa layidhaa Tuvaluan dollar ($T) ama  1 Australian dollar ($A).

Warshadaha: warshadaha ku yaal Jasiiradaha Tuvalu Waxa lagu farsameeyaa Kaluunka waxana sidoo kale ay aad uga shaqeeyaan soo dhawayta dalxiisayaasha.

Beeraha: Beeraha Jasiiradaha Tuvalu waxa ka baxa geedka Qumbaha. Dadka ku dhaqan dalka Jasiiradaha Tuvalu waxa ay ku tiirsanyihiin dabasha kaluunka. Dhulka la isticmaalo ee dalka Jasiiradaha Tuvalu waxa lagu qiyaasa in ka yar booqlkiiba 1%.

Khayraadka:  Khayraadka ugu badan ee dalka Jasiiradaha Tuvalu waa kaluunka.