Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2736

August 07,2011                                                                           Ramadan 07,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Al-Shabaab Oo Habeen Madow Si Lama Filaan Ah Uga Guday Muqdisho, Dawladda Sheekh Shariif Oo Soo Dhaweysay Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Muqdisho, August 7, 2011 (Haatuf) – Ururka Al-shabaab ayaa si lama filaan ah uga baxay magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, taas oo keentay in dawladda Taagta daran ee Sheekh Shariif ay gacanta ku dhigto boqolkiiba 90% magaalada Muqdisho, isla markaana arintani ay kor u qaadayso rajadii laga qabay in si habsami leh loo qaybiyo raashinka gargaarka ee loo wado dadka dhibanaha u ah Macaluusha ka jirta Somalia.

Ciidamada Dawladda Sheekh Shariif ayaa la sheegay in goobo badan oo ka mid ah Fadhiisimadii ay ka baxeen Al-shabaab ay isku fidiyeen, inkasta oo dadka shacabka ah laga joojiyey inay galaan suuqa si ay u hubiyaan ganacsigooda kadib markii ay ka baxeen Al-shabaab, lagana cabsi qabo in ururkaasi uu ku Aasay Miinooyin iyo walxaha qaraxa.

Mid ka mid ah dadka ku sugan Muqdisho ayaa ku macneeyey in ka bixitaanka Alshabaab ee magaalada Muqdisho ay tahay mid farxad iyo rayn-rayn ay ku soo dhaweeyeen shacabka dagaaladu regaadiyeen.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha Somalia Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in maalintani ay tahay maalintii ay sugayeen muddo saddex sano ah, isla markaana tilmaamay in aanay Al-shabaab iskood ku bixin, balse ay ku baxeen dagaal ay ciidamada dawladda Sheekh Shariif iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen maalmihii u dambeeyey.

“Saddexdii sano ee ugu dambeeyeyba waxa aanu ku riyoonaynay maalintan. Lamana odhan karo way baxeen oo iskood ayay u baxeen, maxaa yeelay waxa ay doonayeen intay haystaan iyo in kale inay qabsadaan, laakiin dagaal baanu muddo kula jirnay anaga iyo ciidamada AMISOM, dagaalkaasaanay ku baxeen, muddana si tartiib tartiib ah ayaanu uga xoraynaynay, markaa operation-nadaa iyo hawlgaladaa ayay ku baxeen. Maantana magaalada boqolkiiba 90 waa laga xoreeyey”.

Raysal Wasaaraha Dawladda Taagta daran ee Somalia ayaa mar uu ka hadlayey qorshayaasha ay ugu talo galeen Muqdisho maadaama oo ay Al-shabaab iskaga baxeen ayaa waxa uu yidhi “Qorshahayagu waa uu noo taagnaa oo waxa aanu leenahay qorshaha xasilinta magaalada Muqdisho oo ahaa qorshe socday muddo dheer”.

Dadka u dhuunta daloola arimaha siyaasada Somalia ayaa tilmaamaya in arintani ay timid ka dib markii sida la sheegay khilaaf xoog leh oo wiiqay awooda ururka Al-shabaab uu soo kala dhexgalay hogaanka sare, taas oo aakhirkii keentay in urukaasi ay iskaga baxaan magaalada Muqdisho oo boqolkiiba 90 ay muddo ka talinayeen.

Sidoo kale Burburka iyo awood darada la soo daristay ururka Al-shabaab ayay wararku tibaaxayaan in xidhiidhkii ka dhexeeyey Alqacida iyo Alshabaab uu wax weyni iska bedelay kadib markii Muqdisho lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Alqacida Fazul Maxamed Cabdalah, isla markaana ururka Al-shabaab aanu helin dhaqaalihii uu ka heli jiray Alqacida kadib dila sarkaalkaasi.

Dhinaca kale waxa iyaduna isa soo tarayey weerarada ay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Faransiisku ku qaadeen xarumo ay hogaanka Al-Shabaab iyo madaxda Ajaanibta ah ee Al-Qaida ku shirayeen oo ku yaala koonfurta dalka Soomaaliya, gaar ahaan duleedka magaalado dekedeeda Kismaayo.Duqeyntaasi ayaa la hadal hayaa in lagu dhaawacay qaar ka mid ah hogaanka Al-Shabaab ee laf dhabarka u ah hawlgelinta ciidamada iyo waliba xubno kale oo la sheegay inay yihiin Ajaanib oo iyagu ku sugnaa goobaha la duqeeyey.

Waxaa sidoo kale soo baxay qorshe cusub oo la sheegay inay wado dowlada Maraykanka oo ku aadan in ay si toos ah u bartilmaameedsato hogaanka kooxda Al Qaida iyo Xararkada Al Shabaab ee ku sugan dalalka Yemen iyo Soomaaliya, kuwaas oo Maraykanku ku duqeeyey diyaarado kala gedisan hawlgalo la fuliyey todobaaddadii lasoo dhaafay koonfurta dalka Yemen iyo Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan nawaaxiga magaalada Kismaayo.

Maraykanka ayaa weeraradan dardar geliyey kadib markii ay gacanta ku dhigeen xubin kamid ah AL shabaab oo ay ciidamada Maraykanka qabteen xili uu kusii jeeday dalka Yemen, iyadoo lagu qabtay bada Cas dusheeda, kaas oo muddo labo bilood ah lagu wareysanayey dusha Markab dagaal oo ay ciidamada Maraykanka leeyihiin, ka hor intaan loo gudbin dalka Maraykanka.

Sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka xubinta la qabtay ayaa laga helay xog badan oo ku saabsan hawlgalada Al-Qaida ee Geeska Afrika iyo dalka Yemen.

Dhanka kale waxa lagu soo waramayaa in saraakiil Maraykanahi ay gacan toos ah kasiinayaan ciidamada AMISOM dagaalada ka socda Muqdisho si loo bartilmaamsado xarumaha taliska u ah Al-Shabaab ee Muqdisho sida todobaadkii u dambeeyeyba uu sheegay Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere, kaas oo tilmaamay inay AMISOM ka barbar dagaalamayaan Askar Cadaan ah. Arrintan ayay dad badan Aaminsan yihiin inay keentay in Al Shabaab laga saaro goobo muhiim u ahaa oo uu ka mid yahay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo degmada Yaaqshiid oo u ahaa fardhiisimaha ay kaga duulaan Dawladda Sheekh Shariif iyo AMISOM.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa isagu maalintii shalay ku macneeyey ka bixitaanka ciidamadoodu ay ka baxeen magaalada Muqdisho inay tahay xeelad Dagaal, isla markaana ay u tudheen dadka tabaalaysan ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee dad badan ayaa is weydiinaya waxa xigi doona Bixida Al-shabaab, in ay soo qaadi doonaan dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo inay kordhin doonaan weerarada ay ku caan baxeen ee ismiidaaminta iyo banbooyinka wadada lagu Aaso iyo in uu hadda gabogaboobay wakhtigii Ururka Al-shabaab Somalia ay noqon doonto dal ka soo kabta wixii soo gaadhay 20 sanadood.