Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2736

August 07,2011                                                                           Ramadan 07,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Askartii Ka Qayb Gashay Hawlgalkii Lagu Khaarajiyey Osama Bin Laden Oo Ku Dhintay Diyaarad Helicopter Ah Oo Shalay Lagu Soo Riday Afghanistan 

Kabul, August 8, 2011 (W.Wararka) – 31 ka mid ah Askartii Kamaandoosta ahaa ee fulisay hawlgalkii lagu khaarajiyey hogaamiyihii ururka Alqacida Osama Bin Laden ee ka dhacay dalka Pakistan 2-dii Bishii 5aad 2011-ka ayaa ku dhintay diyaarad Helicopter ah oo maalintii shalay lagu soo diray dalka Afghanistan.

Diyaaradan ayey saarnaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Special Force qeybtooda Seals-ka oo ka tirsan Team six, ama kooxda Lixaad ee ciidamada Special Forceska, kuwaasi oo ah askartii fuliyey weerarkii lagu dilay Osama Bin Laden.

Askarta ayaa xiligii ay diyaaradu la dhacday ku guddo jirtay hawlgal ay ka waday gobolka Wardak ee dalkaasi Afghaanistaan, isla markaana ay dagaalo kula jireen Talibanka, burburka diyaarada ayey ku dhinteen 31 askari oo ka tirsan ciidamada Komaandooska Maraykanka ee loo yaqaan “Special Forces”,

Talibanka ayaa iyagu sheegtay inay soo rideen diyaaradan sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Afhayeenka Talibanka Sabiullah Mujahid.

Saraakiisha NATO ayaa sheegay inay baadhitaan kuwadaan diyaaradan soo dhacday waxa sababay, iyagoo qiray in diyaarada ay soo dhacday xili uu socday hawlgal ka dhan ah Talibanka oo ay NATO ku qaaday degmada Sayd Abad oo ku taal gobalka Wardak oo koonfur Galbeed ka xigta magaalada caasimada ah ee Kabul.