Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2872

January 12, 2012                                                                           Safar 18,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wasiiradiisu Waxay La Mid Yihiin Mas Godkiisii Biyo Ugu Soo Galeen

C/risaaq Suudi Nuuur

Maska haddii godka uu ku jiro biyo ugu galaan kuma jiri karo waxaana khasab ah in uu dibada uga soo boodo madaxwayne siilaanyo iyo wasiiradiisuna kama duwana mas godkiisii biyo ugu galeen mar haddii maamul goboleedyo lagaga dhawaaqay gudaha somaliland qodobka kowaad ee ummada ka iibinayeena uu ahaa gooni isku taag waxaanay dadka intooda badan iska waydiinayaan maxaa iska badali doona aamusnaantii siilaanyo iyo anaa jab la maaganta wasiiradiisa illeyn haday fooli timaado gudo qarsiimo hadhay waxaanay dadka intooda badani walaac ka muujinayaan ama ay calaamatul su’aal saarayaan haddii siilanyo iyo golohiisa wasiirada ay dhab ka tahay inay aaminsan yihiin gooni isku taaga somaliland maxay mar hore u hadli waayeen oo marka ay ugu liitaan ay u cambaarayn waayeen mudadii uu shirku socday ka dibna waxaan xasuustay qisadan soo socota oo ka dhacday magaalada muqdisho sanadkii 1965kii waxaanan jiray wakhtigaa aan ka waramayo waxaa magaalada muqdisho la keeni jiray geed sida qaadka loo cuno oo lagu marqaamo magaciisana la yidhaahdo goore waxaana laga keeni jiray dalka hindiya waxaan cuni jiray siyaasiyiin iyo ganacsato tiro yar haseyeeshee fikirikii ay dadku xiligaa ka qabeen cunista gooraha ayaa ahayd mid la mid ah ama shabihi jirtay ninka lagu arko isagoo geedkaa gooraha cunaya wuxuu la mid ahaan jiray nin lagu arkay isaga oo xashiishad cabaya lacagta wakhtigaa lagu iibin jirayna way badnayd sida aynu hore u soo sheegnayna waxaa cuni jiray siyaasiyiin iyo ganacsato tiro yar oo kaliya qaabka ay u cuni jirena wuxuu ahaan jiray mid qadsoodi ah oo ninka siyaasiga ah ama ganacsatada ahi marka uu soo dhamaysto hawlihiisa ee la soo gaadho xiliga habeenkii ee uu gurigiisa imaado ayuu fadhiisan jiray qol isaga u gaara waxaan suurto gal ahaan jirtay ninkaasi inuu cuno geedka gooraha xaaskiisa mooyane in ayna xitaa caruurtiisu ku ogaan jirin iskaba dhaaf cid kale geedkasina wuxuu leeyahay ur isaga u gaara oo uu urin karo qofkii cuni jiray haddii uu soo galo meel uu yaalo geedkaa gooruhu hadaba waxaa dhacday sanadkii 1965kii in nin ka mid ahaan jiray barlamaankii somaliya iyo ganacsatadii ugu magac waynaa jamhuuriyadii somaliya oo cuni jiray geedkaa gooraha ayaaa guursaday gabadh min yaro ah markii ay muddo yar wada joogeen iyada lafteeduna aanay wax dhib ah u arkayn cunista gooraha ayaa habeen habeenada ka mida markii uu ninkaa odayga ahi gurigiisii imid una fadhiistay cunistii gooraha oo aanu wali bilaabin ayaa albaabkii la garaacay qof waliba wuxuu leeyahay hab gaara oo uu albaabada u garaaco gabadhii markiiba waxay garatay qofka alaabka garaacay uu yahay aabaheed waxaanay markiiba fahantay mar haddii uu wakhtiga guriga imid aabaheed in cida uu u socdaa ama uu arin kale hadlayaa uu yahay ninkeeda sidaa darteed umay dhaqaaqin xagii albaabkii la garaacayey waxay se dagdag ugu soo dhaqaaqday qolkii uu ninkeedu fadhiyey si ay ugu war galiso in uu iska basriyo goorahan hor yaala hadaba markii la basriyey ayey odaygii albaabka ka furtay waxaanu odaygii soo galay qolkii uu fadhiyey ninkii uu sodoga u ahaa si wanaagsan baanu u soo dhaweeyey arintii laga wada hadlayna la iskuma diidin odaygu se dabeecad buu leeyahay oo waa nin ilowshiyo badan oo hadii uu arin kaala hadlayo waxaa suurto gala in uu qayb kamida ilaabo oo hadana wax yar ka dib kugu soo noqdo odaygu sidii caadada u ahayd markii uu guriga ka baxay goorihiina dib loo soo saaray ayuu xasuustay in uu ilaabay kalmadii ugu muhiimsanayd ee uu u socday dibuu u soo noqday markii uu albaabka garaacay ayey gabdhii mar kale ninkeedii ku tidhi aabaa soo noqdaye inaga qari gooraha isaguuna markiiba wuxuu u fahmay waxan odaygu la soo noqnoqonayaa inay tahay gooraha oo uu uriyey markiisii horena uu cuni jiray waxaanu  go’aansaday in aanay sodogii waxba kale qarsan oo gooraha wada cunaan marka ay mirqaamaana sheekada isku jiibiyaan markaasuu gabadhiisii ku yidhi naa waxba qarin maynee halkiisaa ha iska yaalo odaygana albaabka ka furi haddii uu garto isagaaba cuna ii halkan agtayada u soo gogol. Isku soo wada duuboo saaxiibayaal maanta waxaan leeyahay madaxwayne siilaanyo wax ka qabasho daaye marka uu ka hadli waayey maamul goboleedyada lagaga dhawaaqay gudaha somaliland isagaaba wada maalin dhowna waxaynu arki doonaa isagoo hareerihiisa u gogolay madaxda maamul goboleedyadaa aynu soo sheeganay oo ay gooraha wada cunayaan, marka ay wada marqaamaana sheekada isu jiibinayaan.

Cabdirisaaq Suudi Nuur

Tel: 442543

Hargaysa Somaliland