Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2872 |
January 12, 2012 Safar 18,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Furayaasha Horumarka Buugan oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Aadam Maxamuud Maxamed (Adam widhiidh) waa buug xambaarsan waayaha kala duwan ee nolosha, Waxana uu qoraagu buugan ugu magacdaray furayaasha horumarka,Q.AAD ………………………………….. Habaynta wakhtiga:Waqti aad firfircoontahay waqti aanad firfircoonayn (waxaynu kaga hadli doonaa beyjka xiga inshaalaah) iyadoo aynu sii wadno habaynta waqtiga sida aynu soo sheegnay wuxuu u kale baxaa : 1:waqti aad firfir coontay waxaana fiican inaad si aada uga faaidaysatid, oo aad wax akhrisataa, oo ku dadaashaa waqtigaasu si aanuu kaaga lumin 2:waqtiga aaanad firfircoonayn waxa fiican in aad uga faaidaysatid baahiyahaaga shakhsiyadeed sida hurdada iyo howlaha farabadan ee aad u baahan tahay. Waxaan ku muujin doonaa waqtiga labadiisa qeybood foomkan soo socda: waad arki karaysaa sida cad ee ay uga muuqato foomkan marka awoodaadu siyaadsantahay iyo maka ay nuqsaan santay. Haddaba ma isku dayi karaysaa in aad wax kaste qaban karto?? In aad waqtigaaga ka faaidaysan kartid!? *maxaa keena in uu waqtigaagu lumo ama dayacmo? (1)qofka oo bilaaa u jeedo noqda, waayo u jeedadu waa labanka koobaad ee ka faaidaysashada waqtiga (2)qofkoo aan u kala hormarin siday arimuhu u kala horeeyaan. (3)qofka oo aan ku adkaysan dhamaystirka hawlihiisa iyo ku adkaysashada jadwalkiisa. (4)qofka oo aan habaysnayn isagu,waxaana soo hoos gali kara saddex qolo oo ka mida dadka aan habaysanayn: A:qofkoo si fudud go,aan u gaadha Waxa uu ku sifaysan yahay dag dag faro badan, waxaana sababay arrimahan soo socda: *waxa uu ka araday taatiko dhamaystiran oo uu umaro fulinta ujeedoonyinkiisa. *waxa uu ku dadaalaa in uu fuliyo arimihiisa marka ay xeedho iyo fandhaal kala dhacaan oo ay xaaladu adkaato ee markay sahlanayd fulinteedu ma garto. *waa uu iska dag dagaa isaga oo aan kahaysan wax macluumada arrimaha. B:qof aan go,aan qaadasho lahayn Waa qof ku sifaysan baqasho iyo in aanu wax go,aana qaadan karin, iyo hadduu khalad ku dhaco masuuliyadiisa khaldkaa in aanuu u adkaysan karin asbaabaha sababi karana waxaa ka mid ah: *wuxuu ka baqayaa in uu fashilmo. *wuxuu ku sifaysan yahay in uu wax kaste dib u dhigo. *waxaa ku adag badhitaanka mushkiladiisa iyo xalkeeda. 23 C:qof jecel in isagu uun uu wax qabto Qofkan qudhiisa lama odhan karo waa qof habaysan, waayo horta qofkani waa qof ku sifaysan in uu shaqada gudashadeeda ku wanaagsan yahay, markaasuu aaminay in aanay dadka kale waxba qaban karin ama waa qof jecel magaca iyo maamuuska caan bxa iyo waxyaabaha la midka ah. Natiijaduna waxay noqon kartaa in uu waqtigiisa ku lumiyo maalaa yacni taasoo sababaysa in ay waajibaad fara badan dayacmaan. Waxaana ka mid ah aasaarta sababi karta waxyaaabahan soo socda: *waxaanuu awood u lahay arrimaha in uu ehelkooda u tiiriyo isna isu tiiriyo wixii u munaasiba *u adkaysan la,aan is beddelka arrimaha adduunyada. Saddexdan qolo aynu soo sheegnay ma horu marin karaan naftooda dadkooda iyo dalkoodaba??! (5)qofka oo ay si fudud ugu yimaadaan wax yaabo ka baxsan hawsha uu ku iro sida: A:dad soo booqda B:dhacdooyin dad dag ah oo ku yimaada qofka C:kulanada aan midho dhalka ahayn ee uu ka qeyb galo D:qofka oo aan awood u lahayn in uu diido waxyaabaha qaarkood. j:qofka oo ay mooganaan farabadani ku jirto oo ay ka mid yihin: *ka moogan waqtiga iyo qiimaha uu leeyahay. *ka moogan astaamaha gaarka ah ee waqtiga. *sidoo kale ka moogan geerida. Y:qofka oo sidoo kale daaliya naftiisa, waayo qofka aad isu dhibaa ma guulaysto,se waa in ay arrimuhu meel dhaxaad noqdaan. Ninka faraskiisa aad u erya ee nasin waaya, waxa la arkaa in uu dhaafo ninka faraskiisa nasiyaa, tusaale waxa u ah qofkoo wax akhriska badiyay oo hurdadii iska yareeyey wuxuu yidhi DR danneil freeman((huda la,aantu waxay keentaa waali)) Maxaa kuu ilaalin kara waqtigaaga? A:waa in aad iska ilaalisid arimahaa aynu soo sheegnay in aad ku sifaysnaatid B:waa in ay kuu caddahay sidaad uga bixi lahayd arrimaha ku soo waajahaya raadkan kugu yeelanaya. *is waydii maxaad doonaysaa in aad xaqiijiso? *maxaa is hortaagi kara shayga aad jeceshahay xaqiijintiisa? *u jeeda kasta oo aan leeyahay maxaa ugu muhiimsan? *waqtiga ugu fiicanee aan fulin karaa waa goorma? Haddaba waa in aanad go,aan galin arrin aanad go,aan adag ka qaadan. Waa in aad ku dul sugnaataa shaqada intaad fulisay kadib. Waa in aad arrimaha hadba sida u kala horeeyaan u kala qabatid. Sidoo kale waa in aad Ku dadaashaa wax akhriska. bartaana naftaada wax akhriska .tusaale fiican oo muujinaya nidaaminta waqtiga maxaa dhacay1897kii? Akhriste ogow qofka waqtigiisa nidaamiya isla markaasna dariiq saxa u maraa waxa uu garan kara guusha uu gaadhayo iyo waqtiga ay ku qaadanayso xaqiijinteeduba. Diyaar ma u tahay haddaba ??? Waxa ka dhacay magaalada basel ee dalka switzerland shir ay yuhuudu qabsadeen oo ay ku midaynayeen ururadoodi ku fidsanaa daafaha dunida iyo si ay u dhigaan dhagaxii u horreeyey ee guriga uu degi doona shacabka yahuudu mustaqbalka iyaga oo is ogaysiinaya in ay dadka yahuudu noqdaan intaanuu soo noqon dhulkii ay yahuudu hore u dagi jireen waxaana ka soo qeyb galay 204qof oo ka kala socda ururada yahuuda oo isugu jira rag iyo dumarba waxaana ay sameeyeen urur midaysan iyaga oo doortayTHEODOR HERTZEL Lasoco…... |