Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2736

August 07,2011                                                                           Ramadan 07,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guurtida Oo Maanta Guda Galaya Xeerka Furashada Ururada Oo La Filayo In Dhaqan Galkiisu Uu Soo Afjaro Khilaafka UCID

Hargeysa, August 7, 2011 (Haatuf)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmiya u guda gali doona kalfadhigii aan caadiga ahayn ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iskugu yeedhay todobaadkii hore dabayaaqadiisii, kaas oo uu kaga codasday inay dadajiyaan ansixinta xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada ee xeer lr 14/2000 ee wakiiladu soo anxisyeen horaantii todobaadkii hore, kaas oo ay golaha guurtida u soo gudbiyeen.

Golaha guurtida oo iyagu ku jiray fasixii kalfadhigooda 44aad ayaa sida sharcigu dhigayo fadhigooda maanta ku ansixin doona kalfadhiga aan caadiga ahayn ee Madaxweynuhu isku yeedhay, ka dibna mudanayaasha loogu qaybin doono xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada soo ansixyeen, kaas oo ay wakiiladu ku kala qaybsameen xilligii ay codka u qaadayeen ansixinta qodobada xeerkaasi qaarkood.

 Ilo wareedyo u dhuundaloola golaha guurtida ayaa Haatuf u xaqiijiyey, in mudanayaasha guurtidu ay diirada ku hayaan qaar ka mid ah qodobada xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada, gaar ahaan qodobka lacagta deebaajiga ah ee shuruuda lagaga dhigay in laga qaado ururada cusub diiwaangalintooda, oo cadadkeedu yahay $25,000, oo mudanayaasha qaarkood ay aaminsan yihiin in lacagtaas qadarkeeda hoos loo dhigo.

Dhinaca kale awooda guddiga diiwaangalinta ururada siyaasada ayaa iyagana la sheegay inay kaabis ku samayn doonaan.

Dhanka kale xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay guurtida dhexdeeda ka bilowday olole ay ku doonayso in diiwaangalinta ururada cusub iyo kala reebistooda oo wakiiladu ku soo ansixiyeen, in guddi madaxbanaan loo magacaabo ay ku doonayso in komishanka doorashooyinka qaranka loo daayo xilkaasi, islamarkaana meesha laga saaro abuurista guddiga hawsha diiwaangelinta ururada ee todobada xubnood ka koobnaan doona.

Xeerkan nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada ayaa sidoo kale ay xukuumadu u danaynaysaa in hore loo dadajiyo khilaafka xisbiga Ucid ka dhex aloosan, oo xeerkani dabiib u noqonayosoo afjarida khilaafaadka axsaabta siyaasada, kaas oo xeerkani dhigayo xisbiga ku gafa xeerkan in lacag ganaax ah oo badan laga qaado, islamarkaana cadaynaya habka lagu xalin karo khilaafaadka xisbiyada dhexdooda ka abuurma.